Waxa ay tidhi: “… Anigu waxa aan u arkaa in imika sidii hore la dhaamo, oo dadka xaasidiintu ay ka tiro yar yihiin kuwii hore, berigii hore; xaasidnimadu waxay aheyd badheedh, oo lama qarsan jirin, habluhu inta ay mikiimad hoosta isu soo gashadaan, ayay wejiga iskaga googoyn jireen.
Dugsi aan dhigan jiray, ayaa waxa ka dhacday dhacdo aad iiga yaabisay, inan qurux badneyd oo nala kalaas ahaan jirtay, ayay maalin u tashadeen laba hablood oo kale, oo iyaguna nala kalaas ahaa, hada ku darsoo inantan quruxda badan iyo labadan hablood ee kale, mar walba way is-raaci jireen, oo saaxiib ayay ahaayeen, sidii aniga ii muuqatay, weligay maan moodi jirin, in ay colaadi u dhexeyso, show khiyaamo ayay ula saaxiibeen, oo waxaa ay doonayeen in ay shaki-tiraan, oo ay maalin meel cidla ah u kaxeystaan.
Maalin ayaa markii nusa-saacihii nala soo daayay, ayay sidii caadada u aheyd sadexdoodii is-raaceen, iyaga oo aad ula qos-qoslaya ayay la tageen inantii meel yar qarsooneyd, aniguna xagii ay u kaceen ayaan u dhaqaaqay, mooyaan wax aan ka doonaye, kadibna sidii ay u socdeen, ayaa uun bay midi inantii quruxda badneyd xaga dambe inta ay ka martay, labadeedii gacmood dhab siisay, oo laba-dible u qabatay, way ku dhagtay iyada oo dibnaha qaniinsan, oo aad u xajinaysa, aniga oo yaaban oo is-leh malaha way la ciyaaraysaa, ayaa uun bay tii kale halkan dulaca hoostiisa kala soo baxday Mikiimad, waata wejiga kaga sarsartay, sida ay ugu sareysaa ma sibaa, inantii qaylo iyo cabaad waata isku dartay, waaniga ku soo cararay, markii ay I arkeen aad ayay ugu sii jarjartay, kadibna inta ay mid waliba dib u booday, ayay dhagax qaadatay, oo car! Car! halkaa soo dhaaf ay igu yidhaahdeen, inantii oo dhiiga-shalaqsanaysa, oo oohin hiq-hiq leh, ayaan soo kaxeeyay, hablihii aanu isku fasalka aheyn, iyo dad kale oo iyaguna wadada marayay ayaa nagu soo yaacay, waxaan is-lahaa labadii inanta dilay, oo halkani midiba dhagax weyn ay sidato, waa lagu yaaci, oo waa la qabani, hablihii midiba mid uun bay afka saartay, oo dhegta uun bay wax iskugu sheeg-sheegeen, sidii oo aan wax weyniba dhicin, tii mikiimada ku googoysay inanta ayaa iyada oo kolba mid eegaysa, oo dhoola-cadeynaysa waxay leedahay:“… … Aabaheed cunto raggii iyada uunbay wada eegayaane…” aniga iyo inan kale ayaa ka naxnay inantii oo soo kaxeynay ilaa aqalkoodii, iyada oo dhiiga sidii dhididka, farta iskaga hoorinaysa, oo uu gadhkeeda ka tifiqleynayo, markaasaa kolba ay tidhaahda “…bal waayahaye maxaan u geystay…” hadana iyada oo hiq-hiqda haysa ayay tidhi: “… xataa lacagtii ay ku cabeen shaahii nuse-saacaha aniga ka bixiyay… sidani oo dhan inay iigu cadheysan yihiin hadii aan moodayo… Miyaan raaci lahaa… … …”, inantii kale ayaa ku tidhi: “… Naa iska aamus! Sadaqo ayaa kugu baxdaye! Bal cidlada ay kula tageen eeg… hadii aanay inantani ku arkeynin, maanta way ku gowrici lahaayeene…”
Labadii hablood ee inanta dilay, markii ba waa la qariyay, oo mid waxa ay u baxsatey Jabuuti, tii kalena Itoobiya ayay tagtay ayaa la igu yidhi.
Inantii la dilay iyada oo aad u dhiban, qoyskoodu masaakiin ayay ahaayeen, waa dad aan garanayninba cid ay ugu hagaagaan dhiigii inantooda, oo aan soo dhicisan kareynin xaqooda, xataa umay tagin naagihii dilay inanta reerahoodii, berri dambe ayuu u yimid inanta adeerkeed, oo carabta joogay, kadibna isagaa u qaaday dhakhtar dibada ah.
Berrigaasi ayaan anna xidh-xidhay, oo aan idhi halkani fadhi ma yaalo, Isha Cali Ka Lulata… waxa inantaa ku dhacay! adna berri ayuu kugu dhici, waxa aan galay safar aanan weligay ku fikirin waad geli doontaa, inta meelood ee aan maray tiro ma leh, waxa aan kayn iyo dhul qarfo ah dhex jibaaxay malayni maysid.