Sida aynu wada ognahay masaajid kastaa waxa uu leeyahay Iimaam iyo Mu’adin, iyada oo mararka qaarkood meelaha ay dadku ku yar yihiin, labadaa xilba uu wada hayo hal qof.
Bal hadaba Iimaam sida magacani sheegayo waa madaxweyne ama hogaamiye, waxa is-weydiin leh; yuu Iimaam u yahay? Ma tiirarka iyo gidaarada uu masaajidku ka kooban yahay, salliga iyo kutubta, mise dadka.
Wuxuu iimaam u yahay dadka degan xaafada uu masaajidkaasi ku yaallo, iyaga ayuu hogaamiye u yahay, oo hadii masaajido kale ku dhaw yihiin, jiha kasta masaajidka ka xiga xaafadaha xagiisa uga soo rogmaya ayaa masaajid kastaa u adeegayaa, ama si kooban masaajid kasta waxa uu u adeegayaa dadka aqallada ugu dhow degan, dadkaasi ayaa masaajidku u yahay madaxtooyo.
Waxa kale oo is-weydiin leh; maxay yihiin adeegyada Iimaamku u fidinayo bulshada ku dhaqan xaafadaha uu mas’uulka ka yahay?
Salaada tukinteeda iyo Qur’aan akhriska oo kaliya iimaam uguma aha’e, waxa dushiisa saaran dhamaan xilalkii uu Nebi Muxamad Rabbi naxariis iyo nabadgelyo ha siiyo’e uu u qaban jiray bulshadii uu la noolaa, weliba si lacag la’aan ah inuu ugu adeego, isaga oo aakhiro ku badalanaya adeegyadaasi, maan sheegin dadka gobta ahi wixii ay u gartaan, kolka uu si fiican ugu adeego.
Hadaba maxay ahaayeen adeegyadii uu dadkiisa u qaban jiray Nebi Muxamad Rabbi naxariis iyo nabadgelyo ha siiyo’e? Aan ka xuso intan:
- Waa in Iimaamku aqal kasta dadka degan, qof-qof iyo qoys-qoys uu waayahooda uga warhayaa.
- Waa in uu dulmiga kala dagaalamaa dadka xaafadiisa ku nool.
- Waa in Iimaamku islaaxiyaa xaafada dadka ku nool, nabadgelyadooda iyo si-wacan u-wada-noolaanshahoodana uu ka shaqeeyaa, oo uu noqdaa garsooraha xaafada, doorkiisuna sulxi iyo u-kala dab-qaadid noqdaa(maanta), cidii xadgudub iyo dhibaato uu ku helo, uu u nasteexeeyo inta karaankiis, hadii uu kari waayana uu la kaashado dadka kale ee xaafada iyo ciidamada nabadgelyada.
- Waa in uu Iimaamku dadka xaafada walaalnimadooda xoojiyo, oo uu ururiyo, kana dhigo kuwo is-garabsada.
- Waa in uu qoysaska wax haysta, uga soo qaado sakada iyo sadaqadaba, kuwa jeebku ka xun yahay, oo uu xaafaddii ka dhigo dad kala asturan, oo isku asturan, kuna dadaalo in aan xaafadaa uu mas’uulka ka yahay cid gaajo ama haraad hayo lagu arag.
- Waa in uu dawrooyin iyo muxaadarooyin joogto ah oo uu aqoonta bulshadiisa kor ugu soo qaadayo uu xaafada u qabtaa, koox koox, qof qof, rag, dumar iyo caruurba.
- Iyo dhamaan shaqooyinkii uu Nebi Muxamad u qaban jiray dadkiisa.
Waa inuu todobaad kasta Iimaamku soo diyaariyo xog ku saabsan wixii hawlo ah ee u qabsoomay, wixii uu kari waayay, ee uu u baahan yahay in lala qabto, iyo guud ahaan waayaha dhabta ah ee xaafadaa uu mas’uulka ka yahay, xogtaasina uu akhriyo maalinka jimcaha, isaga oo waafajinaya sida dadka ay aakhiradoodu ku hagaagayso ee Qur’aanka iyo Sunnaha ku cad.
Hadii aanu intaasi tab iyo xeel ku qaban kareynin, oo ay ku adag tahay, waa in aanu ceebaynin masaajidka iyo xilkan uu ka hayo sharaftooda, ileyn waxa uu fadhiyaa boos ay soo fadhiisteen dad uu ka mid yahay Nebi Muxamad Rabbi naxariis iyo nabadgelyo ha siiyo’e, kolkaa ceeb ayay ku tahay xilkaasi qofka hayaa inuu noqdo Qawda Maqashii Waxna Haw Qaban.
Layaabka masaajidada maanta waxa ka mid ah:
- Iimaam aan aqoonin guriga/guryaha ku dhagan masaajidkiisa dadka degan, bal ugu yaraan inta mas’uulka ah.
- Iimaam dayacay shaqadii xaafada uu mas’uulka ka yahay ka sugaysay, oo la ilmeynaya falastiin waxa ka dhacaya iyo dhulal kumanaan kiiloo mitir u jira.
- Khadiib dagaalkii beder iyo wixii ka dhacay ka sheekaynaya, oo ay suurtagal tahay in aqallada masaajidka jaarka la ihi aanay dabka kala qaadan, war iyo wacaalna aan u haynin.
- Khadiib ku-shubasho ah, oo muusanowgii dumarku aqallada la joogeen khudbadii jimcaha dadka uga dhigaya, ama mawduuc ay kooxaha abaabulani u soo dhiibeen dadka la hor imanaya, isaga oo aan is-weydiinaynin, waxan aad akhriyaysaa ma u dan baa boqolaalkan qof ee ku hor fadhiya, mise waa wax ciddan kuu soo dhiibtay u badinaya, oo ujeedooyin kale laga leeyahay.
- Inan yar oo dhowr iyo toban jir ah ama mid da’a ahaan weyn laakiin aqoon ahaan liita, oo lagu odhanayo isaga ayaa masaajidka loo dhiibay oo Iimaam ka ah, Iimaamnimadu ma Qur’aanka oo cod halaasi ah lagu akhriyo, oo kaliya ayay ahayd!
- Mid Jimce ka khudbadeynaya masaajid aanu deganeyn xaafadihiisa, oo aan war iyo wacaal ka haynin dadka ku nool masaajidka hareerihiisa, oo khudbadiisuna ku saabsan tahay sutrada iyo muhiimadeeda, oo laga yaabo in isla xaafada dadkii deganaa iyaga oo gaajoonaya ay masjidka ka ag dawarsanayaan, Yaa Kariim!
- Iimaam khudbadii jimcaha kaga waramaya Abu-bakar iyo Cumar qaabkii wanaagsanaa ee ay u talin jireen, oo Jamaca intii waxgaradka ahayd yaaban yihiin, iyaga oo hoos isku weydiinaya, dee sheekh waadigan oo waad haysaa xilkii, sidii ay u soo maamuleen khulafadu dadkoodana waadigaa og, adiga maxaa kuu diiday inaad sidaa xaafada ugu adeegto.
- Iimaam ka waramaya nadaafada iyo dahaaradu halka ay ka joogto diinta iyo iimaanka, oo xaafada uu mas’uulka ka yahay xaarku banaanka yaalo, maxaad xaafada ka sheegi, isla masaajidkiisa uu xashiish hoy ka dhigtay hareerihiisa, oo aan awoodayn inuu dadkiisa ku abaabulo nadaafada iyo in ay iska basriyaan qashinka, dadkuna cid ku dhiirisa, oo horgasha uun bay rabaan.
- Iimaam ka xanaaqaya in dadka xaafadu wax weydiiyaan arrin iyo adduunba.
- Masaajid noqday masjid-diraar, oo isla xaafaddiisa ama dalkiisa dadka degan laga shirqoolo, ama dhibkooda lagaga arrinsado, sida kuwa Ictisaamta iyo Argagixisadu haystaan.
- Khadiib khudbadiisa jimcuhu tahay dhago-hadal nasteexo la’aan ah, oo ku waajahan shakhsi ama koox ay kala fikir duwan yihiin amaba madaxda dalka.
Waxa ay taasi keentay; in ninkii maalinka jimcaha, uu ku soo jumcaysto masjidka uu doono, mar hadii ay wax isku mid ah iyo mawduucyo guud ka wada hadlayaan, dee masjid walba salaadii way kaga gudeysaa.
Waxa la yidhi Kabo tolaha kabihiisa ayaa la eegaa, waxaad arki mid shaqadii Iimaamnimo ee uu u xil-saarnaa, weliba kaaga daranta uu hororsaday, oo uu dagaal ka xigo in laga wareejiyo, ay dayacan tahay, oo aanu %1-na ka qaban, oo hadana ku baaqaya dawlad-islaam, oo leh hadii dalka dawlad islaam ka hirgeli lahayd waynu barwaaqoobi lahayn, bal ka 50-aqal ama dhowr iyo labaatan aqal, meelaha qaarkoodna dhowr aqal ku soo hagaageen, ee dhowrkii aqal u adeegi kari waayay, hadana u bu’aya hadii uu dalka oo dhan qabsan lahaa inuu shareecada ku maamuli lahaa, Ileyn ceeb looma dhinto.
Maanta hadii uu Iimaam kasta ku filnaan lahaa adeega dadka ku hareeraysan, uguna adeegi lahaa sidii Nebi Muxamad ugu adeegi jiray dadkiisa, walaahi in aan loo baahdeen Maayar magaalo iyo golle deegaan toona, xukuumadda guudna wax badan oo maanta culeys ku haya, ayaa ka fududaan lahaa, oo in yar oo ay qaban karayso ayaa u soo hadhi lahaa,
Bal waxa aad sawirataa, masaajid kastaa xaafadiisa hadii uu nadaafadeeda ku filnaado, isaga oo adeegsanaya dumarka xaafada, wadooyinkana uu saxal-tiro isaga oo dhalinyarta adeegsanaya, dawladii hoose ee magaalada waxa u soo hadhi lahaa mashaariicda waaweyn ee dhismayaasha ah iyo wadooyinka laamiyeyntooda.
Hadii Masaajid kastaa islaaxin lahaa bulshada xaafadiisa, oo uu wixii dulmi iyo xaqdarro ah uu ka dhiidhiyi lahaa, lana kaashan lahaa ciidamada amniga, kadibna Iimaam kastaa wixii uu tab iyo xeel hayo la wadaago Iimaamyada masaajidada la jaarka ah, miyaan magaaladu nabad noqoteen, miyaan dadku walaalo is-jecel wada noqdeen, miyaan dadku diintooda iyo Rabbigood aad ugu xidhmeen, bal maxaa ka qaldan kuwa masaajidda haysta? Maxayse rabaan?
Ma ogtahay in dadka xaafadda degeni ay awood u leeyihiin, in ay xilka ka qaadi karaan Iimaamka ugu adeegi waaya si wanaagsan, bal ila eeg xadiiskani oo macnihiisa guud noqonayo “Salaadiisu Illaahay ma soo gaadho, Iimaam ku dhaggan xilka iimaamnimo, iyada oo dadka uu iimaamka u yahayna ay necbeysanayaan…”
رواه ابن ماجه عن ابن عباس رضي الله عنهما عن النبي صلى الله عليه وسلم قال “ثلاثة لا ترتفع صلاتهم فوق رؤوسهم شبراً: رجل أمّ قوماً وهم له كارهون
قال صلى الله عليه وسلم: ” ثلاثة لا تجاوز صلاتهم آذانهم: العبد الآبق حتى يرجع وامرأة باتت وزوجها عليها ساخط ، وإمامُ قومٍٍ وهم له كارهون” رواه الترمذي
Kolkaa waxba yaanu hadalku ila tafani waxaan ku soo gaabshay, Illaahayoow noo soo hadee Iimaamyada.
Soo-Jeedin Muwaadin
Waa muhiim in Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu ay soo curiso Xeerkii Masaajiddada, kaasi oo ay ku xusan tahay:
- In dhamaan Masaajiddada dalka oo dhami hoos yimaadaan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, oo marka masjidka la dhiso, ciddii doontaaba ha dhisto’e, waa in furaha lagu wareejiyo Wasaaradda, waxa halkaa ku jira qodob weyn oo amniga Qaranka faa’iido u ah,
- In Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu xaq u leeyahay, inuu isagu magacaabo Iimaamka iyo Mu’adinka, hadii masaajidku yahay mid cusub oo hadda/hadeer la dhisay, si loo xakameeyo firqooyinka diinta ku xafiiltamaya,
- In Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu sameyn karo isku-bedelka, shaqo-joojinta iyo magacaabista Iimaamyada iyo Mu’adiniinta Masaajiddada dalka oo dhan, taasi oo amniga Qaranka wax weyn u taraysa,
- In manhajka madarasadaha, macaahidda iyo kulliyadaha shareecada gaar ahaan qaybta fiqiga, ay xaq u leedahay Wasaaradda oo kaliyi inay iyadu diyaariso, oo kormeerto hanaankiisa guud iyo wax-ka-bedelkiisaba, si loo mideeyo ama tafaraaruqa diiniga ah loo yareeyo,
- In xalqadaha iyo duruusta diiniga ah ee masaajiddada sida joogtada ah uga baxda, gaar ahaan kutubta fiqhiga ama caqiidada ka warramaya, oo ah kuwa inta badan ardeyda lagu gaado, uu mas’uul ka yahay Iimaamka masaajidku, waana inuu diiwaangeliyo oo xog ka hayo, macalinka dersiga dhigaya iyo ardeyda ku taxan, hadii macalinkii ay hay’adaha amnigu ku helaan falal amniga waxyeelo ku ah ama la ogaado inuu ka tirsanaa ama ku biiray kooxaha argagixisada ah, ardeydii uu wax u dhigay oo dhan si fudud ayaa looga daba tegi karaa, oo wixii qaldanaa ee uu ku shubay looga soo shubi karaa, si loogu soo celin wanaagii, waa marka Iimaam kastaa masaajidkiisa xil iska saaro, waxa xog-keydin ugu filan in masaajidka lagu xidho CCTV, qodobkanin amniga Qaranka aad ayuu muhiim ugu yahay,
- In Wasaaradda oo kaliyi xaq u leedahay inay joojiso, ama go’aan ka soo saarto, doodaha iyo murannada fiqhiga ah ama kuwa xaga caqiidada, ee keenaya kala fogaanshaha umadda,
- …
Waa muhiim in Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu ay abaabusho, oo sameyso Ururkii Iimaamyada iyo Mu’adiniinta, kaasi oo faa’iidada Qaranka ugu jirtaanna tahay:
- Marka ururku qabsado kulannadiisii iyo shirweynayaashiiba, waxa ay Iimaamyada iyo Mu’adiniintu heli lahaayeen madal kulmisa oo ay isku xog-wareystaan, mid kastaana ku soo bandhigo waayaha iyo wadciga dadkiisa iyo masaajidkiisa.
- Waxa ururkaasi sameyn lahaa kuliyadii tababarka Iimaamyada iyo Mu’adiniinta, taasi oo keeni lahayd in Qaranku helo, rag ay u dhameystiran tahay dhamaan aqoontii iyo xirfaddii Iimaamnimo ama Mu’addinimo,
- Waxa Qaranku ku qaabili lahaa maalmaha diinta Islaamka gaarka u ah Isku-duubni iyo tafaraaruq la’aan, ileyn xafiiltankii iyo is-kooxaysigii ayaa ururkani meesha ka saarayaaye.
- …
Waxa kale oo muhiim u ah Qaranka Somaliland, in madaxda dawladu ay qaataan, oo ka muuqdaan doorkoodii diineed, waxaan u jeedaa; waa in khudbadaha jimcaha ay madaxda Qaranka ee kala duwani koraan mimbarka, oo dadkooda halkaasi uga gudbiyaan xaqiiqooyinka jira ee ay ogyihiin, una xilsaaran yihiin, maxaa yeelay; khudbadda jimcaha ujeedadeedu maaha luuqadda carabida oo dadka lagu dhaga-barjeeyo iyo in qofka jeedinayaa yahay caalim diinta ku googo’ay, ujeedada guud ee khudbadda jimcuhu waa in dadka wax loo sheego todobaadkii mar, wixii dadku u baahnaayeen in loo sheego diini ha noqdo ama maadi ha noqdo ama arrimaha guud iyo kuwa dhaqan-dhaqaaleba ha noqdaane, waxa haya xogtooda madaxda Qaranka, ogow qofka haya xogta rasmiga ah iyo sida ay arrimaha guud ee bulshadu u socdaan ama ku socdaan, ayaa hore u heli kara godadkii hadalka laga soo qabanayay, waxa uu si fudud isu-waafajin karaa waxyigii iyo waayaha ay bulshadu ku jiraan, maxaa yeelay; madaxda Qaranku iyaga ayaa midida daabkeeda haya, iyaga ayaa og wax badan oo ka qarsoon bulshada iyo khadiibyada rayidka ah ee maanta Jimcayaasha inoo khudbeeya.
- Khudbadaha jimcaha iyo ciidaha, iyo weliba meherinta dumarku, waxa ay ka mid yihiin meelaha lagu khiyaameeyay badi dadka muslimiinta ah, ee aan af-carabida ku hadlin, maxaa yeelay; waxa laga dhaadhiciyay in aanay ansaxaynin ama aqbal ahayn, hadii aan af-carabi lagu akhriyin, taasi oo ah been dhaawac weyn u geysatay muslimiinta aan af-carabida ku hadlin, maxaa yeelay; waxa beentaasi dhadhankii ka lumisay, qasdigii iyo macnihii guud ee laga lahaa arrimahaa aynu kor ku soo xusnay, miyaanad arkin iyada oo khadiibku ka hadlayo arrin aad muhiim u ah, oo si toos ah ugu socda dadka khudbadda dhageysanaya, ee masaajidka ku soo jumcaystay, hadana nasiib darada jirtaa tahay in aanay fahmeyninba, oo qaarna iska hurdaanba, qaarkoodna ay degdegsanayaan ama karahsanayaanba khudbadda, maxaa yeelay; khadiibkii ayaa ku akhrinaya khudbadii af-carabi aanay jamaca badankoodu fahmeynin, kolkaa; khudbadaha jimcaha, labada ciidood iyo weliba meherinta dumarku waa inay ku baxaan afka dadkaasi fahmayaan, si aan dhadhanku uga lumin qasdiga iyo macnaha guud ee laga leeyahay.
- Marka arrimo murugsan dalka ka jiraan, dadkuna u baahan yihiin inay xaqiiqada ogaadaan, si ay uga badbaadaan kooxaha wax-isdaba-mariya, ee sida qaldan arrimaha u fasira, waa in Madaxweynaha qaranku masaajidka ugu weyn dalka mimbarkiisa koraa, oo halkaasi dadka uga bayaamiyaa xaqiiqada jirta.
- Marka arrimo amni soo kordhaan, waa in badhasaabadda gobollada, taliyayaasha guud iyo taliyayaasha saldhigyadu masaajiddada dalka isu qaybiyaan, oo maalinta jimcaha mimbarka iyagu koraan, oo dadkooda uga warramaan wixii soo kordhay iyo amniga Qaranku sida uu ku hagaagayo ee ay qorsheeyeen.
- Marka xaalad caafimaad jirto ama soo korodho, waa in Wasiirka iyo bahda caafimaadku ay masaajiddada dalka isku qaybiyaan, oo jimce kasta mimbarka ay fuulaan, dadkoodana la wadaagaan wixii jira iyo sida ay wax ku hagaagayaan.
- Wasaaradda Warfaafinta iyo madaxdeedu gaar ahaan Wasiirku, waa in Jimce kasta wixii xaqiiqo jirta ah, ee qaranku rabo inuu bulshadiisa la wadaago, uu isagu mimbarka la koro.
- Maayirrada iyo dhamaan madaxda qaranka ee umadda xil u hayaa, waa inay ku dhiiradaan, inay mimbarrada masaajiddada ay dadkooda ka wacyi-geliyaan, oo xilkii ay u hayeen xaqiiqadiisa halkaasi uga gudbiyaan.
- …