Waa nin weyn, oo marka uu ku soo eegayo aan waxba qabin, xataa aanad ka dareemaynin wax dhib ah oo uu qabo, hadalkiisu waa faseex, wuxu ku tukanayay masaajidka, aniga ayaa uu igu xigay, sidii aanu ugu jirnay salaada ayaa uu hal mar qaylo ku dhuftay, kadib wuu aamusay, isaga oo leh: “Acuudu Bilaahi Mina Shaydaani Rajiim…” hadana in woxogaa ah markii ay salaadu socotay ayuu qaylyay, neef-tuur iyo diiqad ayaa uu ku jiraa, kolba marka ay qayladu ka fakato-ba wuxuu hoos u odhanayaa Ishshsh! Iyo hadalo aan u maleeyay af-soomaali, oo uu ku canaananayo naftiisa, markii uu sheekhu salaama-naqsaday, intii aanay dadku ka wada-bixin salaada, ayaa uu booday, oo uu orod albaabka kaga baxay, si aan loo arag wejigiisa, dadkiina aniga ayaaba ay I moodeen, oo way I wareysteen…