Buurtii Madhiya

Deegaan ka mid ah deegaanada soomaalida, ayaa waxaa ku ooli jirtay Buur magaceeda ay dadku u bixiyeen Madhiya,

buurtaasi dhirta iyo daaqa ka baxa xooluhu hadii ay cunaan way ku dhiman jireen, oo waxa laga yaabaa in buurta ciideeda wax-si-ka ahaayeen, kolkaa dadka badankoodu way wada yaqaaneen, oo xoolaha waa laga ilaalin jiray, loomana soo dhaweyn jirin,

kadibna buurtii waxa is-gaadhay geed-gaabkii iyo geed-weyntii, oo gu’ iyo jiilaal way cagaarneyd, aad ayay dhirtii ku taalay u quruxaysatay, dadkii reer guuraaga ahaa, ayaa kolba mid aan Ogeyn! sheeda ka soo arkaa buurtan quruxda badan, markaas ayaa uu reerka ku furaa, oo uu is-yidhaahdaa sanadkan uun baad cad iyo caano ka dhergaysaa, oo aad xoolahaagii barwaaqo u heshay,

kadibna marka xooluhu dhirtii sumeysnayd kaga madh-dhaan, ayaa uu meesha ka cararaa, oo uu iskaga guuraa, hadaba dadkii iyagu ogaa buurtaasi waayaheedu, waxay u sameeyeen hal-ku-dhigani, oo waxa ay yidhaahdeen: “Buurtaa Madhiyi! Kolba Mid Maqiiqan! Oo Ay Madhiso! Ma Weydo… …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Fadlan Lama Ogola !!
SOMALILAND MAANTA
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?