SHAYDAAN… ? IBLIIS… ?

Waxa is-weydiin leh:

  1. Shaydaanku Waa Maxay?
  2. Ibliis iyo Shaydaan Maxay Kala Yihiin?

Su’aasha 1aad hadii aynu ka jawaabno; Ereygan Shaydaan waxa uu ka yimid erey af-carabi ah, oo afkeena ku noqonaya [Kii Ka Fogaaday Naxariista Illaahay ama Kii Illaahay uu Naxariistiisa Ka Fogeeyay], marka halkaasi waxa inooga soo baxaya, Shaydaan-nimadu in ay tahay darajo la gaadho, waana marka qofku uu xumaanta sameynteeda uu badsado, kadibna ay gaadhsiiso heer Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye naco qofkii, Naxariistiisana ka fogeeyo(Illaahay Ayaynu ka Magan Galnay), xaaladaa iyada ah qofkaasi waxa uu u gudbay darajadii Shaydaan-nimada, waxa loogu yeedhayaa qofkaasi Shaydaan.

Shaydaanku mid isha dadka ka qarsoon buu leeyahay oo Jin-ka ku dhex jira iyo mid muuqda oo Dadka ku dhex jira, had iyo goorna way is-xulafaystaan, Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye wuxuu qur’aankiisa inoogu sheegay labadan nooc jiritaankooda.

}وَكَذَٰلِكَ جَعَلْنَا لِكُلِّ نَبِيٍّ عَدُوًّا شَيَاطِينَ الْإِنسِ وَالْجِنِّ يُوحِي بَعْضُهُمْ إِلَىٰ بَعْضٍ زُخْرُفَ الْقَوْلِ غُرُورًا ۚ وَلَوْ شَاءَ رَبُّكَ مَا فَعَلُوهُ ۖ فَذَرْهُمْ وَمَا يَفْتَرُونَ{الأنعام: 112

Su’aasha 2aad hadii aynu ka jawaabno; shayaadiinta waxa u arrimiya, oo ka dhex hadla, oo ay amarka ka qaataan cadawga weyn ee ka go’ay Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye, kaas oo magaciisa la yidhaahdo IBLIIS, sida uu Ibnu Kasiir ku xusay kitaabkiisa Al-Bidaayah Wa-Nihaayah, waxa uu yidhi:

Aduunyadan imika aynu ku nool yihiin, waxa ku noolaa qolooyin la yidhaa Al-Xinu Wal-Binu, qolooyinkaasi markii ay xumaan dhulka ku dul sameeyeen, dhiig badanna ay iska daadiyeen, Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye wuu halaagay, wuxuu ku soo diray ciidan uu Ibliis hogaaminayo, kadibna qolooyinkii way laayeen, berigaa hore Ibliis magaciisu waxa uu ahaa Casaasiil, waxa uu Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye ka abuuray dab ama olol, waxa uu ka mid ahaa qabiil malaa’igta ka mid ah, oo la yidhaahdo Al-Jinnu, waxa uu Samada ugu soo sokeysa ee la yidhaahdo Al-Samaa Dunyaa ka ahaa Amiir, oo Jimanka ayuu ugu sareeyay, waxa uu ahaa mid aad u cibaado badan, oo Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye aad ugu cibaadeysta… … … …

Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye waxba kama qarsoomaan, oo laabta waxa uu qofku ku qarinayo ayaa uu og yahay, sida ka muuqata Aayadan hoosta taala, Casaasiil waxa uu hoosta ama laabta ku qarsanayay xumaan, waxa uu is-lahaa cidi kuma oga, laakiin waa kan Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye inoo sheegay:

{إِلَّا إِبْلِيسَ أَبَىٰ وَاسْتَكْبَرَ وَكَانَ مِنَ الْكَافِرِينَ…}

Nebi Aadam (عليه سلام), Xaaskiisii Xaawa iyo Malaa’igtuba may ogeyn xumaanta Casaasiil qarsanayo, hadaba si’ uu Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye u muujiyo xumaanta Casaasiil, Nebi Aadan iyo Xaaskiisana uu u tusiyo cadawgooda, waxa uu Rabbi Weynaa Oo Wanaagsanaaye sameeyay xeelad aad u cajab badan, oo Casaasiil ku keliftay, in uu xumaantii uu qarinayay soo saaro, inta uu ciil iyo cadho is-hayn kari waayay, ayaa uu si daahir yaa shamis ah u muujiyay wixii uu qarin jiray, xeeladaasi waxa ay u dhacday sidani:

}وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآدَمَ فَسَجَدُوا إِلَّا إِبْلِيسَ أَبَىٰ | فَقُلْنَا يَا آدَمُ إِنَّ هَٰذَا عَدُوٌّ لَّكَ وَلِزَوْجِكَ فَلَا يُخْرِجَنَّكُمَا مِنَ الْجَنَّةِ فَتَشْقَىٰ{ سورة طه ١١٦–١١٧

Casaasiil wuu diiday Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye inuu ka amar-qaato, kadibna diidmadaa uu diiday Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye amarkiisa, waxa uu kula baxay magaca ilaa imika loo yaqaano ee ah Ibliis, magacani wuxu afkeena ku noqonayaa [Kii Ka Quustay Naxariista Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye] Casaasiil wuu fashilmay, waxa uu noqday Ibliis, waxa cadaatay cibaadadii badneyd ee uu la iman jiray, in aanay ahaan jirin Ka-Amar-Qaadasho Illaahay, laakiin ay aheyd Is-Tusnimo iyo I-Arkaay I-Maqlaay…

}قَالَ يَا إِبْلِيسُ مَا مَنَعَكَ أَن تَسْجُدَ لِمَا خَلَقْتُ بِيَدَيَّ ۖ أَسْتَكْبَرْتَ أَمْ كُنتَ مِنَ الْعَالِينَ | قَالَ أَنَا خَيْرٌ مِّنْهُ ۖ خَلَقْتَنِي مِن نَّارٍ وَخَلَقْتَهُ مِن طِينٍ | قَالَ فَاخْرُجْ مِنْهَا فَإِنَّكَ رَجِيمٌ{ سورة ص ٧٥–٧٧

Hadaba markii uu Ibliis is-arkay inuu fashilmay, oo uu banaanka yaalo, markii uu arkay go’aanka adag ee uu Illaahay Weynaa oo Wanaagsanaaye uu ku riday, markii uu ka quustay in Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye uu il-naxariis leh ku soo eego… … …

 سورة ص ٧٨ {وَإِنَّ عَلَيْكَ لَعْنَتِي إِلَىٰ يَوْمِ الدِّينِ}

Ibliis… Cadawgan weyni, waxa uu bilaabay goolaaftan iyo inuu u hanjabo Nebi Aadan (عليه سلام), waxa uu Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye hortiisa ka cadeeyay, oo uu wacad ku maray, in aanu kaligii naarta galayn, laakiin uu duufsan doono in badan oo dadka ah, oo uu hoojin doono, una horseedi doono in ay galaan iyaguna naarta… … …

}قَالَ فَبِمَا أَغْوَيْتَنِي لَأَقْعُدَنَّ لَهُمْ صِرَاطَكَ الْمُسْتَقِيمَ | ثُمَّ لَآتِيَنَّهُم مِّن بَيْنِ أَيْدِيهِمْ وَمِنْ خَلْفِهِمْ وَعَنْ أَيْمَانِهِمْ وَعَن شَمَائِلِهِمْ ۖ وَلَا تَجِدُ أَكْثَرَهُمْ شَاكِرِينَ { سورة الاعراف١٦–١٧


}وَلَأُضِلَّنَّهُمْ وَلَأُمَنِّيَنَّهُمْ وَلَآمُرَنَّهُمْ فَلَيُبَتِّكُنَّ آذَانَ الْأَنْعَامِ وَلَآمُرَنَّهُمْ فَلَيُغَيِّرُنَّ خَلْقَ اللَّهِ ۚ وَمَن يَتَّخِذِ الشَّيْطَانَ وَلِيًّا مِّن دُونِ اللَّهِ فَقَدْ خَسِرَ خُسْرَانًا مُّبِينًا | يَعِدُهُمْ وَيُمَنِّيهِمْ ۖ وَمَا يَعِدُهُمُ الشَّيْطَانُ إِلَّا غُرُورًا {سورة النساء١١٩–١٢٠


}قَالَ أَرَأَيْتَكَ هَٰذَا الَّذِي كَرَّمْتَ عَلَيَّ لَئِنْ أَخَّرْتَنِ إِلَىٰ يَوْمِ الْقِيَامَةِ لَأَحْتَنِكَنَّ ذُرِّيَّتَهُ إِلَّا قَلِيلًا {سورة الاسرء ٦٢

Hadaba xeeladan uu Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye uu ku muujiyay cadawgaa weyn, ee xun, ee ku dhex dhuumanayay kuwii wanaagsanaa, waxa aynu inaguna u adeegsanaynaa, in aynu ku ogaano dad-xunka inagu dhex dhuumanaya.

Si aynu munaafiqiinta, xaasidiinta, sixiroolayaasha iyo dhamaan dad-xunka oo idil u ogaan-no, oo u muujino xumaantooda, waa in uu qof kastaa Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye ka amar qaato, waa in qof kastaa la yimaado wixii uu Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye ina faray la-imaanshihiisa, sidaasi oo kale; waa in qof kastaa ka tago, wixii uu Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye ina faray ka-tegidiisa.

error: Fadlan Lama Ogola !!
SOMALILAND MAANTA
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?