Badhi-Ka-Siib

Waqtiga Kaliisha ee aadka u kulul, waxa dhacda dabayl hanfi kulul leh, oo adhiga saacado gudahood weyd kaga dhigta, oo badhida laga waayo idaha, nin waqtigaa adhigiisii geed hadh geliyay, ayaa markuu saacad ka dib dareeriyay, arkay lax badhi weyneyd oo ay dabayshii ka fuuqsatay, oo aan lagu ogeyn in yarna, markaasuu yidhi. “Wallaahi iyo tii xilood laxdaasi markay geedkaa hadh gashay badhi bay lahayd.”

Xigasho: Abdilahi Geeljire

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *