Maxaad ninka sidaa ugu gashay?

Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa koox fadhiday meel kaabad ah, waxa soo hormaray nin nadiif ah, oo dharkiisa iyo jidhkiisuba nadiif yihiin, kadibna mid ka mid ah kooxdii kaabada fadhiday ayaa yidhi: “Waaryaadha! carabkaasi waan boodhaynayaaye idinku iga qabta hadii uu I rito…”, kadibna wuu ku soo kacay, oo inta uu u hanjabay ayuu ciid, boodh iyo quruurux is-wadata ku daadiyay, way is-qabsadeen in cabaar ah ayay dhulka isla galgalanayeen, qofkii ka naxa ee kala qabo is-yidhaahda waxa horjoogsanaya kooxdii kaabada fadhiday, oo waxay ku odhanayaan “Waar waanu kala kari waynaye, ha isku taaban, ha kala calaf qaadaane…” muddo ku dhow nusa-saace markii ay dhulka isla rafteen, oo ay ujeedadii ay lahaayeen u hirgashay, ayay kala qabteen, ninkii xaragoonayay in kasta oo aan dhiniciisa dhulka la dhigin, oo uu iska caabiyay, hadana waxa uu soo kacay isaga oo aad moodo, in inta xabaal la dhex galiyay, oo ciida lagu rogay, laga soo saaray, timihiisii mad-madoobaa ayaa boodh iyo ciid awgeed la arki waayay midabkoodii, dhar cad-cad oo uu xidhnaana, waxa ay noqdeen kuwo aad u madoobaaday oo boodh fuulay, jidhkiisii ayaa wada uskag noqday, kii ay dagaalameen isagu waxba ma qabo, weliba wuu qoslayaa, oo inta ay kuwii kale soo ag istaageen, ayay iyaga oo qos-qoslaya ku leeyihiin “Alla niyahow garacsanidaa…, Maxaad ninka sidaa ugu gashay?” kani isagu marka hore ba hadii uu boodhka galgasho iyo hadii uu ciida dusha isaga keenaba, midna waxba uma oga, oo cawlaanka jidhkiisa iyo madawga saaran dharka uu xidhan yahay, ayaa waxay qarsanayaan boodhka, kadibna ninkii nadiif markii dhowr cisho sidan oo kale lagu sameeyay, wuxuu samaystay surwaal adag iyo shaadh cawlan, oo aanu boodhku ka muuqanayn, oo uu ku baxo marka uu suuqa tagayo, hadii uu dagaal galo si aanu aqalka ugu soo noqonin, ee uu suuqiisa isaga sii joogi karo, xaragadii iyo nadaafadiina wuu iloobay…

error: Fadlan Lama Ogola !!
SOMALILAND MAANTA
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?