Waxa ay tidhi: “Waxaanu ku beernay beerta hadhuudh, anagu waanu ku cusubnahay beeraha, oo hore waxba umaanu beeran jirin, kadibna waxa na dhibbay, oo deegaankii aad ugu soo xoomay shimbirta la yidhaahdo xamare, oo tiradoodu gaadhayso malaha malaayiin, hal mar hadii ay ku degaan beerta, wax badan ayaa ay kaa kharibayaan, kadibna maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa noo yimid dumarkii deegaanka iyaguna beeraha ku lahaa, way isa soo urursadeen, waxay nagu yidhaahdeen wax aannu ka yaabnay; kuye! Shimbiraha waynu iska hoynaynaa(sixraynaa), si aanay tacabka inooga baabiin, oo miyaad sidan sameyn jirteen, Haa! Marka uu sidaa noo dhibbo, waanu iska hoynaa… Cajiib!”
Kuye! Shimbiraha waynu iska hoynaynaa!
