Sawirkan labada nin ee ka muuqdaa, waa Suldaan Biixi Muumin Foolay iyo Maykal Mariyaano.
Waa laba nin oo Soomaali ah, Suldaan Biixi waa nin Ogaadeena, reer Isaaq oo reer Awaare ah.
Halka Maykal Maariyaano yahay Nin Isaaqa, Habarjeclo ah oo reer Ceerigaabo ah.

Waa laba nin oo deegaan ahaan aad u kala fog, balse ay isu keentay qaddiyad dhul Soomaaliyeed loogu halgamayey.
Goobta sawirku waa London sanadkii 1955, ka hor inta uusan ka duulin London, una duulin New York,
Maykal waxa uu qabtay shir jaraa’id, oo uu ku faahfaahiyay, sababta ay Soomaalidu uga soo horjeedaan wareejinta dhulka Hawd and Reserve Area, ee lagu wareejiyey Itoobiya.
Wuxuu dalbaday in la soo celiyo dhammaan dhulka Soomaaliyeed, isaga oo ku hanjabay inuu Dawlada Ingiriiska geyn doono Maxkamadda Cadaaladda Adduunka (International Court of Justice).
Shirka jaraa’id Maykal waxa uu yidhi Dowlada Ingiriisku waxay ballan qaaday, inaysan waligeed bixinayayn, iibinayn, kiraynayn ama fasaxayn isticmaalka, marka laga reebo danaha u khaaska ah dowlada Ingiriiska, taako ka mida dhulalka ay joogaan ama awoodooda ku hoos jira.
Laakiin hadda waxaa Soomaalidii ku maqaalo ah, in dhulkoodii la siiyay Itoobiya iyadoo la adeegsanayo Heshiiskii Ingriiska iyo Itoobiya ee 1897.
Laakiin heshiiskaasi wuxuu lid ku yahay, heshiisyadii Soomaalida iyo Ingiriiska, oo ka horeeyay kan 1897dii.
Dowlada Ingiriisku awood aysan laheyn ayey ku gashay heshiiska 1897-da, heshiiskan 1897-kuna ma khuseeyo qabiilada.
Si qarashka weftiga uu Maykal hogaaminayey loo bixiyo, 6500 oo neef oo adhi ah, ayey reer guuraaga reer Somaliland iska soo ururiyeen ($ 17000) Una dhiganta maanta ilaa $ 200,000.
Maantana dad Soomaali ah oo siyaasiyiin iyo aqoonyahano sheeganaya ayaa leh Saylac aynu siino Itoobiya.
Sow kaaf iyo kala dheeri maaha.
Cajiib.
Waxa qoray Ibraahim Baqardhe