HIV qofka qaba isha laguma garan karo

Waxay ahayd ramadaan tobankii ugu danbeeyay, abbaaro 10-kii subaxnimo, waxa dhakhtarka iigu yimi gabadh dhallinyaro ah iyo aabbaheed oo sitta warqadda qofka HIV laga helo loo qoro, ee loo yaqaanno VCT, wejigooda waxa ka muuqday argaggax iyo naxdin, waliba aabbuhu aad ayuu u naxsana.

Taasi waxay i gelisey dareen ah inuu isagu yahay qofka qaba xanuunka, labadan waji midna ma aqoonsan, hase ahaatee laba goorba waan qaldanaa, markaan u maleeyay in aabbuhu yahay ka xanuunka qaba, iyo markaan is idhi inantan weligaa maad arkin, isbarasho iyo wada hadalkayagii ka bacdi, qofka xanuunka qabay wuxuu ahaa gabadha dhalinyarada ah, gabadhu intii aan wada hadlaynay waxay igu fiirinaysay indho kale, hadalka way kala googoynaysay, waxaanan ka dareemayay wax aanan markaa fahansanayn, wadahadal dheer ka dib aabbeheed, aniga iyo iyaduba waxaannu isku afgarannay inay dawadeeda qaadato, aabaheedna u noqdo dammiinka, garabna siiyo.

Markasta aabbaheed oo ay ilmo ka qubanaysaa, wuxuu ku celcelinayay inantiisu inay ahayd baarri aan habeenna meel xun marin, laakiin uu u malaynaayo in ninkeeda uu sabab u yahay xanuunkeedan, markii ay dawadu u socotay muddo illaa bil ah, ayay inantii xoog u xanuusatay, xaladdeediina ka sii dartay, markii dhakhtarka la keenay ayaannu aragnay in aanay dawadaba qadan jirin, doonaysayna in ay hore u dhimato sida ay markii danbe ii sheegtay, si xaaladdeeda loola socdo, dawadana lagu ilaaliyo maaddaama ay depression noqotay, ayaan isla qaadanay in waadhka la dhigo, subixii labaad markaan waadhka soo galay, ayaan arkay sariirtii bukaanka oo ay dul taagaan tahay inan aan aad isu naqaannay, salaan ka bacdi waxaan waydiiyay cidda ku jirta waadhka, waxayna igu tidhii “dee walaashay ayaa taalla miyaanad garanaynnin sawtan heblaayo?” waxay ii tilmaantay sariirta ay dultaagnayd oo ah isla saraiirta bukaanka aan u socday, ee ahaa qofkii labadii bilood ee u danbeeyay ka mid ahaa bukaannada aan is arki jirnay, laakiin aanan garanaynnin, shaw bukaankani waxa uu hadallada u kala jarayay waxay ahayd, qof i garanaysay oo is-lahayd way ku garatay iyaduna, laakiin aan ahayn inantaan aqaannay, Allahayoow nin aan waxba ogayn ha cadaabin.

Inantan bukta waxaannu isugu nimi Jaamacadda Hargeysa, walow aannaan isku kulliyad ahayn, haddana dadkii isku bartay ayaan ku jirnay, jamacaddana way dhammaysay, annagoo weli dhiganna waqtiga kulliyadda cafimaadka oo nagu dheeraa awgeed, gabadhan waxaa iigu danbaysay iyadoo qurux badan , qoslaysa, oo faraxsan, imminka se waxay ii timi, iyada oo midabkeedii tagay, murugaysan, jidhkeediina qallalay, oo aan garanba waayey, taas waxaa sii dheeraa, siday ii sheegtay walaasheed, in markii ay dhakhtarka imanaysay ayna ogaatay in aan ka shaqeeyo, magaceedii oo dhan ay beddeshay.

Cabbaar xasuus ah markaan galay, dadkii booqashada ahaa oo dhanna waadhka laga dareeriyey, ayaan fursad u helay aan ku waraysto, waxay igu tidhi “waxaan moodayey inaad ogaan iskaga dhigayso qof aan i garanayn, oo aad doonaysay in aanad i dareensiin, inaad i aqoonstay xanuunkayga awgii, markii hore waxaan islahaa way ku takooraysaa oo xanuunka dartii bay isu kaa diidsiinaysaa, laakiin markaan arkay sida naxariista leh ee aad iila hadlaysay, waxaan u baahdana iigu qabanaysay, ayaan is idhi aday ku diidaysaa in ay qalbiga kaa jebiso oo ay isaga dhigaysaa qof aan ku garanaynnin“.

Intaa markay hadalka marinaysay, oo weliba dirqi kaga soo baxayeen weedhahaasi, ayaan ku idhi iska naso walaal, walaasheed ayaan haddana waraystay markale, waxa ay ii sheegtay in la guursaday markay jaamacadda dhammaysayba, muddo sannad ahna ay buktay, inkastoo ay dhakhatiir badan u tagtay, haddana aan xanuunkeeda la garan hadda ka hor, ninka guursaday ayaana ahaa mid xanuunkan qabay, markii sidaa la ogaaday xanuunkeedu inuu HIV yahay, guurkooda ka horba dawo ayuu qaadan jirey oo wuu ka qariyey, bal ka warran haddii ay iska baadhi lahayd maalintii ay is guursanayeen? way wacnaan lahayd laakiin raxmaanku ma qaddarin, waxay ahayd qof waxbaratay, cilmi diin iyo mid maaddiba lahayd, haddana qof bilaa damiir ah ayaa u qariyay, HIV-ga qofku muddo badan ayuu la noolaan karaa isaga oo qurux badan oo labis fiican, waxa kaliya ee aad ku cadayn kartaana waa badhitaan.

Maanta waa 1-December, waa maalintii HIV-ga adduunka, Qisadan oo aan in badan ka meeraystay in aanan qorinna, waxa igu kellifay intaa aan idin idhi ee ah “Adduunkan qof kastaa wuu qaadi karaa HIV” hababka lagu qaadaanna way badan yihiin, laakiin intaanad qoomamoonin iska baadh qofka aad guursanaya, Allah ha u naxariisto oo jannatul fardawsa ha geeyo inantii, inta buktana allaah ha caafiyo, inteenna cafimaadka qabtana Allaah ha ka badbaadiyo, Inaad is-wada baadhaan adiga iyo qofka aad guursnaynsaa, waa badbaadadaada.

W/Q. Zaynab Muuse Jaamac

error: Fadlan Lama Ogola !!
SOMALILAND MAANTA
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?