Magtii waraabaha meel hala saarro

Waxa la yidhi beri baa nin reer miyi ihi soo xareeyey awr baadi ah , awrkii oo mudaba uu hayay ayaa habeenkii dambe isagoo seeto ku daaqaya waraabe diley , dabeeto ninkii awrku kasoo lumay ayaa raqdii awrka dul yimi ka dibna awrkii waraabihii buu raadiyey ka dibna diley, ninkii waraabaha diley dabeeto wuxuu qabsaday ninkii awrka qabtay, waxaanu ku yidhi awrkaygii aad seeteysay, ee waraabuhu diley waan kugu leeyahay, isna wuxuu yidhi iguma lihid, labadii nin markii ay is mari waayeen, ayay dad isula tageen, dabeeto ninkii awrka lahaa wuxuu ku doodey, in awrkiisii waraabe diley, waraabihiina uu diley intuu raadiyey, awrkiisana aan waraabe dileen hadaan ninkaasi seetaynin, sidaa darteed uu ku leeyahay magtii awrkiisa, ninkii kalena wuxuu ku doodey, kol haddii waraabahaasi wuxuu diley la ii haysto, oo aan ku gashiyoobayo, aniguna waxaan doonayaa waraabaha magtiisa, maxaa yeelay waraabahaasi waa mulkigaygii.

Xigasho: Ahmed Nour Guruje

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *