Sow bahalkii kaamaan ridin?

Nin socoto ah ayaa reer u soo hoyday, waa martiye ardaa ayuu iska fadhiistay, waa la arkay lama se soorin, oo waa la ga seexday.

Ninkii oo iska hurda ayaa waraabe lugta la booday, qayladii iyo sawaxankii ayaa ninkii reerka lahaa ku soo cararay, oo waraabihii ka eryay.

Ninkii qadiyey ayaa ku yidhi: “Sow bahalkii kaamaan ridin?

Ninkii ayaa isna ugu jawaabay: Waar bakhaylyahaw in wax la cuno ayaanad doonayne nasteex kaamay ahayn.

Calashaan anigana waad i qadisay, waraabihiina waadigaa u diidan inuu wax cunno!

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?