Khulafaa Al-Raashiduun

Waa afartii Khaliif ee u kala dambeeyay xilka Madaxweyne-nimo Muslimiinta, waa madaxdii taladooda iyo toosnaantooda Nebi Muxamad 

Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo Ha Siiyo’e uu umadda muslimiinta ku sii dardaaray.

 “Rabbi Raali Ha Ka Noqdo Dhamaantood…”

Abu-Bakar Sidiiq:

  • Markii uu dhintay Nebigu Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo ha Siiyo’e, madaxweynihii u horeeyay ee muslimiintu yeeshaan ayaa uu noqday.
  • Magaciisa oo dhameystiran waa: Cabdulaahi Bin Cusmaan Bin Caamir Bin Kacab Bin Sacad Bin Tiim Bin Murah Bin Kacab Bin Luwa.
  • Magaca Hooyadii waa: Salma Bintu Sakhra Bin Caamir, waxa ay dhimatay iyada oo muslimad ah.
  • Waxa uu ku dhashay magaalada Makkah sanadkii 573-kii taariikhda miilaadiga.
  • Islaamka ka hor waxa uu ka mid ahaa madaxdii qureyshta ee sharafta ku dhex lahaa tolkii.
  • Waxa uu ahaa Nebiga Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo Ha Siiyo’e Saaxiibkii.
  • Waxa uu lahaa laba naaneysood oo kala ah: 
  • Sidiiq: macnaheeduna yahay Run-Dadane, Cali Bin Abii Daalib ayaa waxa laga hayaa, in uu ku dhaartay, in magacani samada uga soo degay.
  • Catiiq: macnaheedana lagu sheegay Kii Xorta Ahaa.
  • Inantiisii Caa’isha waxaa ay tidhi: (Nebiga Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo Ha Siiyo’e ayaa uga markhaati kacay in naarta laga xoreeyay).
  • Muusa Bin Dalxah waxa uu yidhi Hooyadii ayaa u bixisay.
  • Layth Bin Sacadna waxa uu yidhi: waxa loogu bixiyay wejigiisa ayaa qurux badnaa.
  • Wuxu ahaa nin cad, oo jimidh-yar, oo lafihiisu dhuudhuuban yihiin, wejigiisu garaaro leeyahay, waxa uu madaxa marsan jiray Xinaha.
  • Wuxu ahaa ragga waaweyn qofkii ugu horeeyay ee rumeeya Nebi Muxamad Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo Ha Siiyo’e, salaadna tukada.
  • Waxa uu ahaa qofkii u horeeyay, ee wax calooshiisa galay iska soo matajiyay, isaga oo ka shakiyay xaaraam inuu ahaa.
  • Waxa uu ahaa ninkii u horeeyay ee Qur’aanka ururiyay.
  • Khamrigana muu cabi jirin, xataa intii aan la xaaraamtimayn.
  • Waxa gacantiisa ama sababtiisa ku soo Islaamay, shan nin, oo ka tirsan tobankii jannada loogu bushaareeyay.
  • Waa ninkii la galay godka Nebi Muxamad Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo Ha Siiyo’e, markii uu ka baxsaday gaaladii doonaysay in ay dilaan, intii aanay godka gelin, ayaa uu ku yidhi Nebiga, I sug aan godka inaga soo hagaajiyo’e, kadibna meel kasta oo godka daloolshay, wuxu ku gufeeyay dharkiisii oo uu googooyay, markii uu Nebigu soo galay godkii, waxa uu ku yidhi: “Dharkaagii mee?”, waxa uu ugu jawaabay: “Waa kuwan ku gufeysan daloolada…” Kadibna Nebigu inta uu gacmaha kor u taagay, ayaa uu yidhi: “Illahayoow maalinta qiyaame Abu Bakar darajadayda soo gaadhsii”, Illaahayna weynaa oo Wanaagasanaaye waxa uu u sheegay Nebiga, in uu ka aqbalay ducadaasi.
  • Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu Nebi Muxamad Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo Ha Siiyo’e amray asxaabtiisa in ay sadaqo la baxaan, oo ay wax bixiyaan, kadibna Cumar Bin Khadaab ayaa is-yidhi kula tartan maanta Abu Bakar sadaqada, Nebigii ayaa weydiiyay Cumar waxa uu uga soo tagay reerkiisii, waxa uu cumar yidhi: “Kala Badh ayaan uga Imid…”, waxa yimid Abu Bakar oo isna sadaqadii sida, waxa uu Nebigu weydiiyay: “Reerkaagii maxaad uga timid?”, waxa uu Abu Bakar ku jawaabay: “waxaan uga imid Illaahay iyo Rasuulkiisa…”, Maalintaasi ayaan ka hadhay la tartankiisa ayuu Cumar yidhi…
  • Waxa uu guursaday afar dumar ah:
    • Qatiilah: waxa ay u dhashay Cabdulaahi iyo Asma.
    • Umu Rumaan: oo iyana u dhashay CabdulRaxmaan iyo Caa’ishah.
    • Asmaa Bintu Cumays: oo u dhashay Muxamad.
    • Xabiiba Bintu Khaarijah Bin Sayd: …Umu Kalsuum.
  • Waxa uu dhintay Jumaadu II, sanadkii 13aad ee Hijriyada.
  • Waxa meydkiisa maydhay xaaskiisii Asmaa Bintu Cumeys.
  • Waxa lagu aasay, oo uu ku aasan yahay Nebiga Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo Ha Siiyo’e agtiisa.
  • Waxa uu xilka madaxweyne-nimo hayay laba sanno iyo woxogaa.
  • Waxa uu caan ku ahaa dagaalkii uu la galay dadkii diinta ka noqday iyo kuwii sakada bixinteeda diiday, markii uu Nebigu Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo Ha Siiyo’e geeriyooday.

Cumar Bin Khadaab:

  • Markii uu dhintay Abu Bakar Sidiiq Rabbi Raali ha ka noqdo’e, madaxweynihii labaad ee ay muslimiintu yeeshaan ayaa uu noqday.
  • Magaciisu waa Cumar Bin Khadaab Bin Nufayl Bin Cabdi Cusa’a Bin Rabaax Bin Cabdulaahi Bin Qurad Bin Rasaakh Bin Cadi Bin Kacab, Qureysh Cadawi.
  • Hooyadii waa Xantamah Bintu Haashim Bin Muqiirah Bin Cabdulaah Bin Camru Bin Makhsuum.
  • Waxa laga soo wariyay inankiisii Cabdulaahi, in uu Nebigu ku ducaystay “Illaahayoow Islaamka ku xooji labada cumar(Ibnu Khadaab iyo Abu-Jahal) kooda aad jeceshahay, Illaahay wuu u aqbalay Nebiga ducadii, oo Cumar Bin Khadaab ayaa noqday kii Rabbi Weynaa Oo Wanaagsanaaye uu ku xoojiyay Diinta Islaamka.
  • Waxa uu ahaa madaxweynihii u horeeyay ee loogu yeedho Amiir Al-Mu’miniin, waxa uu ku muteystay magacaasi, waxa uu ahaa Geesi Go’aankiisu adag yahay, Cadaaladiisu fiican tahay, Cibaadadiisu fiican tahay, Cilmigiisu fiican yahay.
  • Intii uu xilka madaxweyne-nimo uu hayay, waxa ay muslimiintu ka soo furteen gaalada dhul badan, Diintii Islaamkuna aad ayay u faaftay.
  • Waxa uu ku dhashay magaalada Makah, 40 sanno ka hor intii aan loo soo hijroonin Madiina.
  • Waxa uu ku shahiiday Madiinah sanadkii 23aad ee hijriyada.
  • Waxa la dilay isaga oo salaadii subax tukinaya dadka, waxa dilay nin dab-caabud ah, oo magaciisa la odhan jiray Abu Lu’Lu’ Al-Majuusi.

Cusmaan Bin Cafaan:

  • Wuxu noqday madaxweynihii 3aad ee Muslimiinta, Markii la dilay Cumar Bin Khadaab.
  • Magaciisu waa Cusmaan Bin Cafaan Bin Abii Caas Bin Umayah Bin Cabdi Shams Bin Cabdi Manaaf Bin Qusi, Al-Umawi, abtirsiintiisan iyo abtirsiinta Nebi Muxamad Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo Ha Siiyo’e waxa ay isugu imanayaan Bin Manaaf.
  • Kunyadiisu waa: Abu Cabdulaahi / Abu Layla.
  • Naaneystiisu waxay aheyd Laba-Nuurle, waxa loogu bixiyay, wuxu guursaday laba hablood oo uu dhalay Nebigu, Ruqiya iyo Kaltuun, way kala dambeeyeen.
  • Waxa uu ahaa nin dheer oo qurux badan.
  • Waxa uu ku dhashay magaalada Makah.
  • Waxa uu ka mid ahaa raggii u hor Islaamay.
  • Waxa uu ahaa nin deegsi ah, oo gacan furan.
  • Intii uu madaxweynaha ahaa ayaa Qur’aanka waxa la isugu geeyay kitaab kaliya, intii ka horeysay meelo kala duwan ayaa uu Qur’aanku ku qornaa.
  • Waxa uu ku shahiiday magaalada Madiina subax ay tahay Ciidul-Adxa, isaga oo gurigiisa ku akhrisanaya Qur’aan, waxa lagu dilay gar-daro sanadkii 35aad ee Hijriyada.
  • Markii uu shahiiday waxa ay da’diisu ahayd 78-jir.

Cali Bin Abii Daalib

  • Wuxuu noqday madaxweynihii 4aad ee muslimiinta markii la dilay Cusmaan Bin Cafaan.
  • Magaciisu waa Cali Bin Abii Daalib Bin Cabdulaahi Bin Haashim Bin Qurashiyi> Al-Haashimiyi.
  • Waxa dhalay Nebiga Adeerkii.
  • Waxa uu ahaa qofkii u horeeyay ee Islaam noqda xaga dhallinyarta.
  • Waxa uu dhashay 10-sano kahor intii aan Nebiga la dirin.
  • Waxa uu ku barbaaray Nebiga Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo Ha Siiyo’e aqalkiisa.
  • Waxa uu Nebigu u guuriyay inantiisii Faadima Bintu Rasuul(رضي الله عنها).
  • Waxa uu inta badan qaadi jiray Calanka, marka lala dagaalamayo gaalada.
  • Wuxuu shahiiday habeen ay bisha Ramadaan ahayd 17, sanadkii 40aad ee Hijriyada.
error: Fadlan Lama Ogola !!
SOMALILAND MAANTA
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?