Waar Waa Kuma Ninka Bidaarta Leh 🤣

Waar Waa Kuma Ninka Bidaarta Leh 🤣

Annaga oo koox dhallinyaro ah, ayaa waxa aanu raacnay mid asxaabta ka mid ahaa oo yidhi: “Ina mariya isii raaca, waxaan booqanayaa qoys aanu wax isku nahay, oo qurbaha ka yimide

Kadibna waxaanu tagnay aqal aad u weyn, dhallinyartii qaarkood ayaa ku taliyay in dibada aanu ku sii sugno, inankan reerka garanayaana uu isagu kaligii u galo, oo soo bariidiyo, muraadkii uu ka lahaana uu gaarkiisa u soo dhameysto”

Inankii wuu naga diiday taladaasi, waxaanu yidhi guriga dibadiisa joogi maysaane waad ila gelaysaan.

Kadib markii aqalkii nalaga furay, waxa aanu gudaha u galnay deyr weyn, oo dhir geed weyn iyo geed gaabba lihi ka baxayso, halkii ayaanu iska fadh-fadhiisannay geed weyn hoostii.

Inankii ay is-garanayeen reerku, waxa uu la hadlay qofkii naga furay, waxa loogu yeedhay gabadhii aqalka masuulka ka ahayd, deetana qiyaastii waxay ku tidhi “Hore u soo socda, oo gudaha soo gala

Inankii waaka noo yimid ee yidhi “Inna geliya gudaha, qol ayaa la inoo diyaariyee, sharaabna waa la inoo keenayaaye!“, yacnii waa la inna marti-gelinayaa, oo la inna soorayaaye soo socda, cajiib !!! 😋😋😋😋

Kadibna waxa nala geeyay, qol aanu in badan u sii soconay gaadhitaankiisii, weliba berigaasi shirkadahan laydhka magaalada u shidaa, waxa ay ku koobnaayeen suuqyada iyo magaalada dhexe, aqalkanina waxa uu ku yaalay magaalada cidhifka ugu galbeedeeya, intii aanu u sii soconay qolkii nala fadhiisinayay, waxa aanu sii marnay daarad madaw, oo iftiinku ku yar yahay, hadda goortuna waa barqo weliba usii dhaw duhur, qiyaastii 10am ilaa 10:30am.

Kadibna dhallinyarta qaarkood ayaa shakiyay, oo cabsi muujiyay, iyaga oo is-weydiinaya “Wixii la inna siinayo miyaa halkan banaanka la innagu siiyo, ama qolalkan dhaw-dhaw ee iftiinka ah

Inankii intaa wuu na cabsi-tirayaa, oo waxa uu leeyahay “Ha shakiyina reerku waa reerkayagii, oo anigaad marti ii tihiine“, iyo hadallo kale oo uu ku dejinayo dhallinyarta cabsida muujisay.

Waxaanu sii soconnaba, oo kolba luuq ka laabnaba, waanu gaadhnay qolkii, waa qol weyn oo fadhi loogu talogalay, oo ay yaallaan kuraastii fadhigu, aadna u sharaxan, oo loo qalabeeyay si heersare ah, weliba laba qaybood kala ah, oo qaybna ay kuraastii buushka (Sofa) ahayd taalo, qaybna fadhi-sacuudigii yaalo, ama furaashyo iyo barkimooyin.

Kadibna kuraastii ayaanu wada fadhiisannay, anigu waxa aan noqday qofka ugu soo xiga albaabka laga galayo qolka, dhowr daaqadood oo qolku lahaa ayaa nalaga furay, kolkaasaanu nafisnay oo wax kala aragnay, daawashadii qolkana aad uga bogannay.

Wax yar kadib waxa naloo keenay sharaab dhadhankiisa aanu garan weynay, dhallinyarta qaarkoodna ay tufeenba 🤮🤮🤮, waxa uu aniga iila dhadhan eekaa sharoobooyinka dawada ahi sida ay dhadhamaan oo kale, waxa uu sharaabku ku jiray, oo naloogu keenay koobab dhaadheer, oo quraarad huruud iyo casuus isku jira ah, sharaabkaasi dhadhankiisa ilaa maanta ayaan is-weydiiyaa wixii uu ahaa, maxaa yeelay; weli maan arag wax la dhadhan ah.

Waagaasi waxa sharaabka ugu mudan ahaa Fiimtada, oo la siin jiray martida iyo dadka la sharfayo, sida caadiga ahna sharaabka qadada la raaciyo ama inta badan reeruhu sameystaanna waxa uu ahaa flavor-ka Liinta ama Cananiska, waagii dambena ay shirkadda Ilo-Tango dalka ku sameyn jirtay.

Markii sharaabkii aanu badankayagii iska dhignay, oo cabi kari waynay 🤮, marka laga reebo Inankii reerka ay is-garanayeen iyo dhowr innamood oo isku khasbay mooyee, waxa dhallinyartii kusoo noqotay cabsidii, iyaga oo is-weydiinayay; marka la arko in sharaabkii aynu cabi weynay, armaa reerku xanaaqaan? qaarkoodna inna mariya aynu iska baxnee ayay ku taliyeen.

Woxogaa kadib, oo guuxiina dhallinyartii ku sii batay, oo kolba midi soo tuurayo hadal sii xoojinaya uun cabsida, ayaa waxa albaabka nooga muuqday tu yar ama inan dhallinyar ah madaxeed, yacnii way na soo khaawistay, markii ay woxogaa madaxeedii noo muuqday, annana aanu aamusnay oo guuxii dhallinyartu joogsaday, ayay inantii dib u noqotay, oo madaxeedii naga qarsoomay, maqalnayna socodkeedii, oo garannay inay tagtay.

Hadanna waxyar kadib ayaa innantii oo wadda dhameystiranni soo istaagtay albaabka, qiyaastii dhowr iyo toban jir ayaa da’deeda aan ku qiyaasi karaa, waxa ay xidhan tahay dirac cawlan, oo gacmo gaab ah, oo jilbaha ugu jooga iyo surwaal dheer oo madaw, waanay madax-qaawan tahay, waxa gacanta ugu jira tibta lagu tumo mooyaha yar, ee dumarku shigniga iyo xawaashyada ku diyaarsadaan.

Inanta muuqaalka wejigeedu waa mid cadheysan, oo si kulul ayay noo soo eegaysaa, inay hadasho ayay doonaysaa, hadana wax hadal ah afkeeda kama soo baxayo, maxay noogu cadheysan tahay? mooyaan! malaha waanu la fool-xumaannay, oo waxaanu u badneyn kuwo wada caw-cawlan, oo wada itaal-daran, oo koodadka iyo dhafooradu wada muuqdaan, xaga dharkanna; qaarkayo waxa ay xidhan yihiin shaadhadh iyo surwaalo ka waaweyn, oo balaqsan, qaarkayanna waxa ay xidhan yihiin garamaan iyo surwaalo ka yar, oo ay ku sariigmeen, xaalladii nololeed ee xilligaa jirtay, ayaa qofba wixii uu heli karayay ku khasabtay inuu xidho, maxaa yeelay; dharka looma eegi jirin quruxe, asturnaanta iyo dhaxanta ama kuleylaha ayaa laga hoos geli jiray.

Sidii ay halkii u taagnayd inantii, annana aanu u aamusannahay, oo iyada uun wada eegayno, ayay iska soo jartay hadal aad garato in ay muddo baadheysay, oo ay dadaal ugu jirtay dhihitaankiisa.

Alla naxdin weynaa! inantii waxay tidhi: “Waaryaa! waar… waa kii bidaarta lihi…“, hadanna hadal kale ayay ku celisay, oo tidhi: “kii… adiga bidaarta leh… mee… kaalay !!!” 🤔🤔🤔🤔🤔🤔🤔🤔

Yaabnay! oo hadalkii dhinac aanu u qaadno garan weynay, mid hadlayaa naguma jiro, xataa inankii reerka ay is-garanayeen wuu hadal-daayay, oo afkiibaa juuqda gabay, inantii uun baanu dhamaantayo ku wada eegaynaa indho fataatiir ah, oo yaaban!

Kolkii aanu hadli waynay! maxaanu hadli nafiba naguma jirtee! waxa isugu kaaya biiray, cabsidii hore eenu qabnay, sharaabkii aanu garan waynay dhadhankiisa, inanta tibta sidata, ee wejigeedu cadhaysan yahay, iyo hadalladan kul-kulul ee aanu fahmi weynay.

Annaga oo cabsi noo dhamaatay, oo mid waliba halkii uu fadhiyay ku yaab dhameystay, oo indha kaliyi naga soo hadheen, ayaa inantii dib u noqotay, iyada sii gunuusaysa, oo hadallo kale oo aannaan fahmin sii tuur tuuraysa, qiyaastii waxa ay la hadlaysay hooyadeed, waxa aan ka sii xasuustaa “Ummo… kii bidaarta… een… ma hadlayo… waa diiday…“.

Markii ay intaa tidhi, ee aanu sii maqlayno shanqadha socodkeeda, garanayna in ay naga fogaatay, ayaa midba kol hadal hambabar ah meel ka soo tuuray, mid baa yidhi: “Waa la inna qalanayaa, sharaabkii la inoo keenayna sun ayuu ahaa…“, ku kalaa isna meel halkeer ah ka soo tuuray “Naagtan tibta sidataa way innala dhacaysaa, oo waa la inna dilayaa…“, mid kale ayaa yidhi isaga oo innankii reerka na keenay la hadlaya “Hebeloow inantani maxay ahayd? maad garanaysaa? iwm…“.

Waxa ay noogu darnayd, inankii reerka na keenay, markii uu su’aalihii la weydiiyay kaga jawaabay: “Waar… dee… een… inantan isma garanayno’e, gabadhii markii albaabka ila hadlaysay ayaa ay Hooyaday inaadeerteed ninka qaba… een… wax isku ahaayeen… oo maalin ani iyo hooyo aanu soo eegaynay baloodh aanu ku leenahay xagaasi, ayaanu aqalkani soo marnay, oo ay Hooyaday isa salaameen, anna way i salaantay, oo eddo ma fiican tahay ayay igu tidhi !” 😨😨😨😨😨😨😨😨😨😨😨😨😨😨

Cajiib! mid baa inta uu xanaaqay ku yidhi “Oo ededaa ruma maaha! bal hooya… sawtii aad nagu tidhi waa edaday!“, isna inta uu iska cadheysiiyay kuye “Waar hana caayin, waa ededay baan idinku idhiye, ededay ruma weeyaan afkayga miyaad ka maqlayseen” 😕😕😕😕😕😕😕😕😕😕😕😕😕😕😕😕😕😕

Iyada oo talo nagu ciirtay, oo cayda iyo hanjabaadda nooceedu yahay guuxa iyo gunuuska, aanu ninkii reerka na keenay midkaayaba mar nafis kaga dhigannayo, ayaanu maqalnay jaqaf… jaqaf… dhag… dhag… qof kabo cidhib leh xidhan shanqadha socodkiisa, weliba sanqadhu ay xagayaga u soo durkayso, deetanna waanagaa shib wada nidhi, ee wada aamusnay.

Mid ayaa inta uu isoo jiidhay ileyn anaa albaabka ugu xigee, oo xagii albaabka u dhaqaaqay, isaga oo gacan fayaaradii albaabka ku haysta, ayaa uu madaxa iyo qaarka hore dibada u saaray, si uu u eego waxa soo shanqadhaya, ee nagu soo socda, kadibna wax uu arkay garan mayno’e, inta uu qaylo argagax leh ku dhuftay Waaaaaa… wayeey… alla allaaaaa… ayuu sidaa noo dhex jiidhay, oo kursiga uu ka dul-dhacayo iyo qayladiisa aanad malayn kareynin, kadibna midkaayaba meel ka soo yidhi “Maxaad aragtay? waa maxay? waa maxay dee?

Waxa noo xigtay gabadh cod dheer ku tidhi “Waaaryaaaa… Waryaa… Waryaa… Joojiya! Joojiya! Qabta…” 😳😳😳😳😳😳😳😳😳😳😳😳😳😳😳😳😳😳😳

Joojiya iyo qabta aa! 😱😱😱😱😱😱😱😱😱😱😱😱😱😱😱😱😱😱

Xageed nagu aragtay! waa taa la is-wada dhex yaacay, ee midba meel isku qaaday, qayladii iyo oohintii way sii badatay, oo markan mid waliba wuu ooyayaa ama qaylinayaa ama guubaabinayaa inta kale halkii loo carari lahaa.

Badankoodii albaabkii ayay isku qaadeen, iyaga oo doonayay inay orod kaga baxaan ilaa iyo halkii aanu ka soo galnay, ee fogayd.

Waxaase u darnaa, kuwii ay naf baastu ku tidhi daaqadda ka dhaca!

Waagii hore ee aanay jirin daaqadahan allumiiniyamta ah, ee imika aqallada la geliyo, waxa aqallada la gelin jiray daaqad loox iyo quraarad ka sameysan, waxa xaga dibadda laga sii xigsiin jiray, dhowr saf oo garaa’id adag ah, ilaa shan ama afar midh oo si gudub ah gidaarka loogu xidhi jiray, oo marka daaqada la furo, qof yar ama qof dhuuban garaa’idka daaqadda ka sii dambeeya, laba dhexdood wuu ka bixi kari jiray.

Kadibna dhowr innamood oo dhuu-dhuuban, ayaa inta ay daaqadii fureen, garaa’idkii ka dhex baxay, walow markii ay xaga dibada u sii dhacayeen ay sariigmeed, oo qaarkood jabi gaadheen.

Bal itixaanka Illaahay, halkii yarayd ee aanu ku wada faraxnay, markii aanu aragnay qaar ka dhacay, oo dibada sii ordaya, waxa xanibay oo ku dhex daldalmay, mid madaxweyn, oo markii uu lugihii iyo qaarkii hore oo dhan kala baxay, uu madaxii uga bixi waayay, si kasta oo uu ku dayayba, hore iyo dib midna wuu uga bixi kari waayay, kadibna halkii ayuu ka laalaadsamay.

Weligiiba mr.dhako halkii ka ooyo, oo ha ka laalaado, in aanu wax u tarno iska daaye, waaba aanu haaraamaynaa, oo cayda iyo hiifka aanu ku hayno maleyni kari maysid “Aabihii… madaxa weyn le… adigu maxaad ka soo doontay, ogaanbaad nooga xanibaysaa…” iyo hadallo badan oo kale ayaanu ku leenahay, halka isna sakaraad u dhamaaday, oo ay naftu ku daba yar tahay.

Markii daaqadii xanibantay, waxaanu u soo kacnay xagii albaabka, oo kuwii badnaa ee markii u horeysay ku cararay xagaasi, uu midiba meel ka qaylinayo, oo inta ay garan waayeen halkii aanu ka soo galnay, madawgiina u raacay, ileyn qolka daaqada ayaa iftiiminaysaye, ayaa kolba midi isku qaadaa meel, deetanna qaylada iyo alla madaxaayda marka uu gidaar jiidho ayaanu maqalnaa, gabadhiina intaa way qaylinaysaa, waxayse leedahay miyaanu dhagaysanaynaaba, sowtan talo faraha ka baxday, halkeen ka baxaa… meel alla… ayay xaaladu maraysaa.

Sidii aanu aqalkii weynaa luuqyadiisa kolba mid u dhex cararaynay, ee aanu kolba gidaar u jiidhaynay, kadibna dib u soo cararaynay, ayay gabadhii xagii albaabkii aqalka laga soo galayay u carartay, markii ay nagu dhex dawakhday, oo albaabkii furtay, kadibna markii iftiinkii albaabku gurigii soo galay, ayaanu wax kala aragnay, oo mid waliba xagii iftiinka isku maqiiqay.

Waxa aan xasuustaa gabadhii oo albaabka taagan, oo hadlaysa, mooyaan waxa ay ku hadlaysay, annana kolba mid inta uu orod is-maqiiqo uu baas ku dhaafayo, oo marka mid jiidhaba ee ay tukhaantukhdo ama dhulka ku dhacdaba, ay hadana soo kacayso, oo hadana had-hadlayso, iyada oo gacmahana u soo taagaysa sidii oo ay qabo is-leedahay.

Aqalkii sidii ayaanu kaga wada baxsannay, xataa ismaanu doondoonnanine mid waliba orodkii ayuu ku tagay xaafadoodii, dhowr baanu isku soo gaadhnay meel xaafadahayagii u dhaw.

Kii madaxu uga bixi waayay daaqada, isaga warkiisa mooyi, ka baxyaa! iyo ku dhimayaaba!

Dhowr maalmood kadib, ayaa inankii reerka na geeyay noo warramay, oo shaw gabadhii aqalkeeda wax nagu heleen, ay ugu timid aqalka innankii iyo hooyadii, kadibna markii la is-wareystay, oo inankiina ka warramay sidii xagayaga wax ahaayeen, iyana waa gabadhiiye ay ka warrantay dhinaceedii.

Ileyn tanoo kale! 🤣🤣🤣🤣🤣🤣🤣🤣🤣🤣🤣🤣 wixii nagu dhacay waxa aan ku masaalay, sidii sheekadii ma hadhada ahayd, ee la odhan jiray Kala-Maan, inankii reerka na geeyayna waxa arrinkiisu noqday sida ku xusan murtidii odhanaysay “Dubaax loo kor dhigay ciid, Doqon baan u garan hiil !!!” 😏😏😏😏😏😏😏😏😏😏😏😏😏😏😏😏😏

Kuye gabadhii waxa ay tidhi: “Markii aan fadhiisiyay fadhigii, sharaabna aan siiyay, ayaan is-idhi inankan fariidka ah, ee inta uu asxaabtiisiina soo kaxaystay, ku soo booqday, si gaar ah u sooryee, oo xilli-qadihiina may gaadhine, waxa aan hayay jab roodhi ah iyo inyar oo muqmad(oodkac) ah, kolkaa intan yari wada gaadhi maysee, inanka inta aad si farsameysan ugu yeedho, inta kale sharaabkooda ha iska cabaane, sii furinka iyo muqmadda, kadibna waxaan u soo diray inantaydii qurbaha ka timid, afsoomaaliguna ku adag yahay, laakiin tilmaantii iyo hadalka ay odhanayso waan u soo sheegay, waxa aan ku idhi Inanka salxanyada madaxa ku leh, kaalay ku dheh, kadibna halkan madbakha iigu keen, shaw inantii ayaa markii ay qolkii ugu tagtay ka baqatay, oo wixii aan u sheegayna sii kala ilawday! Tibtii ay inantu sidatayna, dee way ku shaqeynaysay, oo madbakha ayaanu labadayaduba ku jirnay, oo qadadii ayaanu diyaarinaynay, iyanna xawaashka ayay ii tumaysay, markii aan xagooda u soo diray ayaanay dhiginne, iyada oo sidata ay xagoodii u kacday…

Iyada oo hadalkeedii sii wadata gabadhii farsamo-xun waxay tidhi, waa siduu kii nagu yidhiye: “… … kadibna waxa aan maqlay iyaga oo is-caayaya, oo hadallo isku tuur-tuuraya, waxaan is-idhi bal soo eeg, oo kala qabo hadii ay qaarkood isku xanaaqeen, malaha sharaabkii ayay isku dilayaane, anoo ku sii socda, ayuu midi soo baxay, hadana qaylo iyo oohin ayaa xigtay, waanigaa ku soo orday, ee ku qaylyay aniga oo lahaa, Waryaaa waryaa kala jooga, kala qabta innamada… kala qabta… Waryaaa joojiya joojiya edeb-darada…

Gabadhii farsamo-xun waxaanay sheegin sharaabkii ay na siisay wuxuu ahaa, mise inanka ayaa ilaaway, Mooyaan!

Maan Bare iyo Maan Barrow waxay ku soo idlaatay Kala-Maan

error: Fadlan Lama Ogola !!
SOMALILAND MAANTA
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?