Waxaanu ku aragnaa qolka baranbaro duul-duuleysa…

Waxa uu yidhi: waa goob caafimaad, oo daryeelkeeda aad loo ilaaliyay, dhulka marmar cad-cad ayaa ku sameysan, waa laga hagaajiyay cayayaanka oo dhan, hadaba marka ay naagtaasi goobta timaado, waxaanu ku aragnaa qolka baranbaro duul-duuleysa, markaasaa dumarku qaylo isku daraan, oo ay kolba dhinac u yaacaan, naagtii oo nagu soo qoslaysa ayaanu aragnaa, berrigii dambe mar kasta oo aanu qolka baranbaro ku aragno, waxaanu raadin jirnay naagtii, kadibna iyada oo joogta ayaanu soo heli jirnay, marka aanu wejigeeda hore u arki wayno, waanu wareysan jirnay: Heblaayo may timid maanta… heblaayo may joogtaa… kadibna waxa naloo sheegaa in ay joogto, show waxa ay ku raaxeysanaysaa dumarka qayladooda iyo naxdintooda.

error: Fadlan Lama Ogola !!
SOMALILAND MAANTA
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?