Waxa uu soo kaxeystay xaaskiisii iyo carruurtiisii, waxaanu u sheegay in ay caawa u casho tegayaan maqaaxi-cunto, oo ay xabashi furatay, oo cusub, kadibna intay si fiican u soo labisteen ayay yimaadeen maqaaxidii, si fiican ayaa loo soo dhaweeyay.
Markii loo yeedhiyay noocyada cuntooyinka ay ka heli karaan maqaaxida, ee diyaarka ah, waxa ay dalbadeen Canjeero-Xabashi (Dibsi Firfir).
Markii kabalyeerigii(mudalabkii) woxoogaa ka maqnaa, ileyn cunno fresh ah ayaa imika dabka loo saaraye, ayaa isaga oo la ordaya uu qoyskii u keenay canjeeradii oo qiiqaysa, sinxi balaadhanna ku jirta, oo kaaga daranta sadex farood oo keliya ayuu ku sidaa sinxigii dhan, waa kabalyeeri madhmadhay oo muddo badan ku shaqeynayay shaqadaasi.
Qoyskii iyaga oo faraxsan ku bilaabe bisinka iyo magaca Illaahay, kadibna gacanta wada geliye, wax cantuugada dhadhansigeeda qofba gaar ula gamaaraba, waxa ay bilaabeen sheekooyin iyo kaftan, hadii ay caruurtii noqoto iyo hadii ay gabadhii iyo ninkii noqotoba, midiba mid ku tuur ereyo uu kaga qoslinayo ama kula kaftamayo, iska wareyste dhadhanka canjeerada iyo macaankeeda, kadibna woxogaa markii uu kaftankaasi socday, waxa u xigay aamus iyo in afkii juuqda gabo, oo indho fataatiiro ah la isku soo eego, iyada oo cuntadii aad loola ashqaraaray.
Waxa u xigay oo gabadhii bilawday qosol gaagaaban, oo aan meelna haysan, hadana ninkii ayaa isna sidii gabadha oo kale iska qoslay, deetana qoyskii qosol aanay iska joojin kareynin, oo uu midiba mid riixayo, oo midiba midka kale aamusiinayo, si aan dadka kale ee meesha la fadhiyaa u maqal ayaa u bilaabmay.
Xabashidii maqaaxida lahayd ayaa dareentay, in waxani ka weyn yahay qosol, oo khamrigii(gin) lagu soo dalacay dibsi-firfirtu uu gaadhay, oo saameeyay caqligoodii, maxaa yeelay; waa dad aan khamri la cabo iska daaye, meel lagu cabayo aan weligood tegin, oo urtiisa keliya ku sakhraamaya, ileyn jidhkooda ayaa ka fayowe.
Kadib xabashidii kolba jeeg biyo ah ula soo carare, oo Antee! cab! iyo af-soomaali ay jajabsanayaan ninkii iyo gabadhii kolba mid kula hadle, biyihii waxba tari waaye, oo xaalkii waxba way ka badali waayeen, qoyskiina qosolkii joojin waaye.
Wax ay qoslaan oo firixda ay guraanba, iyaga oo heedadaw ah is-abaabule, ninkii inta uu istaag iska baadhbaadhay, markii cagihiisu ay dhulka qabteen, gabadhii ku yidhi ina mari waynu hoyanaynaaye, kadibna carruurtii iyo xamaantoodii urursade, iyaga oo midba midka kale taageersanayo, oo isjiidanaya xagii albaabka waa kuwaa u dhaqaaqay, xabashidii oo ay cabsi ka dhamaatay, oo isleh la idin ogaa maanta inaad canjeerada ku soo habeysaan Gin-ka, ayaa nafisay markii ay baxeen.
Qoyskii dibada markii ay uga baxeeen maqaaxidii, ee ay laydhii dibadu martay, qosolkii badnaa wuu ka joogsaday, kadibna qof garanayay ayaa dibada ku arkay oo sii qaaday, aqalkoodiina geeyay markii uu gartay in wax ka si’i yihiin, oo aanay kaligood is-wadi kareynin.