QUWAAXAA HA NAGADI πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚

Nin reer Baay ah ayaa geed weyn salka ka jaray. Waxaa la su’aalay maxaad ku sameyneysaa geedka? Wuxuu ku jawaabay HAANAA FADEE (haan baan ka rabaa). Cabirkii haanta markii uu dhaafay ayaa la weydiiyay haan dhaaftaye sidee wax kaa yihiin? Wuxuu yiri DHIILAA FADEE (dhiil baan ka rabaa). Xoogaa ka dib ayaa hadana la yiri dhiil dhaaftaye xagee u socotaa? Wuxuu yiri DHAKALAA FADEE (haruub ayaan ka rabaa). Wax yar ka dib ayaa la weydiiyay dhakal dhaaftaye xagee u socotaa? Wuxuu yiri FANDHAALAA FADEE (qarsin baan ka rabaa). Qarsinkii isagoo dhaafay oo jab yar gacanta ku haaya ayaa loo yimid, waxaa lagu yiri war bal haye wixii oo dhan soo dhaaftaye jabkaan yar maxaad ka rabtaa.? Intuu afka gashaday oo ruugay buu yiri QUWAAXAA HA NAGADI (quwaax buu noqday) πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚

Xigasho: Mahad Salad 

error: Fadlan Lama Ogola !!
SOMALILAND MAANTA
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?