-يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُم مِّن ذَكَرٍ وَأُنثَى وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ
-أيها الناس، إن ربكم واحد، وإن أباكم واحد، كلكم لآدم، وآدم من تراب، إن أكرمكم عند الله أتقاكم، ليس لعربي فضل على أعجمي إلا بالتقوى، ألا هل بلَّغت؟ اللهم فاشهد
صحيح مسلم
روى أحمد (22978) عَنْ أَبِي نَضْرَةَ : ” حَدَّثَنِي مَنْ سَمِعَ خُطْبَةَ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فِي وَسَطِ أَيَّامِ التَّشْرِيقِ فَقَالَ : ( يَا أَيُّهَا النَّاسُ أَلَا إِنَّ رَبَّكُمْ وَاحِدٌ وَإِنَّ أَبَاكُمْ وَاحِدٌ ، أَلَا لَا فَضْلَ لِعَرَبِيٍّ عَلَى أَعْجَمِيٍّ وَلَا لِعَجَمِيٍّ عَلَى عَرَبِيٍّ وَلَا لِأَحْمَرَ عَلَى أَسْوَدَ وَلَا أَسْوَدَ عَلَى أَحْمَرَ إِلَّا بِالتَّقْوَى ، أَبَلَّغْتُ ؟ ) قَالُوا : بَلَّغَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ “.صححه الألباني في “الصحيحة(6/199
Rabbi Weynaa Oo Wanaagsanaaye isaga oo ina baraya awoodiisa iyo aqoontiisa aadka u xeesha-dheer, si Iimaanku inoogu kordho oo cabsida Rabbi ay aad inoogu weynaato, wuxuu aayadahani ku yidhi:
}- اللَّهُ الَّذِي جَعَلَ لَكُمُ الْأَرْضَ قَرَارًا وَالسَّمَاءَ بِنَاءً وَصَوَّرَكُمْ فَأَحْسَنَ صُوَرَكُمْ وَرَزَقَكُم مِّنَ الطَّيِّبَاتِ ۚ ذَٰلِكُمُ اللَّهُ رَبُّكُمْ ۖ فَتَبَارَكَ اللَّهُ رَبُّ الْعَالَمِينَ{ سورة الغافر ٦٤
}- لَقَدْ خَلَقْنَا الإِنسَانَ فِي أَحْسَنِ تَقْوِيمٍ{ سورة التين ٦
Waxa uu Rabbi Weynaa Oo Wanaagsanaaye aayadahaasi inoogu cadeeyay, in uu bini-aadamka u abuuray habkii ugu fiicnaa ama ugu quruxda badnaa, iyada oo waliba lagu sii kala xeel-dheer yahay fiicnaantaasi, oo dadka qaarkood ayaa Rabbi Weynaa Oo Wanaagsanaaye uu u kordhiyay quruxda muuqaalka, sida maalka iyo manaafacaadka kaleba loogu kala badan yahay, laakiin ogow Rabbi Weynaa Oo Wanaagsanaaye abuurkiisa iyo farsamadiisu marnaba fool-xumo iyo xumaan midna ma laha, in xumaan lagu sheego ama la karho ama la nacaana ma banaana… … … … … …
}فَسُبْحَانَ اللَّهِ حِينَ تُمْسُونَ وَحِينَ تُصْبِحُونَ | وَلَهُ الْحَمْدُ فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَعَشِيًّا وَحِينَ تُظْهِرُونَ | يُخْرِجُ الْحَيَّ مِنَ الْمَيِّتِ وَيُخْرِجُ الْمَيِّتَ مِنَ الْحَيِّ وَيُحْيِي الْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَا ۚ وَكَذَٰلِكَ تُخْرَجُونَ|وَمِنْ آيَاتِهِ أَنْ خَلَقَكُم مِّن تُرَابٍ ثُمَّ إِذَا أَنتُم بَشَرٌ تَنتَشِرُونَ|وَمِنْ آيَاتِهِ أَنْ خَلَقَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَاجًا لِّتَسْكُنُوا إِلَيْهَا وَجَعَلَ بَيْنَكُم مَّوَدَّةً وَرَحْمَةً ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ | وَمِنْ آيَاتِهِ خَلْقُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَاخْتِلَافُ أَلْسِنَتِكُمْ وَأَلْوَانِكُمْ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِّلْعَالِمِينَ|وَمِنْ آيَاتِهِ مَنَامُكُم بِاللَّيْلِ وَالنَّهَارِ وَابْتِغَاؤُكُم مِّن فَضْلِهِ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَسْمَعُونَ | وَمِنْ آيَاتِهِ يُرِيكُمُ الْبَرْقَ خَوْفًا وَطَمَعًا وَيُنَزِّلُ مِنَ السَّمَاءِ مَاءً فَيُحْيِي بِهِ الْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَا ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَعْقِلُونَ { سورة الروم ١٧–٢٤
Aayadahaasi ku jira Suurada Ruum waxa kale oo Rabbi Weynaa Oo Wanaagsanaaye uu ku xusay, waxyaabo badan oo Illaahay Weynaantiisa & Wanaagiisa ina tusaya, Aayada 22aad wuxu Rabbi Weynaa Oo Wanaagsanaaye inoogu sheegay, kala duwanaanshaha Midabada Dadka iyo Afafkoodu in ay ka mid yihiin Calaamadaha waaweyn, ee ina tusinaya Awoodaha kala duwan ee Illaahay……
Hadaba iyada oo ay sidaasi tahay, hadana waxa jira dad aan rumeynin Aayadahaasi, si ay ka tahayba; waa dad qawaday abuurtooda, dadkaasi qaarkood waxa aad moodaa, in ay Rabbigii abuuray u cadheysan yihiin, oo ay ku leeyihiin: Rabbiyoow Maxaad Sidan Noogu Abuurtay? Sidan aad Noo Abuurtay, Sidan Kale Ayaa Ka Fiicnayde… Waa gef hadalkaasi, waliba waa mid aad u weyn… bal waxa aad is-weydiisaa; Ma jiraa qof Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye Kula Soo Heshiiyay Abuurkiisa? Jawaabtu waa Maya!
Qof waliba waxaa uu soo dhashay/dhasha isaga oo aan ogeyn:
- Waalidka dhalay…
- Halka uu ku dhashay…
- Iyo sida abuurkiisu yahay…
Mar hadii Rabbi aanu kaa dhigin makhluuqaadka kale, ee mid xamaarta iyo mid afar-qaadaba leh, mar hadii uu kaa dhigay bini-aadam karaamo leh… … … waa in aad Rabbigii kuu gartay nimcadaasi u mahadnaqdo, oo aad si buuxda u rumeyso…
Hadaba Maxaa keena in uu qofku naco sida uu u abuuran yahay ama uu qawado abuurtiisa, oo uu ku qanci waayo sidii Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye uu u abuuray?
- Waxa keena qofka oo barbardhiga ama ku dhereriya abuurtiisa tu kale.
- Iyana waa su’aale, maxaa qofka ku kelifa ama u horseeda in uu abuurtiisa barbardhigo tu kale?
Waxa qofka ku kelifa is-barbardhigaasi waa laba mid uun:
- In uu Shaydaan u sheekeeyo, iyada oo qofkuna uu is-moodayo, in uu isagu fikirayo (Uf!, Bal Sidaad U Eeg Tahay Is-Eeg… Ish… …)
Ibliis wuxuu noqday makhluuqii u horeeyay ee sameeyay is-barbardhigaasi, waxaa uu abuurtiisa barbardhigay tii Nebi Aadam (عليه سلام), waxaa uu Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye hortiisa ka yidhi, [anigaa ka fiican Nebi Aadam…]
Bal yaa Ibliis(Alle Ha Fogeeyee) u sheegay in ay kala fiican yihiin Dabka iyo Dhoobadu, mise wax kale oo uu Ibliis ogaa ayaa jiray?
Hadii ay su’aashaasi ku hor timaado, waxaa inooga Jawaabay Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye, waxa uu yidhi:
[Ibliis wax uu dheeraa Aadam ma ay jirin, abuurkii aan abuuray dhulka iyo kii aan abuuray cirka, midna markhaati kama uu aheyn, oo sidii aan u abuuray waxba kama uu ogeyn, xataa isaga laftiisa markii aan abuuray, abuurtiisa waxba kama uu ogeyn, mana Ihi mid kuwa ambaday ka dhiganaya xoojin iyo taageerayaal…]
Hadaba sidee ayuu qofku uga bad-baadi karaa sheekooyinkaa uu Shaydaanku kaga cadhaysiiyo dadka qaarkood?
Nebi Muxamad(صلى الله عليه وسلم) waxa uu inoo sheegay, in uu qofku Shaydaanka Iska Naaro ama uu weysaysto, marka uu dareemo cadho ama in laabtiisa ay wax ka soo guuxayaan (Waswaas uu dareemo… … …)
Shaydaanku waxa uu qofka ka horgeynayaa Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye, oo waxa uu qofka ku hagayaa naar holcaysa, oo uu Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye u diyaariyay dad-xunka, qofka adkeysan kari waaya muddo kooban, oo maanta iyo berri ah ama 60 sanno oo uu qofkii og yahay dhib kasta oo ku qabsada adduunka, koleyba in uu ka dhimanayo, oo aanu ku waareynin, sidee ayuu ugu adkeysan doonaa Naar holcaysa… (ونعود بلله).
}إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا بِآيَاتِنَا سَوْفَ نُصْلِيهِمْ نَارًا كُلَّمَا نَضِجَتْ جُلُودُهُم بَدَّلْنَاهُمْ جُلُودًا غَيْرَهَا لِيَذُوقُوا الْعَذَابَ ۗ إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَزِيزًا حَكِيمًا {[Suurada Al-Nisaa Aayada 56] |
Bal u fiirso aayadahani uu Rabbi Weynaa Oo Wanaagsanaaye, kaga waramayo ahlu naarka iyo xaaladooda.
}وَمَنْ خَفَّتْ مَوَازِينُهُ فَأُولَئِكَ الَّذِينَ خَسِرُوا أَنفُسَهُمْ فِي جَهَنَّمَ خَالِدُونَ| تَلْفَحُ وُجُوهَهُمُ النَّارُ وَهُمْ فِيهَا كَالِحُونَ|أَلَمْ تَكُنْ آيَاتِي تُتْلَى عَلَيْكُمْ فَكُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ|قَالُوا رَبَّنَا غَلَبَتْ عَلَيْنَا شِقْوَتُنَا وَكُنَّا قَوْمًا ضَالِّينَ|رَبَّنَا أَخْرِجْنَا مِنْهَا فَإِنْ عُدْنَا فَإِنَّا ظَالِمُونَ|قَالَ اخْسَؤُوا فِيهَا وَلا تُكَلِّمُونِ{
سورة مؤمنون ١٠٢–١٠٨
{وَبَرَزُواْ لِلَّهِ جَمِيعًا فَقَالَ الضُّعَفَاء لِلَّذِينَ اسْتَكْبَرُواْ إِنَّا كُنَّا لَكُمْ تَبَعًا فَهَلْ أَنتُم مُّغْنُونَ عَنَّا مِنْ عَذَابِ اللَّهِ مِن شَيْءٍ قَالُواْ لَوْ هَدَانَا اللَّهُ لَهَدَيْنَاكُمْ سَوَاء عَلَيْنَا أَجَزِعْنَا أَمْ صَبَرْنَا مَا لَنَا مِن مَّحِيصٍ} سورة إبراهيم ٢١
Nolosha dambe ee Aakhiro waa nolol uu Illaahay Weynaa Oo Wanaagsaneeye inoo sheegay in ay tahay mid lagu waarayo, oo aan laga dhimanaynin, hadii uu qofkii Naarta galo iyo hadii uu Jannada galo-ba.
Hadaba marka uu shaydaanku qofkii ku kelifo inuu noqdo qof xun, diiwaankii ay Malaa’igtu qofkani ka qorayeenna uu xumaan buuxsamo, waxay qofkii iyo shaydaankii isku arkayaan Naarta, bal eeg sida uu shaydaankii ugu jawaabo qofkii.
Wuxuu ku yidhi: “… … …Waar waan idiin yeedhay! idinna wixii aan idiinku yeedhay ayaad qaadateen! Waar aniga ha I canaananina’e naftiina canaanta…”
}وَقَالَ الشَّيْطَانُ لَمَّا قُضِيَ الأَمْرُ إِنَّ اللَّهَ وَعَدَكُمْ وَعْدَ الْحَقِّ وَوَعَدتُّكُمْ فَأَخْلَفْتُكُمْ وَمَا كَانَ لِيَ عَلَيْكُم مِّن سُلْطَانٍ إِلاَّ أَن دَعَوْتُكُمْ فَاسْتَجَبْتُمْ لِي فَلاَ تَلُومُونِي وَلُومُواْ أَنفُسَكُم مَّا أَنَاْ بِمُصْرِخِكُمْ وَمَا أَنتُمْ بِمُصْرِخِيَّ إِنِّي كَفَرْتُ بِمَا أَشْرَكْتُمُونِ مِن قَبْلُ إِنَّ الظَّالِمِينَ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ{
سورة إبراهيم٢٢
Bal u fiirso Aayadahani-na; Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye wuxuu yidhi: “Qofyahoow! Maxaa kugu kalifay in aad ka hor timaado! Illaahaagii Wanaagsanaa, ee ku abuuray, ku habeeyay, ku dheeli-tiray, kadibna muuqaalkii uu isagu kuu gartay, kuu yeelay… … …”
}يَا أَيُّهَا الإِنسَانُ مَا غَرَّكَ بِرَبِّكَ الْكَرِيمِ|الَّذِي خَلَقَكَ فَسَوَّاكَ فَعَدَلَكَ|فِي أَيِّ صُورَةٍ مَّا شَاء رَكَّبَكَ{ سورة الإنفطار ٦–٨
Hadaba si aanu qofku adduunka ciil ugu noolaan, aakhiro-na u khasaarin, marka uu shaydaanku waswaas ku rido qalbigiisa, inta uu qofku shaydaanka iska naaro, Rabbigii ha xasuusnaado.
Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye way ka farxinayaan ereyadani, oo addoonkiisii ayaa Illaahay Weynaan iyo Wanaag uga markhaati kacay, sido kale Shaydaankana way ka oohinayaan, maxaa yeelay; shaydaan wuu raali-gelin kari waayay Rabbigii Abuuray, oo waxaa uu ku qanci waayay qaybtii iyo qoraalkii Rabbi Weynaa Oo Wanaagsanaaye.
Waxa aan galay halkii lagu weysaysanayay masaajidka, kadibna nin aan da’diisa ku qiyaasay 50-jir ama ka sii weynaa, ayaa inta uu kor u dhawaaqay waxa uu yidhi: “Alla! Alla! Waar bal nimankaa eeg, waar bal eeg… Allaa Nimanku cad-caddaa, waar ma arkeysay!!!!!!!!”, Illaahay cilmigiisu badanaa, nimankuu sheegayaa waa carruur yar-yar oo aabahood la socda, ka u weyni 10-jir muu gaadhin, kadib anigu maan hadlin, laakiin nin kale oo isna meesha fadhiyay ayaa ku yidhi: “Adeer waa ubaxii dalka’e inoo daa!”, kasii darane carruurtii sidii ay u soo socdeen waxa ay soo galeen masaajidkii, waliba halkii weysada ayaa ay noogu yimaadeen, carruurtii mid ka mid ah ayaa odeygii is-dul taagay, si uu uga sugo weysada, odeygii inta uu kii yaraa kor u eegay, kuye! “Waar maxaad naga soo eegaysaa… miyaad nala yaaban tahay… Yaa!”,kii yaraa muxuu odhani! Iska aamus! Hadana odeygii isaga oo aad u cadheysan ayuu ku celiyay intii: Miyaad dee nala yaaban tahay! Illaahay baa Sidan noo gartaye…
Wuxuu ka shaqeeyaa qalabka elektarooniga, dugsi umu gelin laakiin isaga ayaa is-baray, ninkaa maskaxdiisa iyo sida uu wax u fahmayo aad ayaad ula yaabaysaa, hadii uu u adeegsan lahaa wax wanaagsan, waxa uu kicin lahaa dayax-gacmeedyo, laakiin waxa mashquuliyay oo uu diiqad kaga jiraa sida uu u abuuran yahay, qofkii soo eega ba waxa uu is-leeyahay wuu kugu qoslayaa, cadhada uu u qabo dadka oo idil ma qiyaasi karayno, habeenka uu qayilaadda waayo, inta uu toori dheer iyo bud qaato, ayaa uu galaa meelaha mad-madaw ee marinka u ah dadka, inta qof ee uu waxyeelo u geystay tiro ma laha, meheradan uu ka shaqeeyo dadku way wada yaqaanaan, oo aad ayaa loogu xidhan yahay, marka ay saacadu gaadho 12-ka duhurnimo ayaa uu toosaa, inta uu qadeeyo, ayaa uu soo qaataa jaad badan, wuxuu qayilayaa ilaa salaada subax, kadibna wuu seexanayaa ilaa duhurka, sidaa ayaa uu u arkaa in uu is-kaga qarin karo eegmada dadka…
Waxa uu ka shaqeeyaa meherad ganacsi, oo uu muddo badan lahaa, meheradaa uskaga iyo madawga saaran miisaska iyo mafrashkeeda waxa ku dilaya wis-wis, meelaha qaarkood hadii aad taabato, waxa kaasoo raacaya lakabyo uskag ah, ma ogola in uu iska nadiifiyo meherada, kadibna maalin maalmaha ka mid ah, qof u soo galay ayaa wuxuu ka yaabay uskaga meesha yaala, waxa uu ku yidhi ninkii: “… Oo meeshan dhimatay… ee madoobaatay, ee wada uskaga ah…, maxaad iskaga qurxin weyday?”, isaga oo aad uga cadhooday weydiintaasi, waxa uu ugu jawaabay: “Waar sownigaa aniguba madaw, ee foosha-xun, sow ceeb maaha nin madaw oo meel qurux badan dhex joogaa, sow la ila yaabi maayo…”
- In uu qofku abuurtiisa qawado, waxa kale oo ku kelifi kara, waa qofkii oo lagu liido abuurtiisa ama uu qof kale wax ka sheego, isaga oo xumaan ku sheegaya ama ku ceebaynaya, markaa-na qofkii abuurtiisa wax laga sheegay, wuxuu abuurtiisa iska weydiinayaa su’aalo, taana waxa ka soo bixi kara, in uu qofku u jilco waxaa lagu sheegay, oo uu is-moodo in uu sidaa yahay… … …
xilligii aan ku jiray dugsigii hoose/dhexe, waxa aanu fasalka wada dhigan jirnay ardey aad u badan, oo mararka qaar waxa aanu gaadhi jirnay ilaa 70 ama 80 ardey, waxa aanu isku fasal ahayn dhowr ardey oo akhlaaq xun, waa kuwo aad u dhib badan, oo qab-qablayaal ah, waa intii ugu cawaandisaneyd, kuraastana kuwa ugu dambeeya ayay fadhiistaan, wax kale ma yaqaanaan laakiin dagaalka ayaa ay ku dhiiran yihiin, kamana xoog weyna ardeyda oo dhan’e, laakiin inta ay dhiiga isku kariyaan, ayaa ay baala-xoofto iyo hanjabaad kaaga cabsiinayaan, inta xiisada lagu jiro way sheekeynayaan, way qos-qoslayaan, marka xiisada laga baxo ee ay ardeydu qureec iyo saambuusaha soo cunayaan, iyagu dugsiga hareerihiisa ayaa ay sigaar ku soo cabayaan, macalimiinta badankooda mid walba magac iyo naaneys ay ku xantaan, ayay u sameeyeen, “calool istaag! Hoodh! Iyo magacyo kale oo badan………” dugsiga waxa ku ag taalay laag ay biyuhu maraan, oo dhir badan oo ciin iyo tiin u badani ku taalo, halkaasi ayaa ay kolba laba ardey inta ay isku diraan geynayaan, markaas ayaa ay midba hortiisa inta ay ciid yar tuulaan, kolba mid ku odhanayaan, adigu ka dumi tiisa, maad ka baqaysaa, kadibna marka midi dumiyo tii ka kale, ayay labadii ardey sidaasi ku dagaalamayaan, iyaguna kolba ka cabaada, ee la ritto, ayay ku qos-qoslayaan, hadhawna ku caayayaan “Sowkii Hebel kaaga cabaadiyay! Ee inta aad iga Qabtaay tidhi, aanu kaa qabanay…” buugta wax lagu dhigto iyagu way ka xaragoodaan, mar mar ayay soo qaataan mid ay duuduubeen, oo ay jeebada dambe soo galiyeen ama caloosha/shaadhka hoostiisa, iyaga oo aad moodo in buuga qaadashadiisu dhib ku hayo, marka ay ku arkaan adiga oo buug sita, way ku yasayaan, oo kugu soo qos-qoslayaan “Waaryaa! kuwanaa iyagu wax barta, kii calooshu taagnayd shalay muxuu idiin dhigay! Dadaala adeer! Oo wax barta!” kadibna ardeyda qaarkood ayaaba sidooda oo kale noqday, oo mooday in ay iyagu wanaagsan yihiin, marka imitixaanku soo dhawaado way ku sii balansanayaan “Hebeloow idinkaa farta la idin galiyaye… kkk! Kkk! Aad nooga shaqeyside! Kursiga halkaa sii fadhiiso…” Inta badan kaftan iyo salaan mooyaane anigu dhib kalamaan kulmi jirin, oo ardeyda fasalka kuwa ugu da’a yar ayaan ka mid ahaa, laakiin waxa aan arki jiray, ardeyda qaar ay nafta ku dhibeen, oo khaati ka taagnaa, waxyaabihii iigu layaabka badnaa, ee aan ka xusi karo ardeydaa akhlaaq xumadooda, waxa ka mid ah; waxa jiray ardey fasalka nala dhigan jiray, marka uu ardeygaasi soo galo fasalka, way ku qaylinayaan, miiska ayay tumayaan, qaar sacabka ayay tumayaan, waxa ay ku orinayaan ardeygii, iyaga oo qosol is riix-riixayaa, ayaa ay ku qaylinayaan Waraabeeeeeeeeeeeeee! Waraabeeee! Waraabeee! Waraabeeee! Ilaa inta uu ardeygaasi kursigiisa fadhiisanayo way caayayaan, bal waxaad sawirataa 80-ardey oo kugu oriyay, adiga oo fasalka hortiisa socda, waa wax aad u dareen kulul, oo aanu qofna u adkeysan kareynin, in kasta oo ardeygaasi uu indhihiisa ku arkayay, kuwii ku orinayay, hadana marka ay qaylinayaan, waxa la moodi jiray, in aan ardeyba ka hadhine, cod-dheerida iyo qaylada aadka u badan darteed, ardeygaasi waxa uu ahaa nin adag, umuu jixin-jixi jirin, isaga oo dhoola-cadeynaya ayuu kursigiisa iska fadhiisan jiray, in badan ayaa ay ardeygaasi sidaa ku sameeyeen, marka uu qoyskiisii ku noqdo, koley wuu u sheegayaa, wixii ardeydii fasalku ay ku sameeyeen maanta, isaga iyo qoyskiisu su’aalo badan ayay is-weydiinayaan “Marka ay Waraabe! Kugu leeyihiin miyay kaa wada qurux badan yihiin? Oo ma adiga oo kaliya ayaa ay sidaa kuugu oriyaan? Bal Maxaad u geysatay, ee ay waxaa kuugu sameynayaan?… …”