Ururkii Itixaadka

Ururkii Al-Itixaad Al-Islaam waxay si weyn ugu jabeen dagaalladii ay la galeen Cabdillaahi Yuusuf iyo hadhaagii jabhaddii SSDF ee deegaamada bari ee Soomaaliya badhtamihii 1992kii. Haddaba, ururka Al-Qaacida waxa halkan uga muuqatay baahiyaha jira iyo jabka soo gaadhay Al-Itixaad Al-Islaam, si ay hoggaanka ururka ugala wareegaan, maadaama xilligaas ay Al-Itixaad Al-Islaam u baahnaayeen taageero dhinac walba ah oo ay ka helaan Al-Qaacida. Xogo sir ah oo mar dambe la helay, sida uu qoray Cabdishakuur Mire Aadan, ayaa tilmaamaya in bishii July, 1992kii, kulan qarsoodi ahi ka dhacay Jabbuuti. Kulankan waxay Al-Qaacida soo bandhigtay taageero balaadhan haddii Al-Itixaad Al-Islaam ay aqbalaan in hoggaanka ururka la hoos geeyo Al-Qaacida. Sida xoguhu tilmaameen, Al-Itixaad Al-Islaam way ku gacan saydheen soojeedintaas, waxaanay sheegeen in ay yihiin urur madaxbannaan oo leh aragtiyo u gaar ah. Inkasta oo hoggaanka Al-Itixaad ay diideen codsigii Al-Qaacida, haddana Al-Qaacida waxay ku guuleysatay in ay ururka dhexdiisa ku yeelato xubno muhiim ah oo iyaga hoosta kaga xidhan oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Cabdillaahi Axmed Sahal (Abu Yaxya/ Aayatullaah) iyo Sheekh Xassan Cabdillaahi Turki.

Bishii December, 1992kii waxa Xamar yimid 1,800 oo askari oo Maraykan ah oo qayb ka ahaa hawlgalkii rejo soo celinta Soomaaliya. Raggii ugu muhiimsanaa ee aaminsanaa in Maraykanka lala dagaalamo waxa ka mid ahaa Sheekh Cabdillaahi Axmed Sahal (Abu Yaxya). Isagu waxa uu hore uga mid ahaan jiray ciidamada booliiska Soomaaliya. Waxa uu agaasimay unugyo uu u bixiyay Jabhadda Badbaadinta Islaamka, waxaanu gacantiisa midig ka dhigtay Cumar Cali Mire (Cumar Dheere/ Abu Jabal).

Imaatinka ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya waxa si adag uga horyimid Gen. Maxamed F. Caydiid oo ay hoggaanka dalka ku loollamayeen Cali Mahdi. Dhinaca kale, Sheekh Xassan Daahir Aweys oo ka mid ahaa saameeyeyaasha siyaasadda dhaqdhaqaaqyada Islaamiyiinta Soomaaliya waxa uu ka biyo diiday in lala safto ama la taageero Gen. Caydiid. Waxay aragtidii Xassan Daahir Aweys isbeddeshay markii uu safar ku tagay dalka Suudaan badhtamihii sannadkii 1993kii, halkaas oo uu kula kulmay Sheekh Xassan Cabdillaahi Turaabi, ka dibna sida la sheegay, waxa uu la sii kulmay hoggaamiyihii Al-Qaacida Osama bin Laden. Kulamadaas ka dib, Sheekh Xassan Daahir waxa uu u weecday dhinaca aragtiyihii Abu Yaxya iyo Abu Jabal oo ahayd in laga barbar dagaalami karo Gen. Caydiid. Tani waxay albaabada u furtay in dhalinyaro ku soo tababartay Afghanistan ay soo galaan gudaha Soomaaliya si ay Maraykanka ula dagaalamaan. Halkan ayaa laga falkiyay dagaalkii uu Maraykanku ku jabay, ka dibna uu kaga baxay Muqdisho.

Dhinaca kale, Cabdilaahi Sahal iyo ciidamadiisu waxay burburiyeen kiniisaddii Muqdisho horraantii 1994kii. Badhtamihii 1995kii Cabdillaahi Sahal waxa uu u tallaabay dhinaca Soomaali Galbeed si uu qayb uga noqdo hoggaaminta Al-Itixaad Al-Islaam Soomaali Galbeed. Ugu dambayntii bishii November 1995kii ayay dagaal gaadmo ah ciidamada Itoobiya ku dileen Cabdillaahi Sahal duleedka magaalada Jigjiga.

Waxa Qoray: Nageeye Cali Khaliif

Tixraac: https://www.facebook.com/Abwaan.Nageeye/posts/4926176654160469

error: Fadlan Lama Ogola !!
SOMALILAND MAANTA
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?