Sheekooyinka xikmadaysan ee fariinta gudbiya

Sheekooyinka xikmadaysan ee fariinta gudbiya, ayaa waxa ka mid ahayd: mid wadamadda Carabta laga isticmaalo, oo wadamadda kalena khuseysa.

Beri ayaa nin Boqor ah, ay sheeko xiiso badani dhex martay isaga iyo Sac, Faras, iyo Dameer.

Horta Sacii ayaa u tegay boqorkii, Oo ku yidhi beri dhawayd biladdo aad qaybinaysay waad Iga reebtay.

Boqorkii Oo yaaban ayaa yidhi “Oo adigu sidee Baad u mutaysatay biladda.?

Ka dib Sacii gartiisii buu soo bandhigay, iyo sida caanihiisa dadku u cabaan iyo sida hilibkiisa loo cuno, iyo weliba sida haragiisa kabaha looga samaysto.

Boqorkii waa garaabay waxaanu amar ku bixiyey in Saca biladda la siiyo.

Hadaba Sacii oo faraxsan, oo damaashaadaya, ayaa Faraskii arkayaa, kolkuu waraystayna wuxuu ogaanayaa biladda Boqorku siiyey.

Isaguna wuu isa sii daynayaa, oo boqorkii ayuu sidoo kale u sheegayaa wuxuu dadka u qabto, oo ay ka mid yihiin; inuu gaadiid u yahay, in dagaaladda lagu galo, oo uu halkii tiknikadda ku jiro.

Isagana boqorkii waa u garaabayaa, oo wuxuu amrayaa in Faraska isna biladdii la siiyo.

Hadaba Dameerkii ayaa ogaanaya biladaha la bixiyey, isaguna boqorkii buu iska xaadiriyey.

Boqorkii baa lagu odhanayaa dameerkii baa ku Doonaya.

Boqorkii baa odhanaya: Waar isaguna muxuu tolow Ximaarku Iga rabaa, Waar haygu soo daynina.

Ka dib waxa la odhanayaa, dameerkii wuu diiday inuu tago, cabaar ka dib baa lagu soo deynayaa.

Dameerkii ayaa odhanaya: boqorkaygiiyoow; waxaan kuugu imid inaad bilad I siiso, maadama aan waxtar weyn u ahay dalka iyo xukunkaagaba.

Boqorkii baa odhanaya kolay Saca iyo Faraska waxtarkooga gartay, laakiin adigu iyaga lama mid tihid, oo waxaan kugu siiyo bilad ma hayo.

Kolkaasaa Dameerkii oo qiiraysan uu odhanayaa “Boqoroow malaha waxba lama socotide, miyaanad ogeyn inaan anigu xukunkaba kugu hayo

Boqorkii oo yaaban baa odhanaya oo sidee baad dameeroow iigu haysaa, isagoo dhoolacadaynaya.

Dameerkii baa odhanaya “horta miyaanad ogeyn in dadkan aad u taliso, inay yihiin iska dameero, oo aanay waxbaba diidin, bal eeg kuwa aad xilalka u dhiibtay ee sidayda oo kale ah, iyo shicibkan laftigoodu dabeecadaydii yeeshay, ee waxbaba diideynin, hadaanan boqoroow dadka kuu tabobari lahayn, ma adigaaba heli lahaa dadkan oo kale, qaar wax walba kugu diida ayaad is huran lahaydeen

Boqorkii oo qoslaya ayaa yidhi halkaasina waa qodob.

Waxa qoray: Jamaal Cali Xuseen

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?