Xaaji Cusmaan waa odey taajir ah, bakhaaro ayuu ku leeyahay suuqa, waxa uu bagaash ka keenaa carabta, kadibna jumlad iyo tafaariiq-ba wuu ku sii iibiyaa, waxa uu ahaa odey deeqsi ah, oo gacan-furan, xaafada uu degan yahay dadka ku nool wuu u roonaa, oo sakada iyo sadaqada-ba wuu siin jiray, iyaguna way ixtiraami jireen…
Weliba xaajigu xaafada garsoorahooda kaliya ayaa uu ahaa, oo marka laba reer khilaaf ka dhex dhaco, isaga ayaa ay isula iman jireen, “Naa! Ha yimaado xaajigii !!! Isagaa ayaa ina kala saari doona…“ kadibna go’aanka uu rido, cidi kamay hor iman jirin, oo reerka uu ka xukumo gartu sidaa ayaa ay ku qaadan jireen, maxaa yeelay; Xaajiga way ixtiraamayaan.
Dhallinyartu; hadii iyaga oo wax shiidaya uu halkaa ka soo baxo, way kala yaacaan, oo Alla Waryaa Waa Xaajigii! Inta ay isku yidhaahdaan, ayay dhuuntaan, markaas ayaa uu isna ku yidhaa: “Waar! Hooy! Waxa aad wadaan waan idin arkayaa! Adeer iska daaya shiidkaa…” Haye! Adeer kuwaa baxsadey ayaa ay ahaayeen, anagaa u sheegi, Xaajigu shiidka daaya ayuu idin yidhi ayaanu ku odhani… hadalladaasi iyo kuwo kale oo badan, oo ixtiraam iyo qaddarin ay ka muuqato ayay ku qaabili jireen.
Sidii uu Xaajigu sharaftaa isaga iyo qoyskiisu ugu jireen, ayay habeen habeenada ka mid ah ku tashadeen oo isla qaateen go’aan adag, dagaaladii sokeeye iyo dhibaatooyinkii badnaa ee socday ayaa ay u adkeysan kari waayeen, kadibna waxay go’aansadeen in ay ka guuraan dalka.
Xaajiga saaxiibkii oo ay jaar ahaayeen, lana odhan jiray Cali ayaa aad ula taliyay Xaajiga, Adeer Ha Naga Guurinee… Xaafadu dan weyn ayay idinku qabtaa oo arrin iyo adduunba lehe… gartaa aad u naqayso, ee marka aad rido, sidaa dumar iyo rag ba ay ku ogolaanayaan, ayaan cid u buuxisa aanay helaynin, Adeer iska jooga ama ugu yaraan Adigu nala joog.
Xaajigu in kasta oo uu jeclaa, in uu iska joogo, hadana qoyskiisa ayaa ka diiday, kadibna sidii ayaa ay ku dhoofeen, aqalkoodiina way sii kireeyeen.
Hadaba maalinkii uu Xaajigu guuray, xaafadii uu deganaa way qasantay, meel carruur iyo dumar ay ku nool yihiin, in khilaaf soo dhex galaa, waa wax la filan karo, carruurtaa wada ciyaaraysaa, marka ay isku xanaaqaan, dumarkuna way la soo kala saftaan, mid waliba keeda ayay u hiilinaysaa, odayadii ku noolaa xaafadu, way u waayeen maare iyo xal khilaafyadaasi.
Xaafaddii shiid(dhagaxtuur) iyo dagaal joogto ah ayay ka bixi waayeen, muddo kadibna dadkii xaafada ku wada noola way is-naceen, oo kala dhinteen, aqal kasta waxa jiingadiisa ka buuxa dhagax lagu soo shiiday, qoys waliba dabino iyo shirqoolo ayaa uu u maleegayaa xaafada inteeda kale.
Muddo kadib xaalkii xaafaddu wuxuu noqday sidan; reero badan ayaa ka qaxay xaafadii, oo u guuray xaafadihii kale, reero cusub-na way soo degeen, dhulkii banaanaa waa la wada dhisay, xaafadii way is-badashay.
Dhowr iyo labaatan sanno kadib ayaa ay soo noqdeen Xaaji Cusmaan iyo qoyskiisii, aqalkoodii ayaa ay dadkii deganaa ka rareen, oo ay rinji cusub iyo dib-u-habeyn ku sameeyeen.
Markii ay si rasmi ah u degeen, maalin ayaa uu aqalka ka soo baxay Xaaji Cusmaan, oo dhex mar-maray xaafaddii, dadkii xaafada hore wuu u garan waayay, dad badan oo aanu garaneyn iyaguna aan garaneynin ayaa uu ku arkay.
Aqalkiisa dhinaca bidix waxaa ku ooli jirtay jago banaan, imika aqal ayaa ka dhisan, isaga oo aqalkaasi ag-maraya, waxa qaaday qudhmuun, hareeraha ayaa uu eeg-eegay, inta uu cumaamaddi garabka u saarnayd uu afka iyo sanka ku daboolay, kadib waxa uu arkay bulaacadii aqalkani oo banaanka ku soo shubmaysa, bartani uu ku soo dhacayo uskaga aqalka ka soo baxaa, waxa ay noqotay madaw, waxa ay u eeg tahay in ugu yaraan toban sanno aan uskaga laga hagaajinin, Xaajigii isaga oo afka ku haya cumaamadiisa ayaa uu kolba gees ka maray bulaacadii, oo uu eeg-eegay, kadibna aqalkii ayaa uu albaabkiisa gar-garaacay, weliba si xoog ah.
In door ah ayaa laga furi waayay, isagu wuu maqlayaa hadalka dadka ku jira aqalka, oo codka iyo shanqadha uu maqlayaa wax yar ayay u jirtaa luuqa albaabka, waxa ay u eeg tahay in lagu dhageysanayo, mar dambe ayay furtay gabadhi, markaasi ayaa uu hadalkii ku kuleyliyay: “Naa! Maxaad nooga furi weydeen… oo noogu dhageysaneysaan…”
Kute gabadhii: Oo xageed ka kulushahay! Aqalka miyaad nala leedahay!
Xaajigii yaab! Waa hadal aanu hore u maqal, Naa! Waanu kula leenahaye bal soo bax, soo soco…
Kadibna wuxuu soo hor-socdo, iyana; iyada oo yaaban ay soo daba gaambisaba, inta uu albaabkii istaagay ayuu yidhi: bal eeg halkani… yaa!
Iyada oo yaaban ayay tidhi: ”Dee maxaa yaal!”
Kuye: Naa! halkani eeg baan ku idhi? Miyaanad indhaha kala haynin?
Xaajigu afka ayaa uu weli cumaamada ku hayaa, oo naqaska ayaa uu isku celinayaa.
Waxa ay fahamtay in uu ka hadlayo bulaacada, kadibna waxay si toocsi ah u tidhi: Ma Bulaacadda!
Xaajigii ayaa yidhi “Adeer miyaydaan bini-aadmi aheyn, bal sida ay meeshu noqotay eeg, waliba waxa ay ku hoos taalaa daaqadii, miyaan qudhmuunkani daaqada idiinka soo galaynin, miyaan aqalka carruur jirin, maxaad waxan isaga hagaajin weyden”
Waxay tidhi: “Adeer qudhmuunkani aad sheegaysaa horta anaga nooma uro, dee mooyaan ma sankaa na xidhmay, mise waanu la qabsanay… ma reerka aqalkani soo degay ayaad tahay…”
Xaajigii ayaa yidhi: “imika maanu soo degine hortiin baanu deganeyn…”
Haye! Waanu kaa hagaajini! ayay ugu hal-tebisay iyada oo qosol isku celinaysa.
Markii uu ka dhaqaaqay ayaa waxa daaqada ka soo hadashay qof kale oo dumar ah,
Waxa ay tidhi: “Naa! Cajuusku muxuu ku yidhi… Naa! Ma Qurbe-Joogbaa…”, hada wuu maqlayaa Xaajigiina.
Inta uu yaabay, ayuu istaagay Xaajigii,
Tii kale ayaa ku tidhi: “Adeer iska soco, waa tu yar oo edeb darane…”
Waxa uu hadana maalin kale soo maray wadadii u dhaxeysay aqallada; waxa ku ciyaaraya carruur, way is-shiidayaan, mid ayaa inta uu dhagax fujistay ku dhuftay kii kale, kadibna Xaajigii ayuu ku soo daba dhuuntay, oo uu kolba dhinac ka maray, kii dhagaxa lagu dhuftay, oo isna dhagax weyn sita, ayaa kolba la tiigsanaya kii kale, Xaajigii qaylo ayaa ka dhamaatay, ka daa! Ha ku dhufanin! Ka daa! Waar ha dakhrin! kala qabay xaajigii carruurtii, isaga oo dhowr dhagax ku dhaceen, dhowr goorna kufay.
Waxa kale oo iyaduna ka yaabisay; habeenkii marka ay noqoto, ilaa makhribka waxa bilaabma shiid, oo dhallinyar is-eryanaysa ayaa sidaa iyo sidaa u dhex yaacaysa xaafadda iyo sekedaha dhexdooda.
Kadib habeen ayaa markii uu shiidkii bilaabmay uu aqalka dibadiisa u baxay, isaga oo baalaxoofteynaya ayuu kor u yidhi: Waar yaa na soo shiidayaa?
Isaga oo aan hadalkiiba dhameynin, ayaa dhagax lala soo eegtay, dirqi ayaa uu ku sigtay, dhagaxii wuu ag-maray, kadibna qoyskiisii ayaa kula taliyay, in uu ka soo xeroodo shiidka, isna markii uu nafta u yaabay ayuu aqalka orod ku soo galay.
Duhurkii marka ay tahay, ee uu salaadda soo tukado, waxa uu soo maraa oo waddo u ah, halkii maalinkii hore carruurta uu ku kala qabtay, dhowr cisho ayuu carruurtii kala eryay, markii uu ku arkay akhlaaq-xumo.
Kadib maalin ayaa uu ku soo baxay, kuyar oo kolba ku dhufanaya aqallada albaabkooda dhagax, aad ayaa uu uga cadhooday ficilkaasi, kii yaraa oo aanay kaba qasneyne tuuryadiisa iska wata, ayuu dhab siiyay tunka, wuu gilgilay, isaga oo ku leh “… …Waar Miyaanad xishooneyn? Waar! maxaad sameynaysaa? Maxaad aqallada ula dhacaysaa dhagaxa?”
Kii yaraa waxa uu ka cadhooday sida uu u qabtay tunka, oo show horeba umuu arag cid sidaa ku sameysa, inta uu iska furfuray Xaajigii, oo uu dhagax qaatay, ayaa uu ku sii daayay, wuu ku dhuftay, hadana ku kale ayaa uu qaatay Car! Car! Cajuusyahay! Ma Aabahay baad tahay! Maxaa kaa galay waxa aan sameynayo?
Xaajigii isaga oo xanuunkii dhagaxa ku dhacay la il-daran, wax uu sameeyana garan la’a, ayaa hadana waxa uu arkay gabadh soo ordeysa, oo madax qaawan! oo cagaagan! oo soo hagaajisaneysa shalmada.
Markii ay soo gaadhay kii yaraa, ayay tidhi: “Waar Axmed maxaa dhacay?”
Kii yaraa ayaa inta uu iska oohiyay yidhi: “Dee halkaasaanu ku ciyaaraynay… oo cajuuskan ayaa qoorta na kala siibay…”
Xaajigii ayaa yidhi “…Oo ma shiidka iyo dhagaxa aad albaabada ku dhufaneyso ayaa ciyaar ah…”
Waa ta gabadhii tidhi: “Eee! dee maalin walba halkaasi ayaanu kaa soo aragnaaye… … caruurtu maxay kuu geysteen… dee ha kaa ciyaaraane iskaga tag… waa maxay qalladan naloo soo diray…”
Xaajigii waa ka yidhi: “Waar! waa maxay tan doqonta ahi… Naa! Ma dhagaxa ay isku-dakhrayaan ayaa ciyaar ah…”
Iyana waa ta tidhi: ”Eee… Doqon iyo Dameer ba adigaa ahe carruurta iskaga tag… Walaahi in aanu buurtaa afka kaa saariye… Caruurtii uun baa lagu diray… bal inkaartan naloo soo diray eeg…”
Xaajigii isaga oo yaaban ayaa uu ka soo dhaqaaqay, waxa uu leeyahay: “Waar! Dadkani maxay ahaayeen, oo xagey ka yimaadeen? Sidani ma nolol baa, Habeen iyo Maalinba ma shiid baa lagu noolaan karayaa…”
Wax yar markii uu xagii aqalkiisa u soo socday, ayaa uu arkay odeygii Cali, ee ay saaxiibka ahaan jireen hablihiisii mid ka mid ah, oo uu wejigeedii gartay walow ay muuqaal ahaan is-bedeshay, hadana garay oo aqoonsade wajigeedii, waxa ay soo taagan tahay kaabadda, oo iyana show qaylada ayay ku soo baxday, way soo daawanaysaa, markii ay aragtay isaga oo xageeda u soo socda, ayay aqalka gashay, oo ay albaabkii hoosta ka soo xidhay.
Inta uu sii yaabay, ayaa uu garaacay aqalki “Naa! Fur! fur albaabka? Maxaad noogu soo xidhaysaa… inaanu soo socono sowdigaa arkaya, meeyay Cali”
Cali ayaa maqlay saaxiibkii Xaaji Cusmaan hadalkiisa, kac ayaa uu is-yidhi, laakiin hablihiisa tii u yareyd ayaa u diiday,
Iyada oo hor taagan aabaheed Cali, ayaa waxay si ciilkaambi iyo cadho ka muuqato u leedahay: ”Eeyaa… Aabooy car u kac… intii aad silcaysay, ee aanu saxarada iyo kaadida kaa hoos qaadeynay, waa kii isaguba ku soo raaxeysanayay dibadaha, maalin kaliya inta uu kula soo hadlay… miyuu ku yidhi xaaladaadu waa sidee? bal car u tag… Walaahi in aanad albaabka ka baxeynin maanta…”
Cali faalig ayaa ku dhacay, oo dirqi iyo tu-xun ayuu ku kacayaa, waxa uu inantiisii ku yidhi: ”Aabo Xaajigu nin xun ma ahayne I sii daa aan u tagee, kollay waxba u qaban kari maayo’e… dee… ha I arko uun sida xaalkeygu yahay…”, inantiisii se way ka diiday, oo ka horjoogsatay inuu u baxo.
Xaaji Cusmaanna markii aqalkii laga furi waayay, ayaa uu quustay, oo iskaga tagay.
Xaaji Cusmaan wuxuu dhibtii iyo rafaadkii ku jiroba, beri dambe ayuu ka guuray xaafadii, muddo kadibna wuu dhintay, oo tii alle ayaa u timid.
Xaaji Cusmaan tagye, wuxuu se dhintay isaga oo farta dhexda ka qaniinsan, oo ka maroora dilaacsan qorshihii uu ku yimid tuuladii uu ku dhashay, wuxuu ku dagmay beentii uu warbaahinta ka maqlay, ee ahayd dalkii waxa ka jirta nabad iyo negaansho la isku halayn karo.
Waxa kale oo maankiisa ku sawirnayd, oo intii uu qurbaha ku maqnaaba riyo ku daawan jiray, carruurtiisana si joogto ah ugaga sheekayn jiray, xusuuso hore iyo sidii ay dadku ahaayeen waagii wax-isku-ahaanta la xeerin jiray, waagaasi oo uu isna xoog ahaa, dadkiisana u adeegi jiray.
Sharaftii iyo karaamadii uu waagaa bulshada ku dhex lahaa ayaa hodday, oo jar uga talaabsatay, waa ta keentay in uu keeno oo ku qanciyo qoyskiisii, oo ka koobnaa carruurtiisii iyo carruurtii ay sii dhalleen, oo weliba kaaga daranta uu baasaabooraddii iyo sharciyadii ay dalalka shisheeye ka qaateenna uu ka soo wada xereeyay, oo inyar mooyaane badankoodu aanay ku noqon karin qurbihii ay la qabsadeen.
Qorshihiisu waxa uu ahaa in carruurtiisu aanay qurbaha ku soo dhaqan-doorsoomin, oo aanay illoobin dadkoodii ay ka dhasheen iyo dalkooda hooyo, se nasiib daro dhibaatooyin laxaadle ayay la kulmeen carruurtiisii markii uu geeriyooday kadib.
Sheekadani waxay sawir buuxa kaa siineysaa:
- Waa’a hore iyo wixii jiray, se kaga soo doogney Illaahay fadligii,
- Dhibaatada ay leedahay dawlad xumada amaba dawlad la’aantu,
- Dadka dalka ka qaxay marka ay soo noqdaan, dhibaatooyinka ay la kulmaan, oo ay kamid yihiin; nolol aanay la qabsanin iyo dad aanay garanaynin hab-dhaqankooda oo ay dhex yimaadaan.
- Iyo wax badan oo kale, oo qofba si’i ugu muuqanaya akhriskeeda kadib,