Cayayaan yar ayaa jira, hadii kartoon lagu rido, oo meel daloosha loo sameeyo, si ay uga baxaan, cayayaankaas wuxu sameeyaa, marka uu mid is yidhaa ka bax daloolkii, ayuu mid kale soo jiidaa, markaasuu soo dhaca, aakhirka waxay ku dambeeyaan in ay halkaa kuwada dhintaan, maxaa yeelay; waxa ay isu ogolaan waayeen inay ka baxaan, waa sidaa xaasidku, qofkuu xasidayo ayuu sida u soo jiidaa.
Nin ka mid ahaa Tujaartii hore, ee Hargaysa ayaa xamar guryo ka dhistay markaas ayaa lagu yidhi: “Maxaad Hargaysa uga dhisan wayday…”, wuxuu yidhi: “waa dhulkii xaasidka…”
Nin baa maalin iiga sheekeeyay sheeko, Soomalidu waa kuwan badiya ducadan [subxaana rabika, rabil cisati camaa yasifuun wa salamu calal mursaliin wal xamdulilaah rabil caalamiin], sucuudiga ayay ahayd, nin sheekh ah, oo sucuudi ah, ayaa in badan ka maqlay somaalida ducadaas, sheekhii ayaa yidhi: “Ducadan meesha lagu badiyo akhrinteedu way barwaaqawdaa bal dhulkiina iiga warama…”, markaasay u warameen Buuro, Dhul-Qalalan, Dhir Qodax badan, markaas ninkii sheekha ahaa ayaa ku yidhi: “Waar dhulku xaasid badanaa… waa calaamaadkii xaasidnimada eh”.
Nin kale ayaa igu yidhi nin soomalidaa kale ah ayaa ii sheekeeyay, “waar nin yahaw! anaga fusuq badan ayaanu leenahay, idinku hadii aad hal mid iska dayn lahaydeen, oo xaasidnimada ah, awliyo ayaad noqon lahaydeen”.
Hadaba waxa is-waydiin leh, dadkeenu miyay ku dhasheen xaasidnimada, mise waa lagu beeraa.
Nimanka cilmi nafsiga waxa ay yidhaahdaan, qofku isaga oon wax dabeecad ah lahayn ayuu dhashaa, dhaqanka waxaa uu ka kasbadaa uun deegaanka uu ku nool yahay, diinteenuna waata tidhi: “Qof walba fidrada ayuu ku dhashaa”.
Hadaba halkaa waxa inooga cad in xaasidnimadu tahay dhaqan la kasbado ee maaha wax lagu dhasho, markaan in badan u fiirsaday, waxaan arkay in dhaqankan xaasidnimada ah, dadka si u kas ah loogu beero, oo ay cisaabada laynagu dhex beeray, ay ku abuurto dhaqankaasi, si ay dadka u kala fogeyso, oo ay u xukumaan, sida ay diinteenu in oo sheegtayna, xaasidnimadu sida dabku xaabada u cunno, ayay xaasidnimadu diinta camalka u cuntaa, mujtamaca dhaqankaa lagu beeray, kuna dhaqma, kob caleen leh ka soo toosi maayo.
Magaca Qoraaga: Nuur X.Xiiray
Email-kiisa: Nur.hers21@Gmail.com