Waar! Waa basaas Itoobiyaan ah…

Wixii iigu layaabka badnaa, ee aan ku arkay magaalada Addis Ababa 2010 waxaa uu ahaa; Meelaha maqaaxiyaha ah ee dhalinyarta Soomaalidu shaaha ka cabbaad marka aan tago, sida loo wada fadhiyo ee loo sheekaysanayo, ayaa uu imanayaa wiil Soomaali ah, marka uu fadhiisto, inamadii shaaha cabayay kolba mid ayaa kacaya, oo sheeganaya baahi meel uu ka soo dhamaysanayo, kadibna meesha waa lagu cidlaynayaa inankaasi, dhowr cisho markii aan dhacdadaasi la kulmay, ayaan waraystay innamadii mid ka mid ah, oo aan weydiiyay: “Marka uu ninkaasi inoo yimaado, maxaad u wada kacdaan? Wuxuu iigu jawaabay: “Waar! Waa basaas Itoobiyaan ah, inta uu ku soo ag-fadhiisto, ayaa waxaad ku hadlaysaan oo dhan uu u gudbinayaa sirdoonka, kadibna habeenimada ayaa ay askari kuugu soo daadanaysaa aqalka, adiga oo aan garanayn meel lagaa raacay iyo wax aad samaysay midna, dhallinyar badan ayuu dhibkaasi ku dhacay…”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Fadlan Lama Ogola !!
SOMALILAND MAANTA
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?