Tolaay! Ma Gaalnimadii ayaa da’dani iigu timid…

Sheekh maxamuud iyo qoyskiisu waxa ay ku nool yihiin sandaqad, Sheekhu waxa uu iimaam ka yahay Masaajidka xaafada, Malcaamad-na waxa uu ka sameystay geed weyn oo masaajidka ku dhow, dadka xaafadu way wada ixtiraamaan, ileyn caruurta xaafada ayaa uu diinta baraaye.

Sheekh Maxamuud wuxuu noloshaasi ku jiraba, jago banaaneyd oo sandaqadiisa ku xigtay ayaa dhisme lagu bilaabay, waxa laga dhisay guri weyn oo fiilo ah, markii aqalkii farta laga qaaday, ayaa habeen habeenada ka mid ah, goor fiid ah qoyskii Sheekhu ay maqleen buuq iyo gawaadhi is-dhaaf dhaafaysa, way soo baxeen, waxa ay arkeen aqalkii cusbaa ee agtooda laga dhisay, oo la soo degay, oo shandado iyo qalab fara badan lagu sii gurayo, markii ay is-yidhaahdeen bal la caawiya reerka soo degayna, waxa ay maqleen iyaga oo ku hadlaya af aanay garaneynin, laakiin dadku dadkeena ayay ahaayeen, markii ay fahmi waayeen ayay iskaga soo noqdeen.

Markii uu waagii baryay sheekhii malcaamadiisii ayaa uu ku kalahay, goor ay barqadii tahay oo sheekha xaaskiisii iyo carruurtu ay sandaqadii horjoogaan, ayaa waxa aqalkii cusbaa ka soo baxay dhowr qof oo buur-buuran, rag iyo dumarba way leeyihiin, waxa ay wada xidhan yihiin nigisaan(shorts) iyo garamo yar-yar oo ku dhagan, raggu iyaga waxba kama muuqdaan, inkastoo short-gu uu jilbahooda ka sareeyo, hadana buurnida oo ay dharkii buuxiyeen mooyaane wax kale kama muuqdaan, laakiin dumarkii ayaa qoyskii sheekhu ku arkeen wax la yaab leh, dumarka short-yada iyo garamaantu aad ayay ugu dhagan yihiin, maadaama oo ay ka buur-buuran yihiin ragga, waliba waa dumar da’a ahaan qaan-gaadh u badan.

Xaaskii sheekha iyo carruurtii waa kuwa orod aqalka ku galay, iyaga oo marada afka ku haya, way wada yaaban yihiin, waxay leeyihiin: “Acuudu Bilaahi Mina Shaydaani Rajiim, Illaahayoow Na Astur… Naa! Ma arkaysay tii… oo Hooyo way qaawaneyde… Tii kale miyaanad arkaynin… way ka darneyde… Bal aamusa!!! waxbaynu aragnaye…”

Duhurkii markii uu Sheekh Maxamuud uu ka soo noqday Masaajidkii, ee qadadiisii yareyd loo keenay, ayaa markii uu dhameystay, ee uu is-yidhi yar naso, ayaa xaaskiisii u timid, iyada oo weli marada afka ku haysa, waxa ay ku tidhi: “Sheekh Maxamuud dee aqalkii jaarkeena waxa soo degay dad qaa-qaawan…

Sheekhii waa ka yaabay, markii uu arkay sida ay Islaantu u hadlayso, inta uu kor u soo fadhiistay ayaa uu yidhi: “Ma Mudh iyo Gacan!!!!!”,

Markaasay ku tidhi: “Dee mayee hadii aan Illaahay ka baqdo, dhar magac mooyee aan wax kale u tareynin ayay xidhnaayeen…

Aaaaa inaga daaya balaayada iyo u fiir-fiirsiga, waa qoys cusube in aynu xidhiidh wanaagsan la sameyno weeyaane,

Iyana tidhi: dee waayahay! Adiguba indhahaaga waad ku arki.

Markii uu waxoogaa yar indha-caseeyay Sheekhii, ee uu is-yidhi Salaadii Casar way soo dhawaatay, ayaa inta uu weyseystay, oo uu cadaygii afka gashaday, ayuu baxay, markii uu albaabka ka baxay, waxa uu arkay qof dumar ah, oo aqalkii cusbaa hor-taagan, oo sii jeeda, short-gii iyo garan ayaa ay gashan tahay,

Sheekhii waa ka is-yidhi, malaha ugumay talo-galine biyo ay daadinayso ama wax lamid ah ayay u soo baxdaye, yay kaa nixin marka ay ku aragto’e, ka sii jeedso aayar ha gasho aqalka’e,

In woxogaa ah marki uu sii jeeday, ayuu soo jeestay, weli way taagan tahay,

Hadana waaka xiix-xiix! Yidhi, si uu u dareensiiyo, waa ta soo jeedsatay, ee aragtay Sheekhii oo sii jeeda, qof daaqada kala soo hadlayay inta ay ku jeedsatay, ayaa waxay tidhi: “Look! Someone is coming

Sheekhii markii uu arkay in aanay uba jeedin, wuxuu gartay in ay tahay dadkeenii dibadaha ku soo koray, isaga oo isla hadlaya, ayaa wuxuu leeyahay “balaayadii dhinac walba way inaga martay, bal sida ay dadkaasi u soo dhaqan-doorsoomeen eeg!”,

Markii uu u soo dhawaaday, ayaa uu ku bilaabay salaantii “Asalaamu Calaykum! Iska warama!

Intii aanay uba jawaabin ayuu hadalkii sii watay, isaga oo ka cabsi qaba in Salaadii Casar uu ka gaadhi waayo, waxa uu go’aansadey in uu wax-sheega u yar guud maro, kadibna waxa uu ku yidhi: “Adeer sidani waa qaawanaan, marka aqalka dibadiisa aad u soo baxayso! xijaab soo xidho! Fariid!” waa ka iska socday,

Markii uu dhaqaaqay ayay tidhi: “I don’t speak Somali…”

Xaaskiisii iyo carruurtii Sheekhu iyagu weli way yaaban yihiin, oo maxay hadal isla gaadhi is-maba fahmayaane,

Maalinkii dambe ayaa markii ay duhurkii ahayd, ee uu sheekhii xagii aqalka uu u soo socdo, ayuu arkay aqalkii oo dhowr qof oo sidii u qaawani ku ag sheekeysanayaan, waa ka is-hayn kari waayay, xagoodii ayaa uu u kacay, markii uu la hadlay, iyaguna af-ingiriisi ayaa ay kula hadleen, kadibna waxa uu ku yidhi Hooyadiin meeday, isaga oo la hadlaya ayaa ay aqalka ka dhex maqashay Hooyadood qofka leh Hooyadiin meeday, waata soo hadashay iyaduna “Heblaayo! Who is that…” waa kuwa ugu jawaabay “Someone! Is talking to us… He is Sheikh

Markii ay maqashay Sheekh ayay shalmad soo qaadatay inta kale way asturnayd, laakiin laabta iyo qoorta ayaa qaawana,

Markii uu Sheekhii arkay ayuu ka foorarsaday, iyana markii ay dareentay in uu Sheekhu wax diiday, ayaa ay hagoogtii hagaajisatay.

Markii uu arkay Sheekh Maxamuud gabadhii carruurta dhashay oo iyadu is-asturtay wuu farxay, kadib si fiican ayuu u salaamay, wuu u waramey, waxa uu u sheegay in uu yahay aqalkan jaarkooda, Gabadhiina waa ta si fiican salaantii uga qaaday, la is-baray, kadibna hore u soo soco ayay ku tidhi,

Markii uu aqalkii galay, ayaa uu u bilaabay waanadii, si fiican oo qoto-dheer ayaa uu u waaniyay “Qaawanaantu ma fiicna! Diinta barta! imika ma joogtan dhulkii gaalada, dhulkiinii ayaad joogtaan…” isaga oo tilmaamaya inan halkan joogta ayaa uu ku yidhi “bal eeg imika inantaasi sida ay tahay… sidaasi ma si fiican baa…

Waata gabadhii inta ay yaab-yaabtay tidhi: “Ma inantan yar… waa tii reerka ugu yareyd…

Sheekhii waaka isna yaabay, ee yidhi: “Dee adeer hadii ay reerka u yar tahay, da’deedu ma yara… dadka intani laa-leeg, ee waaweyn marka aad carruur ku sheegto, ee aad waxaa dhegaha ugu rido, sidee ayaa ay u kori… weligood waxay isku haysan doonaan carruur…

Sheekhii waxa uu kaga yimid Gabadhii in ay hablaha u soo tosho xijaabyo.

Ereyga Xijaab af-soomaali waa Cawrada oo la qariyo, rag iyo dumar-ba xijaabku waa ku waajib, Soomaalidu xijaabka waxay u yaqaanaan maro gaar ah, oo si gaar ah loo tolay, maro kasta oo qofka asturaysaa waa xijaab, se waxa inta badan lagu qaydaa in maradaasi buuxiso shuruudahan oo ah:

  • Waa in ay maradu wada qariso jidhka intii cawrada ahayd rag iyo dumar-ba.
  • Waa inay ku filan tahay, oo aanay ku dheganayn, si aan qofka jidhkiisii u muuqanin.
  • Waa in aanay ahayn mid bilic leh, oo qofkii xumaa uu ugu soo gaban karo. (gabadhii dhowrsooneyd)
  • Waa in aanay ahayn mid lagu yaqaano, oo ay caan ku yihiin dadka xun-xun ama gaaladu.

In muddo ah markii ay qaawanaantoodii iska ahaayeen, gabadhiina ay aragtay in lagula yaaban yahay sidani, ayaa ay maalin maalmaha ka mid ah dawaarle u tagtay, oo ay ku tidhi hablahani xijaab u tol,

Waxa dawaarlihii uu u soo tolay maradii ay dadkeenu xijaabka u yaqaaneen, markii ay aqalka yimaadeen, ayaa ay gabadhii ku tidhi xidh-dha xijaabka, markii ay gashadeen, waa kuwa jidh-diiday, maaha wax ay ku soo barbaareen, wuu ku adkaaday,

Markiiba tii yareyd ayaa tuurtay, kute: It’s too Hot… No I Can’t wear it…

Hadana tii kale ayaa iyana sidii oo kale tuurtay, I Can’t… I Can’t…

Markii ay gabadhii ku kari wayday way iska deysay, carruurtani waxa ay u baahan yihiin in muddo dhaqan-celin loo sameeyo, oo sidii ay dharkaa gaa-gaabanba ula qabsadeen, asturnaantana loola qabadsiiyo.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa Sheekhii isaga oo soo socda, uu arkay kuwii oo sidii u qaawan, laakiin waxa uu ku arkay maalintan arrin la yaab leh, waa la wada bood-boodayaa,

Ku nin ah isagu inta uu madaxa ku istaagay, ayaa uu war-wareegayaa, ku kale wuu ordayaa hadana halka uu joogo ma dhaafayo, mid baa iyadu gacmaha saydhinaysa, oo waxa la moodaa in shinni ku degtay, oo ay iska duulinayso, tu kale xadhig-ka-bood ayaa ay sameynaysaa, hadana xadhig meesha kama muuqdo,

Sheekhii ayaa af-kala-qaad ku dhacay, oo ilkuhu dibada u soo baxeen, indhihiisu ma libiqsanayaan, waxaa uu leeyahay “Allaahuma Salim! Salim! Toloooooow! reerkii maxaa ku soo kordhay…

Waaka taw soo yidhi, ee soo gucleeyay, dhowr goor kuf hadana kac, markii uu u soo dhawaaday, waxa uu maqlay danan aad u dalacan iyo hees baxaysa, waxa uu gartay in la ciyaarayo, oo la jaasayay, inta uu is-canaantay, oo uu dib u xasuustay dhowrkii goor ee uu kufay, ayuu yidhi: “Inkaari idinku dhici weyday… bal waxa xiin naga dhacay! iyo inta aanu soo orodnay eeg… … …”

Xaaskiisii oo cadheysan, oo arkaysay intii uu soo gucleynayay, ayay ku tidhi: “Eee! maxaad la soo kufaa-kacaysay… …”

Sheekhii in muddo ah ayaa uu sidii ku jiray, oo uu foorar kaga soo baxayay aqalka ilaa inta uu dhaafayo dumarkii, waxa kaga daran heesahani ay soo kordhiyeen, ee inta aadka loo dallaco, uu ka dhex maqlayo furaashka uu ku hurdo, sahwigii salaada ayaa ku sii batay marka uu tukinayo masaajidka,

Jamacii ayaa la wada yaaban, oo mid waliba hoosta ayuu iska weydiinayaa, Toloow Sheekh Maxamuud maxaa ku soo kordhay?

Kadibna maalin maalmaha ka mid ah, ayaa waxa soo ogaaday dhibka sheekha iyo qoyskiisa haysata laba shaydaan, oo ka mid ah dumarkii xaafada la deganaa,

Waxa ay u yimaadeen xaaskii sheekha, mid ayaa tidhi: “Naa! Heblaayo dee waxaanu maqalnay imika Sheekh Maxamuud sara-jooga ayaa uu ku ataxiyaadsadaa, fadhigana faataxada ayuu ku akhriyaa

Xaaskii sheekhu iyada oo dacartu ku kacday, oo aad u cadheysan, ayay sidaa u eegtay, oo hoosta iska tidhi: “kuwana maxaa ogeysiiyay dhibkiina…”,

Hadana tii kale ayaa hadal kii hore ka daran ku tidhi, in muddo ah markii ay ku akhrinayeen, ee ay xamaasadii iyo cadhadiiba ku huriyeen, ayaa ay u soo bandhigeen qorshe-shaydaan,

Waxa ay ku yidhaahdeen: “Naa! Qurbe-joogtani waa gaallo, Illaahay la dagaalama gaallada ayuu yidhi, Naa! Ma kuu sheegnaa si aad iskaga celiso…”

Lamay hadal, oo umay jawaabin xaaskii sheekhu.

Shaydaamaddii kale ayaa hadana hadalkii qaadatay, oo tidhi: “Naa! Gaalladani ma fadhiisinaa, oo ma dabiibnaa, dee dili mayno, laakiin waynu kibir-jabini…

Xaaskii sheekhu mar kaliya ma hadlayso, way aamusan tahay, iyaguna intaa way ku dhurayaan qorshe-shaydaankaasi.

Hadana maalin kale ayay sidii oo kale inta ay u yimaaden ku akhriyeen, oo ay u xayaysiiyeen qorshahoodan xun “Waynu sixraynaa… ma dilayno… laakiin waynu fadhiisinaynaa… ha inaga fadhiistaan…

Iyadu kama gurto, iyaga uun baa dhurmaya.

Dhowr cisho markii ay ku wadeen xayaysiintii qorshe-shaydaanka, ayuu maalinkii dambe ku duxay, markii ay soo tuseen qaar kale oo ay sixreen,

Kadibna way la qaadatay, laakiin waxa ay ku tidhi “sheekha ayaan u sheegayaa, oo kala tashanayaa

Waa kuwa naxay ee ku yidhi: maxaad ugu sheegaysaa miyuu kaa yeelayaa,

Iyana ugu hal-celisay “Naa! sow isagu qoyskeyga mas’uul kama aha, waan u sheegayaa“, kadibna labadii shaydaan oo naxsan ayaa ka tagay,

Markii uu sheekhii yimid xaafadii, ayay Islaantii soo ag-fadhiisatay, iyada oo hadalka wanaajinaysa, oo wax wanaagsan in ay soo wado iska dhigaysa, ayay sheekhii ku tidhi: “Sheekh qoyskani ina dhibay! Ma dabiibnaa!

Waa ka sheekhii yaabay kuye: Maxaad u jeedaa? Oo ma xanuun baa haya?

Waata tidhi: Dee may! si dhibka ay inooga daayaan waynu sixri!

Allaahu Akbar! Sheekhii inta uu kor u soo booday, waaka ku saxday candhuuftii, ee xiix-xiix & quxu-quxu ku waashay, biyihii haleeli waa!

Cumaamadii ag-taalay inta uu isla kala jiiday, ayuu Islaantii dhowr goor si aad u kulul ugu dhuftay, tan iyo maalinkii ay is-guursadeeen, waa markii u horeysay ee Sheekhu gacan uu u qaado xaaskiisa, kadibna hal-haleel inta uu kabihii ku xidhay, ayaa uu albaabka ka booday.

Intii uu sii socday ayuu isla sii hadlayay, wuxuu leeyahay: “Tolaay! Ma Gaalnimadii ayaa da’dani iigu timid… waar qofka dumar ahi maxay ku hadashay! Yaah! Wixii horeba tan ayaa igaga daran! Dee mar hadii garaadkeedu sidaa yahay! Ma leh!

Sahwigii salaad-tukinta ayaa ku sii batay sheekhii,

Markii uu dhowr habeen ka soo ag-wareegi waayay, ee uu masaajidkii seexday, ayaa ay xaaskii u timid, oo ku tidhi: “Dee Sheekh! Waan kuu soo bandhigaye… ma waan sameeyay baan ku idhi! Shaydaanka iska naar!

Kuye: Aaa aduu iska naar! Oo kii u weynaa ayaa kuu yimide… towbad dhamaystiran Illaahay ula noqo…”

Illaahay Amarkii; Qoyskii berri dambe ayaa la sixray, laakiin xaaskii sheekhu way ka dhaaratay, in ay sixirkooda sabab u tahay ama ay wax ka og tahay-ba, hablihii qoyskaasi jiman ayaa lagu diray, oo sida ay u joogaan ayaa uunbay dhacayaan Qab! Oo ay shayaadiini ka dhex qaylinayaan, waliba marka ay midi dhacdo, kuwa kalena way dhacayaan, inamadiina waxa ka soo hadhay laba indhood, oo aad caag moodid, halka la fadhiisiyo kama soo kacayaan ilaa laga soo kiciyo, xataa dhinaca ay u jeedaan kama soo jeedsanayaan, surwaalka ama guntigu hadii uu ka siibto, ma soo qabsanayaan, kadeed iyo kulayl ayaa haysta,

Qoyskii qurba-joogta ahaa, aqalkoodii waxa uu noqday, guri ay baroor iyo balaayo taalo, oo hadh iyo habeen qaylo iyo oohini ka socoto…

error: Fadlan Lama Ogola !!
SOMALILAND MAANTA
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?