Askarigu waligiiba ha goolaaftamo’e bunkaaga iska cab!

Waa isla doonasho Illaahay’e, aniga oo gashan khamiis, woxogaa gadh ahna la baxay, ayaa waxa aan galay maalin maalmaha ka mid ah maqaaxi bunka laga cabo, markii aan fadhiistay, waxa aan arkay askari aad ii soo eegaya, oo kuleylka indhihiisa aad moodo leeb la soo ganay, qorigii ayaa uu soo rogtay, keebkii ayaa uu farta saaray, kolba inta uu soo kaco, ayuu hortayda mar-marayaa, wuxu goolaaftan sameynayo iyo cadhada haysa ma qiyaasi kareysid, aniga oo yaaban, oo leh Toloow! Askariga maxaad u geysatay, ayaan dhinacayga eegay, waxa fadhiya laba nin oo cad-cad, show iyaga ayuu illaalinayay, kadibna waxaan go’aan ku gaadhay in aan iskaga baxo meesha, hadana waxaan hoos isugu idhi: Waar mar hadii aanad wax dhib ah, oo aad wado, oo aad isku ogtahay jirin, askarigu waligiiba ha goolaaftamo’e bunkaaga iska cab, gaalka adigaa dhulka uga xaq lehe, xataa labadii nin ee cad-cadaa, ayaa inta ay baqdeen ku yidhi askarigii “Abdiii… cab… shaah…” waxay ka baqdeen in aan dareen iyo ficil ka qaato sidan uu askarigu u goolaaftamayo, oo hadii aanan marka hore wax dhib ah sameynayn, in aan imika ficil dartii ku sameeyo wax.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Fadlan Lama Ogola !!
Na Weydii?