Mid ka mid ah waxqabadka dawlada waxa yareeyay!

Waa nin dhallinyar ah, oo aad u firfircoon, waxqabad iyo horumarna diyaar u ah, oo ay intaa u dheer tahay dal jaceyl, waxa uu ka mid yahay shaqaale hoosaadka dawlada, waxa uu ii soo bandhigay fikrad aad u waxtar badan, oo weliba muhiim u ah wasaaradaa uu shaqaale hoosaadka ka yahay, waan la qaatay fikradaasi, waxaanan u sheegay in aan wixii fudeydin iyo farsamo ahba aan la garab istaagi doono, waxa uu igu yidhi “Waar waxa aan fikrad hayo hadaad ogtahay, wasaarada laba baal oo ay ku duusho ayaan u yeeli lahaa, laakiin waan yar farsamo-soconayaayoo, kolba sidii aan fikradaha ugu badali karo ficil ayaan aayar aayar u sameynayaa…

Kadibna wuxu ii tiriyay fikradaha uu hayo qaarkood, oo la wada mid ah tan hore ee aan u bogay, oo midh la tuuro lahayn, waa halkii kuwiiye Aan dheg la tuuro lahayn!

Waxaan ku idhi: “waar aayar aayar lahaane degdeg ugu tag cidii kula qaban kareysa, hadii ay agaasimaha noqoto iyo hadii ay wasiirka noqotaba, oo fulinta u gudbi, waa wixii dadku ay dawladdooda ka sugayeene…

Kadibna waxa uu igu yidhi: “niyaw dhib ayaa jirta, imika fikradan hore ee aan kuu soo bandhigay lafteeda waan ka cabsi qabaa, in aanay fuleynin, oo mid hore ayaa jirtay oo si adag la iigu ansixiyay, tan in aan la iga ogolaanaynin ayaan u maleynayaa, oo sidii aan ugula dhici lahaa ayaaba igu adag…

Waxaan weydiiyay: “Oo waa fikrad fiicane maxaad ka baqaysaa, anigu waxa aan aaminsannahay madaxda kaaga sareysa xilka kii aad ula tagtaaba inuu OK-da kuugu dhufanayo, oo fikir wanaagsan oo waxtar leh uu yahaye…

Wuxuu iigu jawaabay: “Waa runtaa oo waa fikir fiican, se meeshan dawlada qaabka ay wax u socdaan hadii aanad la jaanqaadin, salaanka ayaa kula go’aya…

Wuxuu intaa ii raaciyay: “Imika fikraddan aad u bogtay hadii aan fulin iyo ficil u badal is-idhaa, intaanan agaasimaha guud iyo wasiirka ama madaxda sare aannaan is-gaadhinba, waa inaan marka koowaad u bandhigo agaasime-waaxeedka haysta waaxdayada, hadii aan u bandhiganna waxaan ogahay inuu colaad ii qaadayo, oo waanigii kuu sheegay oo mid hore ayuu ila fuliyay, oo weliba aan ku khasbay berrigaa waanu isku cusbeyn oo wuu i ixtiraamayaye, se imika waanu is-barannay oo aad ayaanu isu-dhexgalnayoo waxaan ka baqayaa inuu u arko weerar aan isaga ula jeedo…

Yaabay oo idhi: “Oo waaba waxqabad iyo wixii la idinka doonayay ee aad idinna shaqaalaha dawlada ku ahaydeen, ee aad subixii u kalahayseenne, muxuu ugu arkayaa weerarka, ee uu kuugu colaadinayaa fikradaada..

Wuxuu iigu jawaabay: “Meeshan waa la isu-wada jaakidhayaa, oo waxa badan dad wasto iyo garab ku yimid shaqada, oo laga yaabo in ay ka waxbarasho liitaan shaqaalaha ka hooseeya, amaba heerka waxbarashadoodu sareyso se aan hal-abuur lahayn, kolkaa qofkii talaabo qaadaa wuxuu kashifayaa kii uga sareeyay shaqada, oo si macnawiyan ah ayay talaabadaasi ugu noqoneysaa weydiin nooceedu yahay, inta kii kaa hooseeyay uu sidan u fikirayo, ee uu shaqada horumarkeedii ku foogan yahay, adigu maxaad qabanaysay? meesha miyaad iska dhex fadhidaa uun? dee shaqee hadii kale bannee booska?” kolkaa si aan magac aan magaciisa ahayn oo fikrado iyo dhaqdhaqaaq wada loo arag, oo aanay taasi u dhicin, waa inuu ka hortagaa oo dhaqdhaqaaq kasta oo uu u arko in ay booskiisa iyo hab-shaqeedkiisa dhaawacayso, waa inuu horjoogsadaa, oo fulinteeda ka gaabsadaa.

Waxaan ugu jawaabay: “Mar hadii ay sidaa tahay, dee toos ugu tag Agaasimaha Guud amaba Wasiirka oo kala hadal arrinka aad waddo…

Wuxuu iigu jawaabay: “Taasina kaba sii daran, oo hadii aan kuwaa u tago, koley wuu ogaanayaa oo isaga ayaa dib loogu soo celinayaa iyada oo amar ka sareeya ah, in uu saxeexiisu ka muuqdo warqada ansixinta ee ah fulinta fikradii, kolkaa wixii intaa ka dambeeya waa in aan u diyaar-garoobo dagaal uu igu soo qaado, oo dagaalkaasina wuu igaga adkaanayaa ileyn isaga wax badan ayaa igaga xidhan, oo shaqo kasta oo aan qabanayo isaga ayay sii maraysaa, kolkaa cunaqabateyn iyo go’doomin iyo shirqoolo uu ii maleego iyo, wax walba waa inaan fisho, muddo gaaban ayaanu shaqada igaga saari karaa, oo way u fududahay taasi, waxa uu sameyn karaa inuu report iyo warbixin qaldan iiga gudbiyo madaxdii wasaarada, wuxuu karaa inuu culeys weyn oo aan qaadi kari waayo i saaro, ama shaqooyin dheeraad ah uu igu soo daayo, hadii aan diidana iga ashkateeyo madaxdii sare, koley hadii uu isoo weeraro wuu igaga adkaanayaa dagaalkaasi, kolkaa waxaas oo dhan ayaa u baahan inaad ka sii fiirsato, oo aayar aayarta aan ku sheegayaa halkaasi ayay xidhiidh la leedahay…

Waxaan weydiiyay: “Ma wasaaradiinan uunbaa mise kuwa kalen waa la mid…

Wuxuu ii sheegay: “In wasaaradaha qaarkood qofkii oo wixii qaban karayaa, uu hadana iska ag-fadhiyo, oo loo baahdo loona yeedho qof suuqa laga keeno oo outsourcing ku qabta, heerkaasi ayay gaadhay iska-dhiska madaxda iyo cabsida shaqaaluhu ka qabaan kuwa uga sareeya shaqada, si aan loo eryin…

error: Fadlan Lama Ogola !!
SOMALILAND MAANTA
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?