Qaadkii ayaa kala qaalisanaaday Ilmihii uu jiidhay! yaa kariim

Caawa Afurka ka hor waxa Cusbitaalka International hortiisa ka dhacay shil aad u xun, gaadhi qaadle ah oo xawaare aad u sarreeya ku socda ayaa ilmo yar jiidhay, ilmaha yar walaw aanu dhakhtarku xaqiijin haddana uma muuqan mid noolaa, markii la qaadayay .

Layaabku waxa uu ahaa in wadaha gaadhiga qaadku uu bilaabay in uu qaadkii ka wareejiyo gaadhiga, isaga oo aan ilmihii yaraa qaadin, weliba dhakhtarku 5 tallaabo wax ka yar ayaa uu u jiray, waa damiir xumo halkii ugu sarreeyay.

Waxa se farxad ahayd in dhalinyaradii halkaa joogtay arrinkaa ka dhiidhiday, oo u diidday in gaadhiga qaadkii laga wareejiyo, iyada oo dhaawacii (maydkii) ilmaha yar isla goobta wali yaallo.

Qaadku waxa uu ku hayaa halis aad u badan badqabkeennii, dhaqaalaheennii iyo dawladnimadeenniiba!”

Waxa Qorey :- Cabdiwali iid Cilmi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Fadlan Lama Ogola !!
SOMALILAND MAANTA
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?