Anaa Garannaya Siday U Walaaqmaysee Idinku Biyo I Siiya 🤣

Anaa Garannaya Siday U Walaaqmaysee Idinku Biyo I Siiya 🤣

Sida caadiga ah, sharaabka fiimtada ee quraarada dheer ku jira, waa rib ama wuu culus yahay, oo sidiisa looma cabo’e biyo ayaa lagu badhxaa.

Bal hadaba ibtilo waa tan’e; mid bahashaasi wax ku haysay, oo u ciil qabay cabitaankeeda, ayaa inta uu soo iibsaday quraaradii, oo la dhuuntay, kadibna sideedii isugu qabtay, yacnii wuu qudhqudhiyay isaga oo aan biyo ku badhxin, wuu se maqlay in biyo lagu badhxo, oo dadku badhaxaasi ku cabaan, isagu se is-xariifi, oo yaad sheegaysaan ayuu warkooda kaga gudbay.  😋 😋 😋 😋 😋 😋

Ninkii wuu suuxay, oo koomo ayuu galay, fiimtadii ayaa caloosha kaga dhagtay, ama uu si’i ku noqday, deetana dhakhtarka ayaa loola cararay. 😰🛌

Dhakhaatiirtii 👨‍⚕️👩‍⚕️ waxay la tacaalaan, oo sabaaliyaanba, soo miiraab, kolkii la arkay inuu soo miiraabay, oo uu hadli karayo, ayaa su’aalo lagu boobay: “Waar maxaa ku helay? Sidey wax kuu gaadheen? Waar…?

Ninkii; halkii laga sugayay inuu ka jawaabo su’aalaha, oo ka warramo waxa helay, wuxuu yidhi: “Anaa garanaya sida ay u walaaqmayso’e, idinku biyo i siiya…“, deetana hadana wuu miyir-doorsoomay, oo koomadii ayuu ku noqday. 😰

Hadana dhakhaatiirtii 👨‍⚕️ la tacaale, oo sabaaliye, kol ay wadnaha kaawiyad kaga dhajiyaan, iyo kol ay si kale yidhaahdaanba. 🛌

Mar kale ayuu hadana ninkii soo miiraabay, oo koomadii ka soo noqday, kolkiiba dadkii hareera taagnaa, waxa ay sidoodii ku boobeen su’aalihii “Waar maxaa ku helay? Sidey wax kuu gaadheen? Halkee lagaa hayaa? iyo qaar kale oo badan…

Ninkii marka uu soo miiraabo, ee uu koomada ka soo noqdoba, hadalkii wuxuu kaga dhagay “Anaa garanaya sida ay u walaaqmayso’e, idinku biyo i siiya…“, hadana wuu miyir-doorsoomaa, oo koomadii ayuu ku noqdaa.

Rawaahu: Cabdiraxmaan AlKheyraatu

Imika waa halkii ninkaase, ciidankeenii qaranka ee qabtu ku dhacday berigii dhawayd, kaad aragto ee aad wax weydiisaaba, wuxuu kuugu jawaabayaa “Nimankan annagaa garanayna’e, idinku ciidanka dhiirigeliya, oo garab istaagga!

Dee.. Haaye ciidanka badan ee gacanta ugu jira dadkaa cawaanka ah, ee aan tudhaalaha lahayn, ee ay maalinba in qalanayaan miyaanay idin damqeynin, hadii laga cabsi qabo marka dagaal lagu qaado, in ay wada laayaan maxaabiista ay hayaan, inta ay hayaan in leeg baynu haynaaye, weligeedbaa marka dagaal dhaco maxaabiista la is-weydaarsan jiraye, maxaabiista maxaabiista ku furta, oo gacanta cawaanka ka soo saara.

error: Fadlan Lama Ogola !!
SOMALILAND MAANTA
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?