Waxa uu yidhi: ku-yar oo dhallinyar ah, oo uu dhalay, ayuu u dhiibtay bakhaarkiisii, si uu uga maarmo mid weyn, oo mushahar uga baahan, kadibna kii yaraa waxa dhibay koox budhcad ah, oo ka mid ah dhallinyartii qaadka ku weleftay ee xaafada deganeyd, cidi waxba ka qaban mayso budhcadaasi iyada oo la wada og yahay in ay xumaadeen, kii yaraa inta ay kolba ugu yimaadaan bakhaarka ayaa ay doonaan in ay khasab kaga qaadaan baad ama lacag ay ku qayilaan, kii yaraa aabihii ayaa uu u sheegay, oo ku yidhi: “Aabooy budhcad ayaa aan ka amaan la’ahaye… dee maxaan sameeyaa?”, kadibna markii uu kii yaraa aabihii dhowr goor uga cawday budhcadaasi, odeygii waxa uu tagey saldhigii xaafada, wuu u sheegay arrinka jira, waxa loogu soo jawaabay, “Mar hadii aanu dembi dhicin, oo aanad lahayn hebelkaasi ayaa dhib u geystay inankeygii, anagu waxba kuu qaban kari mayno, horta dembi ha dhaco!!!!!” Cajiib! Dembi wuu dhacayaa oo waa la wada og-yahay, maxaa yeelay; dalka waxa fasax ka ah, in la isticmaali karo maandooriyaha qaadka, oo si sharci ah ayaa dalka looga adeegsadaa, dhalinyartanina waa kuwo ku welfay qaadka, mana shaqeystaan, oo meel ay ka helayaan lacag ay ku soo iibsadaan ma jirto, kolkaa si ay qaadkii u helaan, waa in ay budhcad noqdaan, oo ay dadka xoog kaga qaadaan, waa taasi ta sababta u ah xumaanta budhcadaasi, Odeygii markii uu arkay in aanu saldhigii waxba u qaban kareynin, waxa uu diyaarsaday Baaskoolad, kadibna maalin maalmaha ka mid ah, ayaa ay budhcadii sidii caadada u aheyd u yimaadeen inankii oo bakhaarkii dhex jooga, inankiina fariin ayuu moobilka ugu diray Aabihii, waxa markiiba soo gaadhay meeshii Odeygii oo baaskooladii sita, budhcadii mid ka mid ah ayuu madaxa kaga dhuftay, Odeygii waa la xidhay, oo jeelka ayuu ku jiraa maanta oo aan qormadani qorayo, budhcada kii xabadu ay ku dhacdayna waxa uu ku jiraa dhakhtarka, oo weli muu dhimanine rasaastii ayaa madaxa dhex fadhiisatay, Odeygiina wuu xidhan yahay…