BILAWGII SOOMAALI-WEYN: MIDOWGII SOOMAALIDA WAQOOYIGA IYO KOONFURTA

Ingiriis 7-dii bilood ee uu gacanta ku hayay maamulka labada deegaan ee soomaali-waqooyi iyo soomaali-koonfureedba, oo ay dheerayd in Ingiriis uu iyana haystay dhulka Kiiniya oo waqooyigiisa soomaalidu degaan, xilligaasi oo ay soomaalidu heleen woxogaa nuuxsi-siyaasadeed ahi, waa marka ay bilaabmi doonto aragtida Soomaali-Weyn ama in soomaalidu yeeshaan hal maamul, maxaa yeelay; soomaalidii ku kala qob-qobnayd degaanadii ay haysteen maamulada ajanabiga ah ee kala duwan ayaa is-dhexgal sameeyay, taasi oo ay ogaadeen in ay wax badan oo dantoodu ku jirto ka wada shaqeyn karaan.

1-dii July 1960-kii waxa abuurmay baarlamaan ka kooban 123 xildhibaan, 90 xubnood oo ka yimid gollihii sharci-dejinta ee Soomaali-Koonfureed iyo 33 xubnood oo ka yimid gollihii sharci-dejinta ee Soomaali-Waqooyi, Mudane Aadan Cabdule Cismaan ayaa loo doortay Madaxweynaha ku-meel-gaadhka ah ee Jamhuuriyadda, sababta oo ahayd dastuurka oo kumeelgaadh ahaa, sugayayna in afti qaran lagu ansixiyo, waxa la go’aamiyay in aftidaas muddo hal sanno gudaheeda lagu qabto, taas ayaana keentay Madaxweynuhu inuu noqdo ku-meelgaadh, guddoomiyihii baarlamaanka mideysanna waxa loo doortay Mudane Jaamac Cabdullahi Qaalib, oo hore u ahaa Guddoomiyihii Barlamaankii Soomaali-Waqooyi ee ay shacabku doorteen, wuxu xilka hayey 4-sano ilaa March 1964.

Waxaa xusid mudan muddadii la diyaarinayey Dastuurkii 1960, xilligaas oo Soomaali-Koonfureed weli ku jirtay gacanta Taliyaaniga, in golaheedii sharci-dejinta (Assemblea Legislativa) magacii laga bedelay, loona beddelay “Assemblea Costituente” ama “Aljimciyah Al-ta’siisiyah”.

July/12/1960-kii waxaa lagu dhawaaqay xukuumad uu magaceedu yahay Jamhuuriyada Soomaalida (Somali Republic), oo ay ku midoobeen Soomaali-Waqooyi iyo Soomaali-Koonfureed, xukuumadan oo ku-meel-gaadh ahayd waxa loo igmaday in ay hal sanno xilka hayso, kadibna marka la dhameystiro dastuurka ay xildhibaanada gollaha baarlamaanku ansixiyaan, isla markaana ay xukuumada siiyaan codkii kalsoonida, sidii la filayay ee hagaagsaneyd, ee ahayd in talada loo qaybsado waqooyi iyo koonfur khalad ayaa galay, oo koonfur ayaa badsatay saamigii talada dalka, iyaga oo helay Madaxweynihii iyo Ra’iisal-wasaarihii dalka, halka reer waqooyi ay heleen Ra’iisal-baarlamaan aan saamayn badan lahayn.

Hadaba sidee khaladkani ku dhacay? Qodobadan ayaan ku soo ururiyay:

  • Waxa khaladkani bar-bilaw u ahaa kala badnaantii xildhibaanada baarlamaanka, oo mar kasta oo cod loo qaado kuraasta muhiimka ah, waxa helayay koonfur oo 90 xildhibaan haysatay, halka waqooyi ka lahaayeen 33 xildhibaan.

Hadaba si loo saxo khaladkaa kala badnaanta xildhibaanada, waxa ay ahayd in la qaato taladii xisbigii SOU ee Cumar Carte hogaamin jiray, taasi oo ahayd in la is-leekaysiiyo tirada xildhibaanada, lama qaadan taladaasi, kolkaa qaabka kale ee loo sixi lahaa khaladkaasi waxa uu ahaa, in marka Madaxweynaha codka loo qaado ee ay koonfuri ku guuleysato ileyn 90-koodii xildhibaan ayaa u codeyne, uu madaxweynahaasi kursiga 2-aad ee ugu saameynta badan talada dalka uu siiyo waqooyi, maxaa yeelay; Ra’iisal-wasaaraha cod baarlamaan isagu kuma soo baxaynin ee magacaabid madaxweyne ayuu ku imanayay, xalkii sidaa ayay u garteen waxgaradkii xilligaasi soomaali u arriminayay, bal amarka Illaahay waxa kanna soo galay khalad kale oo ah:

  • Xafiiltan qabiil oo soo dhex galay laba reer oo ka tirsan Reer-Sheekh-Isaxaaq oo kala ah Garxajis iyo Subeer-Awal.

Koonfuri waxa ay u soo sharaxeen madaxweyne Aadan Cabdule Cismaan, waanu ku guuleystay codkii gacan-taaga ahaa ee baarlamaanka, waxa Aadan Cadde u qorsheysnayd inuu Ra’iisal wasaare u magacaabo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ah nin ka dhashay beesha Isaaq gaar ahaan Subeer-Awal, kadibna waxa sidaa diiday reerka Garxajis ee beesha Isaaq, kuwaasi oo galay olole ay kaga horjoogsanayaan in Cigaal loo magacaabo Ra’iisal-Wasaare, magacaabidda Ra’iisal-Wasaaraha waxa ka horeysay doorashada gudoomiyaha baarlamaanka, kolkaa waxa ay sameeyeen in ay soo sharaxaan nin garxajis ah oo baarlamaanka u noqda gudoomiye, hadii nin Isaaq ahi uu gudoomiye baarlamaan noqdo, waxa meeshaa ku buraya in nin Isaaq ah oo kale loo magacaabo Ra’iisal Wasaare, waxa xafiiltankaa ka heshay kanshe ay ku cidhiidhsato booska Ra’iisal-wasaaraha beesha Daarood, kuwaasi oo xoojiyay ama taageero u fidiyay damacii reerka garxajis ee ahaa in ay Jaamac Cabdilaahi Qaalib ka dhigaan gudoomiye baarlamaan, kadibna 123-kii xildhibaan ee baarlamaanka intii daarood ahayd, oo ay ku jiraan xildhibaanadii waqooyiga intii ahayd Dhulbahante, Warsangeli iyo weliba 7-Garxajis ah ayaa loo diyaaray in ay u codeeyaan Jaamac Cabdilaahi Qaalib, markii uu Cigaal ka warhelay in xafiiltankaasi jiro, oo kursigii Ra’iisal-wasaaraha laga ciideynayo, waxa uu isna galay olole uu markii u horeysay ku soo saaray magac ku cusbaa dhagaha soomaalida oo ah Dir, waxa uu ururiyay dhamaan xildhibaanadii baarlamaanka intii aan ahayn Daarood, waxaanu kula heshiiyay in ay ka codeeyaan Jaamac Cabdilaahi Qaalib, se waa laga cod batay, waxaana gudoomiyihii baarlamaanka ku soo baxay Jaamac Cabdilaahi Qaalib oo ah nin ka soo jeeda reerka Garxajis ee beesha Isaaq, halkaana waxa ku buray rajadii ahayd in Aadan Cade uu Ra’iisal Wasaare u magacaabo Cigaal, taa bedelkeedana waxa uu Aadan Cade u magacaabay Ra’iisal wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo Daarood ah.

Xukuumadii u horeysay ee uu soo dhisay ra’iisal-wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxa ay noqotay sidan hoose:

Aadan Cabdulle CismaanMadaxweyneHawiye
Cabdirashid Cali SharmarkeRa’iisul wasaareDaarood
Cabdi Xassan BuuniRa’iisul Wasaare ku-xigeenGadabursi
Axmed Xaji DucaleWasiirka BeerahaIsaaq
Maxamed Ibrahim CigalWasiirka DifaacaIsaaq
Garaad Cali Garaad JamacWasiirka TacliintaDaarood
Cabdiqaadir (Soobe)Wasiirka MaaliyaddaRaxanweyn
Cabdullahi Ciise MaxamudWasiirka Arrimaha DibaddaHawiye
Sheekh Cali JimcaleCaafimaadka & XoolahaHawiye
Sheekh Cabdule MaxamudWarshadaha & GanacsigaDaarood
Cali Maxamed HiraweWasiirka WarfaafintaHawiye
Cabdirisaaq Xaaji XusseenWasiirka Arrimaha GudahaDaarood
Maxamud Axmed MaxamedWasiirka CaddaaladdaHawiye
Cabdi Nuur Maxamed XussenWas. Shaqada & GaadiidkaRaxanweyn
Cusman Maxamed IbrahimWasiirka Hawlaha GuudDaarood

July/22/1961 waxa la ansixiyay dastuurkii, maxaa yeelay; waxaa dhamaaday halkii sanno ee xukuumadii ku-meel-gaadhka ahayd, waxa sida oo kale ay baarlamaankii cod u qaadeen xukuumad cusub, waxa ay mar kale u doorteen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan, iyada oo gudoomiyihii baarlamaankana uu weli ku jiro muddo xilleedkiisii 1960 ilaa 1964.

Madaxweyne Aadan Cadde wuxuu mar kale Ra’iisul wasaare u magacaabay Cabdirashiid Cali Sharmaarke, kadib Cabdirashiid wuxuu July/27/1961 soo magacaabay gollihii wasiirada ee labaad, kuwaasi oo kala ahaa:

Garaad Cali Garaad JaamacWasiirka BeerahaDaarood
Sheekh Cali IsmaaciilWasiirka DifaacaIsaaq
Maxamed X. Ibrahim CigaalWasiirka TacliintaIsaaq
Cabdulqaadir (Zoobe)Wasiirka MaaliyaddaRaxanweyn
Cabdullahi Ciise MaxamedWasiirka Arrimaha DibaddaHawiye
Sheekh Cali JimcaleWas. Caafimaadka & ShaqadaHawiye
Sh. Cabdullahi MaxamudWas. Warshadaha & GanacsigaDaarood
Cali Maxamed HiraabeWasiirka WarfaafintaHawiye
Cabdirisaaq Xaaji XusseenWasiirka Arrimaha GudahaDaarood
Maxamud Axmed MaxamedWasiirka CaddaladdaHawiye
CabdiNur Maxamed XussenWas. Bulshada & IsgaadhsiintaRaxanweyn

Halkaa marka uu xaal marayo, waxa bilaabantay qabyaalad iyo in la isu tirsado, oo la kala sheegto wasiiradii xukuumada, kadib waxa khasab ku noqotay ra’iisal-wasaarihii in uu isku-shaandheyn ku sameeyo gollihiisii wasiirada, si loo qanciyo cabashooyinkii qabiileysnaa, kolkaa Nov/19/1962 ayaa uu hadana xukuumad cusub soo dhisay Cabdirashiid Cali Sharmarke, oo sidan ahayd:

Garaad Cali Garaad JaamacWasiirka BeerahaDaarood
Hilowle Macalin MaxamedWasiirka GaashandhiggaDaarood
Yusuf Ismaaciil SamatarWasiirka WaxbarashadaIsaaq
Cabdiqaadir ZoobeWasiirka LacagtaRaxanweyn
Cabdulaahi Ciise MaxamedWasiirka Arrimaha DibaddaHawiye
Maxamud Axmed MaxamedWas. Shaqaalaha & CaafimadkaHawiye
Xaji Ibrahim Cismaan FoodWas. Ganacsiga & WarshadahaIsaaq
Cali Maxamed HirabeWasiirka WarfaafintaHawiye
Maxamud Cabdi Nuur (Juuje)Wasiirka Arrimaha GudahaDir
Axmed Geele XassanWasiirka Cadaalada & DiintaHawiye
Cabdirisaq Xaaji XuseenWas. Isgaadhsiinta & BulshadaDaarood

29-April 1961 Ra’iisal-wasaarihii soomaalida Cabdirashiid Cali Sharmaarke isaga oo ka waramaya yoolka ama siyaasada soomaalida ee soomaali-weyn waxa uu yidhi: Nasiibdarada na haysataa waxa weeyi, in wadamada afrika ee aanu deriska nahay, ee ay tahay in aanu ka shaqeyno xidhiidh saaxiibtinimo iyo mid nabadgelyo oo aanu wada yeelannaa, aanay ahayn shisheeye, se waxa deriskayagu yahay soomaali aanu wada dhalanay, oo dhalashadoodii ay ka been-sheegtay soohdin aan loo miidaan deyin, waxa aanu wadaagnaa af, hab-nololeed, dhaqan iyo diinba. Markaa side ayaanu walaalahayo uga dhigi karnaa dad shisheeye ah.

Hadaba dawladaa dhalatay waxay markiiba bartilmaameed ka dhigatay wixii labada dhinac ku heshiiyeen, oo ahaa in soomaali midowdo meel ay joogtaba, oo la dhiso gaashaanbuur soomaaliyeed, taasi oo keentay in xabashidii liqi waayeen dhismaha jamhuuriyadii soomaalida iyo damicii soomaali-weyn ee ay yoolka ka dhigteen, kadibna xabashidu waxa ay hirgeliyeen qaraar ka dhan ah damicii soomaali-weyn, kaasi oo sida Cumar Carte Qaalib qabo uu boqorkii xabashida ee Xayle Salaase, isaga oo adeegsanaya galaangalkiisii siyaasadeed uu abaabulay xeerkii ay midowga afrika OAU-du ku ansixiyeen Addis-Ababa 1964-kii, xeerkaasi oo dhigayay in xuduudaha afrika lagu daayo sidii uu isticmaarkii kaga tagay.

Waxa xusid mudan in xabashidu ay soo qaadeen duulaan balaadhan, oo ay doonayeen in ay ku qabsadaan soomaali-waqooyi sanadkii 1964-kii, iyaga oo weerar ka soo qaaday labada aag ee magaalooyinka Wajaale iyo Ina-Guuxaa, se duulaankaa waa lagu jabiyay xabashida, waana dagaalka uu ku dhintay geesigii Xallane, oo isaga oo calankii soomaaliyeed kor u haya ay xabad ku dhufteen xabashidu, waxa qorshaha xabashidu ahaa in ay qabsadaan dhulkii uu Minilik ku qoray warqadii uu u diray reer yurub, dhulkaasi oo ah deegaanada Subeer-Awal, Gadabuursi iyo Ciise.

Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) oo ahaa saraakiishii u horeysay ee ciidankii booliska, oo ka waramaya sidii uu xaalku ahaa ayaa wuxuu yidhi: Markii ay socdeen wada-hadalladii Ingiriiska iyo Itoobiya ee lagu doonaayay in gobolka Soomaali Galbeed lagu wareejiyo Itoobiya, Ras Makonnen oo ahaa Xayle Salaase aabbihii, waxa uu Ingiriiska si xooggan u waydiistay in Itoobiya lagu wareejiyo dhul balaadhan oo ay ku jirto ilaa caasimadda Somaliland ee Hargeysa, dhinaca kale; boqorkii Itoobiya ee Xayle Salaase waxa uu geed walba u fuulay sidii aanay Jamhuuriyaddii Soomaalidu xorriyad u qaadan lahayn, markii dadaalladaasi guuldarraysteen, waxa ay Itoobiya ku dadaashay in Jamhuuriyadda Soomaalidu ay noqoto mid aan lahayn wax ciidan ah oo difaaci kara, sida oo kalena ay noqoto dawladda ugu tamarta daran ee adduunkaba ka jirta.

Sannadihii 1950-meeyadii markaas oo soomaali-koonfureed ay xukumaysay dawladii Wasaayada Qaramada Midoobay ee Talyaanigu, waxa dhalinyaro kooban oo Soomaali ah loo qaaday dalka Talyaaniga si ay u soo qaataan tababar militari, boqorkii Itoobiya ee Xayle Salaase, waxa uu abaabul ka bilaabay dawladaha reer Galbeedka dhexdooda, isaga oo ka codsanaayay in dawladda Soomaaliyeed ee mustaqbalka dhalan doontaa, marnaba aanay yeelanin wax ciidamo militari ah, iyaga oo fulinaaya damaca iyo rabitaanka Itoobiya; qaar ka mid ah dawladaha reer Galbeedku, waxay Soomaalida u sheegeen, in dawladdooda mustaqbalku aanay awoodin dhaqaale ahaan, in ay dhistaan ciidamo militari.

Cabdillaahi Ciise oo ahaa Raysalwasaarihii dawladdii daakhiliga ahayd; waxa uu ku dadaalay in uu qariyo waxa ay Soomaalidu damacsan yihiin ilaa maalinta xorriyadda la qaadan doono lagu dhawaaqo, markii Qaramada Midoobay ay ku dhawaaqeen maalinta xorriyadda, saraakiishii ugu horraysay ee loo tababaro ciidamada militariga Soomaaliya ayaa laga soo wareejiyay booliiska, raggaas waxa ka mid ahaa Maxamed Faarax Caydiid iyo Cabdillaahi Yuusuf Axmed, raggaasi waxaa ay udub-dhexaad u noqdeen dhismaha ciidamada militariga Soomaaliya, waxaana si rasmi ah loo aasaasay ciidamada militariga ee Soomaaliya bishii April/12/1960kii, waa xilli aan weli xorriyaddii la qaadanin.

Sanadkii 1964 bishii March waxa la qabtay doorashadii gollaha baarlamaanka oo ahayd tii ugu horreysay ee ka dhacda Jamhuuriyadii Soomaalida, taasi oo laga qabtay guud ahaan dhulka Waqooyi iyo Koonfurba, laguna soo doortay xubnihii gollaha sharci-dejinta.

Markii doorashadii qabsoontay waxaa guddoomiyihii gollaha sharci-dejinta loo doortay Mudane Axmed Sh. Maxamed Cabsiiye, oo ahaa xildhibaan laga soo doortay degmada Berbera, wuxuu xilkaasi hayay March/26/1964, ilaa March/4/1966.

March/8/1966 ayaa xilkii guddoomiyenimada gollaha sharci-dejinta laga wareejiyey Axmad Sheekh Maxamed Cabsiiye, waxaana loo doortay Mudane Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen, oo markii horena ahaa gudoomiye ku-xigeennada gollaha, xilkaasi waxa uu isna hayay ilaa March 1969.

Sanadku markii uu ahaa 1967-kii ayaa gollihii baarlamaanku madaxweyne u doorteen Cabdirashiid Cali Sharmaarke, kadib Cabdirashiid waxa uu ra’iisal-wasaare ka dhigay Maxamed Ibraahim Cigaal, taasi oo noqonaysa in markii u horeysay ay Jamhuuriyadii Soomaalidu u qaybsatay labadii xil ee ugu sareeyay dalka Waqooyi iyo Koonfur.

Sanadkii 1969 bishii March waxaa dalka ka dhacday mar kale doorasho lagu soo doortay xildhibaanada gollaha sharcidejinta, kadibna waxaa gudoomiye mar labaad loo doortay bishii March 1969 Mudane Sheekh Mukhtaar, isaga oo xilkaa hayey ilaa 21 Oktoobar 1969, doorashadaasi oo qaabkii loo maamulay keentay ceebo badan, qabyaaladuna ay xadhkaha goosatay, waxa ka dhashay in ciidamadii dalku ay afgembiyeen dawladii,  iyaga oo la wareegay taladii dalka, oo gebi ahaanba laalay xeerarkii iyo dastuurkii hore, waxa ay ciidamadu soo saareen xeer ka kooban 13-qodob kaasi oo noqday bar-bilawgii kacaanka.

Maxamed Siyaad Barre

Waxa ay ciidamadu nidaamkii hore ku badaleen, mid ay u bixiyeen Kacaan, kacaankaasi waxa hogaanka u qabtay Sareeye-Gaas Maxamed Siyaad Bare, oo markaasi ahaa; mid ka mid ah saraakiishii ugu darajada sareeyay ciidankii xooga Soomaaliya, waxa kale oo ay sameeyeen golle ka kooban 5 xubnood, oo ay u bixiyeen gollaha sare ee kacaanka, waxa ay qab-qabteen oo xidheen dhamaan madaxdii rayidka ahayd ee ka tirsanaa dawladii ay af-gembiyeen.

Shantii xubnood ee golaha sare kacaanka, oo gacanta lagu sawiray.

Waxa kacaanku isna talada dalka hayay muddo ku siman 21 sanadood, waxa u suuro galay maamulkaasi in ay fuliyaan waxyaabo badan, oo markaasi bulshada u lahaa qiime weyn, waxqabadkii kacaanka waxa ka mid ahaa: –

  • Qoritaankii farta Soomaaliga (1972-kii).
  • Abaabulkii iyo kicintii Soomaalidii ku hoos jirtay gacanta gumaysiga.
  • Dhisitaanka ciidan aad u badan, oo haysta hub ku filan.
  • Warshado badan oo ay hirgeliyeen.
  • Waxbarashadii dalka oo ay horumar ku sameeyeen.
  • Samaynta nidaam adag, oo cabsi ku dhisan, kaasi oo bulshada u horseeday woxogaa deganaansho ah.
  • Iyo ta u muhiimsan oo ahayd, in ay bulshadii ku dhalliyeen qiiro wadan jacayl.

Waxaa se dhacday in waxqabadkaasi aanu noqon mid bulshadu ku waarto, maxaa yeelay; hor-joogayaashii iyo hawlwadeenadii kacaanku, waxa ay noqdeen qaar ku sifoobay kalitalisnimo, xeerarkoodii iyo hab-dhaqankoodiiba waxa ay noqdeen kuwo kakan, waxa in badan oo dadka ka mid ahi dhaliileen qaabkii ay dawladani wax u waday.

Maamulkii kacaanku uma uu dhago-nugleyn dhalliilahaasi in uu wax ka qabto, waxa ay u arkayeen in ay iyagu quman yihiin, kuwan wax dhaliilsanina ay qaldan yihiin.

Waxyaabaha kale ee ka indho saabay horjoogayaashii kacaanku in ay wax ka qabtaan tabashooyinkii bulshada waxa ka mid ahaa, kacaanka waxa u dhisnaa ciidan aad u xoogan, oo ay u arkayeen in uu ku filan yahay, mucaaridad kasta oo lagala hor yimaado.

Talaabooyinkii kacaanku qaaday qaarkood waxa ay noqdeen hordhacii iyo bar-bilowgii burburka, waxa kacaanku ururiyay dadkii dayacnaa ee darbi-jiifka iyo garacda u badnaa, kadibna waxa laga dhigay ciidamadii dalka, waxa loo bixiyay Guul-Wadeyaal, bal waxa aad sawirataa qof ciil hayo, oo aad u cadheysan, oo dadkii uu ugu cadheysnaa in ay dayaceen lagu yidhi, waxaad u tahay Guul-Wade, Bal Adba! talaabooyinka uu qaadayo qofkaa cadheysani maxay noqon karaan, Dee waa in uu ka ciil-baxo…

Sheeko: waxay tidhi maalmihii faraha badnaa ee Oktoobar iyo bilaha kale-ba lahaa marka la gaadho, guul-wadeyaasha ayaa subaxii ku soo kalihi jiray xaafadaha, aqalka ayay kugu soo garaacayaan Dam! Dam! sida ay u garaacayaan ma sibaa, waxa anaga inta badan noo iman jirtay Faadumo Kacaan iyo Jaamac Gunti, markaasaa hadii aad hore uga furi waydo ay aqalka soo shiidayaan, hadii aanad dhagaxaanta aqalka hortiisa taala ku shubin nuurad, oo aanad aqalka hortiisa rusheynin, subaxaasi balaayo ayaa kugu dhacaysa, maalmahaa dabaal-dega dadka waa la soo wada dareerin jiray, oo inta aqalka laguugu soo galo, ayay Faadumo Kacaan iyo Jaamac Gunti cay iyo hanjabaad kugu miisayaa, Soo Baxa Xunyahaw Xunku Dhalay, Aabihiin Fut… …… inta qadaadka lagu qabto ayaa hore laguu tukhaan-tukhinayaa, lama hadli kartid, oo hadii aad is-xariifiso koofiyad-castii iyo hangashtii ayaa halkan taagan, oo ay kuugu yeedhayaan, hadii  aad cadhootana waabay kuu soo milikhsanayaan, oo kolba hore ayaa laguu riixayaa Soco Xunyahaw Xunku Dhalay… Aabahaa… adiga oo cadho bakhtiisan, hadana waa in aad iska qosliso, oo iyada oo Faadumo-Kacaan ay cayda kugu miisayso, waa in aad u qososho, oo adigu aad la kaftanto.

Marka banaanbaxa la tago, hadii aad sacabka aad u tumi waydo, oo aad jiibta iyo jaanta badin waydo, maraqaaga ayaa furin lagu dhuuqayaa, guul-wadeyaashii, nabad-sugidii iyo dhar-cadii ayaa dadka sidaa u dhex mushaaxaya, meesha ay arkaan in aan sacab laga tumaynin, waxa ay odhanayaan “Halkaa Qudhmistii ayaa ku jirta…” Alla maxaanu wax soo aragnay! Dad inkaaran bay ahaayeene, waa tii Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye inaga qabtay…

Sheeko: Waxa uu yidhi: Askari ayaa kufay, kadibna wuu ku qoslay, inta la xidhay ayaa lagu soo oogay dembi uu ciwaankiisu yahay: Ku-Qosle Askari Kufay! Bal Adba…

Sheeko: Inta uu muraaqooday ayuu yidhi: Waaryaa! Waar Illaahay aynu u mahadnaqno, taraawiixdii ayaynu tukanaynaa, bal eeg waxa dhalinyar iyo ciroole is dhex fadhiya, saacada bal eeg xiliga ay tahay, waa 9-kii habeenimo oo wax yar la’a, Alxamdu Lilaah, dhalinyaradu waxba garan mayso’e, ninkii weyni wuu garanayaa wixii ina soo maray, casarka 3-da galabnimo ayaa la xeroon jiray, oo qof waliba aqalkiisa tegi jiray, hadii aad soo baxdo waa lagu xidhayaa, maantana barwaaqadaasi ayaynu ku jirnaa, habeen iyo maalinba weynagaa iska socon-na, dugsiyadii ayaa aynu hablaheenii oo asturan, oo sidii aad la jeclayd inta aad ugu sii labisto aad geynaysa kacaankii waxaa lama aqoon, hadii aad hablaha asturto, waa la soo eryayaa, adigana waa lagu xidhayaa, allaah maxaynu wax soo aragnay.

Maxamed Siyaad Bare iyo Kacaankii uu hogaaminayay qaladkii ugu weynaa ee ay galeen, waxa uu ahaa samayntii xeerkii qoyska Sanadkii 1975-Kii, xeerkani waxa uu si toos ah uga hor yimid Aayado Qur’aan Kariimka ku jira, waxa uu xeerkani qaloociyay Aayadihii sheegayay hab-qaybsiga Dhaxalka, waxa ku xusnayd xeerkasi: “Ragga iyo Dumarku way Siman yihiin xaga Dhaxalka”

}يُوصِيكُمُ اللَّهُ فِي أَوْلادِكُمْ لِلذَّكَرِ مِثْلُ حَظِّ الأُنثَيَيْنِ فَإِن كُنَّ نِسَاء فَوْقَ اثْنَتَيْنِ فَلَهُنَّ ثُلُثَا مَا تَرَكَ وَإِن كَانَتْ وَاحِدَةً فَلَهَا النِّصْفُ وَلأَبَوَيْهِ لِكُلِّ وَاحِدٍ مِّنْهُمَا السُّدُسُ مِمَّا تَرَكَ إِن كَانَ لَهُ وَلَدٌ فَإِن لَّمْ يَكُن لَّهُ وَلَدٌ وَوَرِثَهُ أَبَوَاهُ فَلأُمِّهِ الثُّلُثُ فَإِن كَانَ لَهُ إِخْوَةٌ فَلأُمِّهِ السُّدُسُ مِن بَعْدِ وَصِيَّةٍ يُوصِي بِهَا أَوْ دَيْنٍ آبَاؤُكُمْ وَأَبْنَاؤُكُمْ لاَ تَدْرُونَ أَيُّهُمْ أَقْرَبُ لَكُمْ نَفْعًا فَرِيضَةً مِّنَ اللَّهِ إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمًا  { سورة النساء ١١

Maalintii lagu dhawaaqayay waxa uu Maxamed Siyaad Bare jeediyay khudbad aad u foolxun, oo uu Qur’aanka ku jees-jeesayo, waxa uu yidhi Maxamed Siyaad isaga oo khudbadii ku gudo jira: “Waxa jirtay in la yidhaa: Sulus, Wal Khumus, Wal Sudus, Wal Jinni, Jaale waxaasi ma soconayaan…”  Waxa ay ahayd khudbad aad uga nixisay dad badan oo muslimiin ah, culimo badan ayaa ka kacday masaajidada, oo ka soo hor jeestay xeerkaasi, culimadii ka dhiidhiday qaladkaa diinta laga galay, waa la qabqabtay kadibna waxa lagu xukumay dil, muddo kadibna waaba la dilay dhamaantood, Bal Adba!

قَالُوا لَن نُّؤْثِرَكَ عَلَىٰ مَا جَاءَنَا مِنَ الْبَيِّنَاتِ وَالَّذِي فَطَرَنَا ۖ فَاقْضِ مَا أَنتَ قَاضٍ ۖ إِنَّمَا تَقْضِي هَٰذِهِ الْحَيَاةَ الدُّنْيَا [سورة طه الايه ٧٢]   

Culimadii la laayay magacyadoodii waa kuwani:

  • Sh Axmed Sh Maxamed Xaaji Cusmaan
  • Sheekh Axmed Iimaan
  • Sheekh Muuse Yuusuf
  • Sheekh Maxamed Siyaad Xirsi
  • Xasan Ciise Jilibey/Iley
  • Cali Jaamac Xirsi
  • Cali Xasan Warsame
  • Yaasiin Cilmi Cawil
  • Aadan Cali Xirsi
  • Suleymaan Jaamac Maxamed

Waxa xilligaasi uu isbedel ku yimid hogaankii xabashida, taasi oo boqorkii Xayle Salaase uu bakhtiyay, kadibna waxa xilkii xabashida u sareeyay la wareegay dibjir la yidhaa Mingiste Xayle Maryan, kaasi oo waxyaabihii uu sameeyay aynu ka xusi karno, inuu hawlgeliyay dibjirtii soomaalida ahayd ee bidixda fog kuwaasi oo aynu hore u sheegnay in uu Xayle Salaase diyaariyay uguna talo-galay inay iyagu shaadhka la xidhaan soomaalida, waxay dibjirtaasi dhex yaaceen oo ay ku milmeen siyaasadii soomaalida, guulo waaweyn ayay u soo hooyeen xabashidii ay adoomaha u ahaayeen.

Mingeste Xayle Maryan

Waxa iyana socday dadaal ay xukuumadii Maxamed Siyaad Bare ugu jirtay soo-celinta rajadii soomaali-galbeed, iyaga oo rabay inay ka gaadhsiiyaan isbadalkaa ku yimid hogaankii Xabashida, waxa la diyaariyay jabhad loo bixiyay Jabhada Xoreynta Soomaali-Galbeed, waxa ay jabhadaasi ka dhex dagaalami jirtay gudaha dhulka soomaali-galbeed, waxa saad iyo saanad ciidanba siin jirtay dawladii soomaalida, waxa mararka qaarkood dhici jirtay in ciidankii xooga dalka soomaaliya ay qaadi jireen dagaalo ay kaga barbar dagaalamayaan walaaladood soomaali-galbeed, hadaba markii ay taariikhdu ahayd 1977-kii ayaa ay toos u galeen ciidamadii xooga dalka soomaaliya gudaha dhulka soomaali-galbeed, waxay muddo gaaban ku xoreeyeen ilaa iyo magaalada qadiimiga ah ee Dir-Dhabe, waxa u dhinnaa oo kaliya in ay qabsadaan magaalooyinka Herer iyo Hawaas, si ay u soo xidhaan xuduudkii ku teedsanaa webiga Dir.

Waxa ciidankii soomaalidu ka galeen soomaali-galbeed laba dhinac oo kala ah aaga Wajaale ee waqooyiga iyo aaga Doolo ee koonfurta, ciidankii xaga waqooyi ka galay oo uu hogaaminayay Generaal Galaal guulo waaweyn ayay soo hooyeen oo waxay socdeen ilaa Dirdhabe, se ciidankii ka galay aaga Doolo oo uu hogaaminayay Cabdilaahi Yuusuf Axmed, qorshahooda dagaalkuna ahaa inay dhex maraan gobolka Baali, oo ay magaalada Adis-Ababa kaga yimaadaan xaga koonfureed, ciidankaasi hore wuu u dhaqaaqi waayay, sida Ambaasador Cawil Cali Ducaale uu ku sheegay barnaamijka Xusuus-Reeb, Korneyl Cabdilaahi Yuusuf oo ka mid ahaa saraakiishii ku kacsaneyd dawladii Maxamed Siyaad Bare ayaa xanibay ciidankaasi, isaga oo aaminsanaa inuu ku xumeeyo Maxamed Siyaad Bare, barnaamij kale oo weriye Cabdisalaan Hereri uu ka duubay Cabdilaahi Yuusuf Axmed, waxa uu ku calaacalay: “Waagaa waxaan ahaa nin dhalinyar ah, hadii aan moodayo in dalku sidan noqonaya, dawlada ma mucaarideen, inqilaabna iskuma dayeen, anaa dalka isaga bixi lahaa…

CabdulRaxmaan Aw-Jibriil Bahdoon, waxa uu ku jiray xabsiga Itoobiya 41-Sano, Itoobiyaanku waxay qabteen dagaalkii 1977-kii, waxa ay soo daayeen 2018-kii, ninkani sida laga sheegay; markii uu yimid degmadiisii Gebilay, ayaa loo sheegay in maanta Itoobiyaankii laga dhigtay walaal, oo xidhiidh iyo wada-shaqeyn lala leeyahay, kadibna waxa uu yidhi: Hadaa Igu Celiya Jeelkii, isaga oo liqi-waayay, cadawgii uu 41-ka sanno u xidhnaa, ayaa walaal u noqday Soomaalidii uu dartood ugu jiray mudadaasi jeelka…

Geesiyad Soomaaliyeed Oo Soo Qabatay Askari xabashi ah.

Kolkii ay xabashidii hor-istaagi kari waayeen xoogii soomaalida, waxa ay sidii caadada u ahayd qaylo-dhaan u dirsadeen Ruushka iyo midowgii shuuciyiinta, waxa loo soo diray ciidan aad u tiro badan oo Kuubaan iyo Ruushba leh, kuwaasi oo cirka iyo dhulkaba ka soo weeraray ciidamadii xoogii soomaalida, intii uu dagaalku socday ayaa waxa Jeneraal Galaal laga badalay hogaamintii aaga waqooyi, waxa lagu badalay Korneyl Cabdilaahi Sheekh Cismaan Ciro, waxa uu Korneyl Ciro ku amray ciidankii soomaalida in ay dib ugu noqdaan magaalada Jigjiga, kadibna u-qaadan-waa iyo niyad-jab ayaa ciidankii ku abuurmay, waxaana askartii uga soo baxeen aagagii dagaalka si habqan ah, waxaanay isku soo wada shubeen Jigjiga.

Caydiid Jaamac Xirsi
Korneyl Cirro

Hadaba markii uu Korneyl Ciro dhamaan ciidankii aaga waqooyi ku soo ururiyay Jigjiga, waxa ka dhacay halkaasi dhacdo aad u argagax badan, oo noqotay mid gabi ahaanba niyad-jab iyo naxdin ku abuurtay ciidankii marka horeba la soo han-jabiyay, Korneyl Ciro wuxuu ku amray ciidankii uu isugu keenay Jigjiga in guuto kasta keento askartii ugu dagaalka fiicneyd, kadib sida uu sheegay Caydiid Jaamac Xirsi oo ka mid ah askartii goob-jooga ahayd, dhowr & sideetan askari ayaa la soo xulay, oo ahaa labeentii ciidanka iyo ragii wacdaraha ka dhigay dagaalkii xabashida lala galay, waxa la geeyay degaanka Garab-Case oo magaalad Jigjiga u jira woxogaa, waa meel fagaare ah oo banaan, kadibna waa la laayay dhowr iyo sideetankii askari, waxa kaliya oo ka badbaaday Caydiid Jaamac Xirsi oo ay guutadiisii ku soo dareen liiska.

Korneyl Cirro iyo Korneyl Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxay ku heshiiyeen oo marka horeba u go’aan ahaa, inay af-gembi ku sameeyaan Maxamed Siyaad Bare, iyaga oo qorshahoodu ahaa in ay 12/April/1978 fuliyaan, kolkaa in Cabdulaahi Yuusuf Axmed uu magaalada Iimay ku xanibo ciidankii uu hogaaminayay, isla markaa Korneyl Ciro-na uu ciidankii aaga Waqooyi niyad jebiyay, markii uu ka soo saaray dagaalka iyaga oo guushii waxyari uga hadhay, kana dilay 82 askari oo xul ah, iyagoo labada Korneylba u sheegeen ciidanka xog qaldan, oo ah in amarka uu Maxamed Siyaad Bare soo bixiyay, waxa khiyaamadaasi ay uga jeedeen in ciidamada ay ku kiciyaan dawlada, oo ay ciidanku kala qayb galaan af-gembiga ay maagan yihiin, se umuu suurto gelin af-gembigaasi waanu ka fashilmay, 9/April/1978 ayaa uu Korneyl Ciro iyo askartii la waday ay isku dayeen in ay magaalada Muqdisho ka fuliyaan, se muddo gaaban ayaa uu Maxamed Siyaad Bare ku soo af-jaray, waxa la qabtay Korneyl Ciro iyo 14-sarkaal oo la waday af-gembiga, halka uu Korneyl Cabdilaahi Yuusuf baxsaday, 26/Oct/1978 ayaa lagu fuliyay xukun dil ah markii uu Korneyl Ciro qirtay dembigii lagu soo eedeeyay.

Waxa intaa kadib kordhay dhalliilihii bulshadu ku arkayeen kacaanka, waxa sida oo kale batay, oo tiradoodu maalinba maalinta ka dambeysa korodhay dadkii diidanaa dawladu qaabkan ay wax u wado, kadibna waxa holcay kacdoono hubaysan, oo lagaga soo horjeedo kacaanka, Korneyl Cabdulaahi Yuusuf ayaa ugu horeeyay, oo ku dhawaaqay jabhad fadhiisin ka dhigatay dhulkii ay xabashidu haysteen ee Soomaali-Galbeed.

Waxaa ay xabashidii ka faa’iideysteen kacdoonnadaasi hubeysan, ee ay horkacayeen siyaasiyiin iyo saraakiil Soomaaliyeed oo diidanaa qaabka Maxamed Siyaad Bare dalka u maamulo, waxa ay xabashidii hub iyo saad ba ku xoojiyeen jabhadihii, si ay Jamhuuriyaddii Soomaalida u dhabar-jebiyaan, jabhadihiina si ay u kasbadaan shacabkii soomaaliyeed waxay ka dhigteen halkudhig dulmiga dooni mayno, waxa jabhadahaasi ka mid ahaa kuwani:

  • SSDF (Somali Salvation Democratic Front)
  • SNM (Somali National Movement)
  • USC (United Somali Congress)
  • SPM (Somali Patriotic Movement)
  • SDM (Somali Democratic Movement)

Jabhaddii u horeysay, uguna hub iyo saad badneyd oo ahayd SSDF, waxa hogaaminayay Korneyl Cabdulaahi Yuusuf Axmed, xabashidu si weyn ayay u caawiyeen oo tababar iyo taakulaba way la garab joogsadeen, dagaalo ay magaalooyinka xuduuda ku yaala ku qaadeen ayaa waxa ay ku qabsadeen labada magaalo ee Galdogob iyo Ballanbale, kadibna xabashidii ayaa calankoodii ka taagay, halkaasi waxa ka soo baxay is-af-garanwaa, markii jabhadii SSDF ay xabashida u sheegeen in labadaa magaalo ay yihiin dhul Soomaaliyeed, kadibna xabashidu waxa ay xidheen hogaamiyihii jabhadda Cabdulaahi Yuusuf Axmed, jabhadii SSDF-na sidaa ayaa ay kaga baxday halgankii ay kula jirtay Dawladii Kacaanka ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

Jabhadii SNM hadii aynu soo qaadano, waxa ku jiray rag badan oo ahaa siyaasiyiin, saraakiil ciidan iyo salaadiin-ba, badankoodu waxaa ay ahaayeen dadkii tabashada siyaasadeed qabay, kuwaasi oo xilligaa u muuqday kuwo ka quustay in tabashadooda wax laga qabto, waxay iyaguna sameeyeen in ay tabashadii ay qabeen u rogaan cabasho dad-weyne, iyaga oo marar badan isku dayay in ay dadka ku kiciyaan dawlada, si waxa ay rabaan koonfuri u dhageysato, kacdoonkaasi dadka la kicinayay waxa iyaguna si dadban ugu lifaaqnaa cadawgii bidixda fog, oo iyaga ay mar kasta door u aheyd burburka soomaalidu.

Nidaamka jabhadayntu waa mid khasaare badan, in maamul la dumiyo, kadibna bilaw laga soo qaado mid cusub, waa wax aad u dhib badan, oo la filan karo in dhiig badan ku daadan doono, Rag Talo Kama Soo Wada Dhamaatee waxa ka door-rooneyd in maamulka oo sidiisaa u taagan talada lagala wareego, maxaa yeelay; raggii jabhadaha hogaaminayay badankoodu askar ayaa ay ahaayeen, Jeneraal Maxamed Jaamac Warsame oo ku magac-dheer (Jeneraal Fadhi-Ku-Salaan) ayaa barnaamijka xusuus-reeb ee HCTV ka baxa, si cad uga sheegay, in uu Kornayl Maxamed Kaahin oo markaa waday abaabulkii SNM, uu ku yidhi: “Waar aniga ayaa Ina Siyaad Barre dilaya, oo sidii Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo kale u galayee, idinku lacag soo ururiya…” kadib lala qaadan waayay taladaasi.

Waxa dumitaanka dalka kaba daran, marka ay xabadu bilaabanto, waxa dhacaya in dad badani bartaan hubka iyo sida nafta loo gooyo, hadhawna ay adkaaneyso sidii loogu qancin lahaa, in ay ku noqdaan xaaladii deganaanshaha, oo hubka ay soo xareeyaan, maxaa yeelay; qofka inta ay naftu agtiisa wax culus ka tahay, ayaa nabadgelyo iyo degenaansho lagu qancin karaa.

Waxa horjoogayaashii jabhada SNM ay abaabuleen, ciidan ay ku soo qanciyeen, in ay la dagaalamaan ciidamadii kacaanka u dhisnaa, ee Maxamed Siyaad Bare ka amar qaadanayay.

Ciidamadii kacaanku waxaa ay ahaayeen kuwo aad u badan, oo tababarkooda iyo taakuladooduba ay aad u sareyso, waxaa na dadka qaarkii ku sheegi jireen, in ciidamadii kacaanku ka mid ahaayeen, kuwa ugu tiro badan uguna horumarsan Qaaradan Afrika.

Ciidamadii Xooga Dalka Somaliya oo gaardis ku maraya wadada.

Iyada oo warkaa laga wada dheregsan yahay, ayaa hadana jabhadii SNM waxa u fududaatay, in ay urursadaan ciidan u dagaalamaya aragtidooda.

Waxa dadyowga iyo dalalka horumaray lagu yaqaan, mar walba hormuudkoodu iyaga oo ixtiraam u haya, oo difaacaya, oo taageersan, aragtiyihii fiicnaa ee ay dadkoodii ka horeeyay qabeen, se jabhadihii la dagaalamayay Maxamed Siyaad Bare waxa ay qaateen go’aan aad uga soo horjeeda aragtiyihii ay qabeen waxgaradkoodii ka horeeyay, waxa ay hoos fadhiisteen Itoobiyaankii aynu ka soo warannay, sidii ay isku ahaayeen waxgaradkii noolaa 1960-ka wixii ka horeeyay, waxaa halkaa inooga muuqata, Itoobiya inay Jabhadaha u ogolaatay, markii ay ka xaqiijisay, in aan wax damac ahi kaga jirin, dhulka Soomaali-Galbeed ee ay xooga ku haystaan, iyo in la iloobo dhiigii badnaa ee soomaali kaga daatay soo celinta dhulka cadawga ku maqan.

Axmed Sulaymaan Dafle oo ahaa madaxii NSS-ta (National Security Service ama Nabad Sugidda Kacaanka), waraysi uu siiyay Somali National-Tv, waxa uu qiray oo xaqiijiyay, in xukuumadii kacaanku aannay go’aanadooda inta badan qiimayn jirin timaadada iyo waxay keeni karto, oo ay jibbadu ku badnayd, taasina waa waxa ay dadka in-dhow-garadka ahi dhaliisha ku leeyihiin, in aanay inta badan qiimaynin waxa soo socda, ee loo guntado sidii looga hawlgali lahaa xaalada goortaasi taagan, waana ta keentay in meelaha ay maangaabku ka taliyaan xaga horumarka ka dambeeyaan dadyowga kale ee adduunka kula nool, maxaa yeelay; waxa suurtagal ah arrin dhacay iyada oo aan la gorfeynin, sida looga falcelinayaa, ay sabab u noqon karto, in uu boqol sanno bulshadaasi dib u celiyo go’aankaasi.

Dani waa seeto, oo mar walba wixii ay dantu ku baddaa waa lama huraan, jabhaddii SNM waxay go’aansatay, in ay la dagaalamaan Maxamed Siyaad Barre, maxaa yeelay; waxa uu noqday askari helay awood badan, oo uu ku dagmay, Ibraahim Meygaag Samater oo ka mid ahaa hormuudkii SNM ayaa sheegay, markii ay qiimeeyeen sidii uu kacaanku wax u waday, in ay la noqotay, in lala dagaalamo kacaankaa ay askartu hogaaminayeen (ka akhri buuga milicsiga dagaalkii dhexmaray SNM iyo Siyaad Bare)

Jabhadii SNM waxa ay dagaal naf-bax ah la gashay dawladdii Maxamed Siyaad Bare, oo ciidankeedu kor u dhaafay boqol kun, taas oo saad iyo saanad ciidanba urursanaysay muddo ku siman kow iyo labaatan sanno, waxa ay si is-maqiiq ah SNM ku soo gashay gudaha magaalooyinka waaweyn ee Burco iyo Hargeysa, iyada oo dadku baraad la’a yihiin, ayaa uun bay ku war heleen jugta iyo dhawaqa hubka kala duwan, waxa ay ciidamadii Kacaanka iyo kuwii SNM isku dhex qabsadeen dadkii rayidka ahaa, ee aan dhaadayn sida wax u socdaan, waxaana dadka qaarkood laga reebay hal-ku-dheg ah Idin kala garan mayno’e guuleysta, taasi oo ku tusaysa sida xaalku ahaa.

Sida ay xusaan madaxdii SNM qaarkood, dagaalkii jabhadii SNM ay gudaha ugu soo gashay dalku, wuxuu ahaa mid aan qorshahooda ku jirin, oo ka dhashay heshiiskii Maxamed Siyaad Bare iyo Mengiste Xayla Maryam ku gaadheen Jabuuti, ee ahaa in arrinka jabhadaha labada dal soo af-jaraan, kolkaa cabsi ay ka qabeen in Itoobiya ka qaado hubka, oo ay u dhiibaan Maxamed Siyaad Bare, ayaa keentay in ay isku soo tuuraan gudaha dalka, se taasi cudur-daar uma noqon karto xasuuqii ba’naa ee ka dhashay dagaalkii kediska ahaa, ee ay iyagu ka dhex bilaabeen magaalooyin iyo deegaano ay ku nool yihiin dadka ay yidhaahdeen waxaanu u nahay hiil.

Ciidankii Kacaanka waxa lagu amray in dadka iyo jabhadaba ay is-raaciyaan, oo aanay u aaba-yeelin cidna, waxa ka markhaati ah sidii ay dagaalka u wadeen, iyaga oo marar badan dugeyn iyo madaafiic toos ah la dhacayay dad baxsad ah, oo dagaalka ka ordaya, waxaana ka marag-kacay mas’uuliyiin dhowr ah, oo ka tirsanaa madaxdii Kacaanka, sida CabdiRaxmaan Guulwade Madaxii Booliiska iyo Maxamed Cabdi Yuusuf Ra’iisal Wasaarihii Cabdi Qaasim Salaad Xasan

Ciidankii Kacaanku waxa ay u garaaceen dadkii iyo dalkiiba si arxan daran, oo aad moodo in aanay uba arkeynin dadkan ay laynayaan iyo degelkani ay burburinayaan, kuwii ay u xil-saarnaayeen ilaalintiisa, hubkii ay hayeen ayay ku faaruqiyeen, guryihii iyo goobihii ay jabhadu ku dhuumaaleysanayeen.

Waxay SNM u taqaanay ciidamadii dawlada naanaysta “Faqash”, sida uu ii sheegay Prof. Faarax oo ah dadka aadka u qiimaha badan ee Somaliland jooga, wuxuu yidhi: “faqash waa nooc ka mid ah socodka, oo qofka kibirsan ee isla weyn ayaa u socda, waa socod deg-deg iyo gucleyn iskugu jira, oo qofku marka uu dadka yasayo, ayuu socodkaa faqash-faqashta ah sameeyaa …”

Dagaalkii wuxuu socdaba, waxay rasaastu reento oo ay rugleysaba, waxa ay iskula dhaadhaceen aakhiro, waxa dagaalkaa ku dhintay dad badan oo la jeclaa, oo mid waliba bulshada door muhiim ah ka joogay, oo qaarkood ahaayeen guurtiidii bulshada u qaabilsaneyd odayeynta iyo xallinta khilaafaadka gaarka ah, waxa kale oo ku naf waayay xoogii bulshada, sida; aqoonyahannadii, garyaqaanadii, macalimiintii iyo maati badan.

Waxa ku burburay hanti qiyaastii kor u dhaaftay malaayiin, oo isugu jirta mood iyo noolba, hantidaasi oo la kab-kabayay muddo aad u badan, laakiin khasaaraha dagaalkaasi keenay, waxa ugu weynaa oo ay ka sinnaayeen dadkii soomaaliyeed, gaar ahaan kuwii ku noolaa meelihii dagaallada xoogoodu ka dhaceen wuxuu ahaa, habdhaqankii iyo sidii ay dadku u fikiri jireen, oo gebi ahaanba meesha ka baxay, taas oo xanibaad ku noqotay, in dadku ay dib u dhistaan nolol cusub.

Sheeko: Waxay tidhi: “Markii dagaalkii xoogeystay ayaanu iskaga baxnay Hargeysa, waxaanu u dhaqaajinay xaga waqooyi, sidii aanu u soconay markii aanu ku dhawaanay biyo-shiinaha, ayaanu maqalnay hadalo buuq ah, Allaahu Akbar waaba dadkii naga soo horeeyay, ee iyaguna ka soo qaxay Hargeysa, oo ku wada hoos naban geedaha hoostooda iyo xusaska, way nagu soo qaylinayaan, waxa ay nagu leeyihiin: “Naa naga fadhiista… Inkaar idinku dhacdaye… naga fadhiista” waxay noo sheegeen in dharka aanu xidhanahay midabkooda oo cad ay diyaaradu soo eeganayso, waxa ka sii daran markan ay na soo habaarayeen waxa ay qarinayeen indhaha iyo afka, iyaga oo leh cadaanka indhaha iyo ilkahana diyaaradu way soo arkaysaa, anagu umaanu joojin, waanu iska soconay [Nafi Orod Bay Kugu Aaamintaa] sidii aanu u sii soconay, ayaa waxa na soo garab gashay qof dumar ah, oo gucleynaysa, waxa ay ku cel-celinaysaa gumbur-sheekh-doon halkee ayay iga xigtaa… waxa ay u socotaa si shaki leh, dhinaca galbeedka ayay isku barbarinaysaa, show waa basaasad waxay hoosta ku sidataa wax diyaarada ay ku soo hageyso, markii aanu dhaafnay biyo shiinaha, ayaanu maqalnay jugta iyo dhawaqa madaafiicda, dadkii geedaha ku hoos jiray ee aanu soo dhaafnay ayaa ciidamadii lugta ee faqashtu ugu dul yimaadeen geedihii iyaga oo ku hoos naban, kadibna way xasuuqeen, alla nimanku axmaqsanaayaa, oo naxariis darnaayaa, marka ay soo tuurayaan madfaca, waxa ay isku jirsiinayeen cabir ay ku qiyaaseen baxsadka qofka, marka uu meel ku dhaco, dadkii wey wada yaacayaan, hadana ka kale waxa ay u jirsiinayaan in ku qiyaasan cararkii dadka, mid kulama seegayaan! Axmaqiin! Waxaa aan xasuustaa anaga oo madfaca kaga dhuumaneyna jiridaha, ayaa ku nin ah oo isna meesha joogay inta uu cabsi-hadlay yidhi: “…Oo naa madfaca ma dhagax baad moodeysaan, ileyn geedka iyo dhulkani oo dhan wuu gubayaaye!!!” miskiin! hada isaga laftiisu geed buu ku hoos jiraa, oo ku dhuumanayaa, wuu salbabakhay…


Sheeko: Waxay tidhi: “Mar mar ayaanu si dhuumasho ah ku soo gali jirnay Hargeysa, si aanu aqalka uga soo qaadano wixii aanu aad ugu baahano, hadaba mar aanu soo yar noqonay, oo aanu magaalada ka soo galnay dhinaca waqooyiga, oo ay S-tu haysteen, waxaanu aragnay wax aanu la yaabnay, waqooyiga Hargeysa waxa daadsana askartii faqashta, oo tiradooda aanad qiyaasi kareynin badnida, oo soo wada kambadhuudha, sida aad u moodeyso inay nool yihiin, oo ay dhufeyska kuugu soo jiraan, waaba wada meyd, waxa aanu is-weydiinay! Inamadan yaryar ee S-tu waxani oo ciidan ah may laynine, Toloow! Faqashtii!!! ma cadaab ayaa samada kaga yimid… … … … … … …”


Sheeko: Waxa uu yidhi: “Waxaanu degenayn Maluugta, oo Hargeysa waqooyi kaga beegan, waxa noo yimid ciidamadii faqashta, kadibna aqalkii inta ay galeen ayay baadheen, maxay ka heli aqal miyi ku yaala, oo buul qoryo ka sameysan ah, mid baa aqalkii ka helay baasliin aanu xaraqa dhaxanta iska marin jirnay, kuye! Boowe waa Subag Saafi ah, oo cod-cod ah, waaka cunay baasliintii, kkk… waar ileyn qosol looma dhinto, anaguna kama qabano umana sheegno, kolba inta uu farta geliyo, ayaa uu kuus weyn soo darsadaa, oo uu liqaa! Cajiib! Ilaa uu madhiyay caagadii yareyd muu dhigin…”


Sheeko: Iyada oo qosol ilmeynaysa, oo leh Huuno Rabiiloow ka bibo! ayaan weydiiyay waxay uga jeedo hadalkaasi, waxay tidhi: “Waxaan xasuustay berigii faqashtu ina laynaysay, ayaa Gebilay ay faqashtu kaare jiidhsiiyeen nin, kadibna walaalkii oo arkayay markii la jiidhsiinayay, ayaa isaga oo ordaya u yimid ku sadexaad, oo isna ay walaalo ahaayeen, markaasuu ku yidhi: “Huuno Rabiilooow! Ka Bibo! Allaale ayuu Bushuqsadaye!


Sheeko: Waxaa ay Tidhi, markii uu dagaalku dhacay dadku waxaa ay moodayeen marka woxogaa xabadu dhac-dhacdo inay iska dhamaan doonto, kadib meelahan magaalada duleedkeeda ayay dadku wada joogeen, oo waxa la naawilayay in xabadu joogsato, laakiin markii ay xabadii joogsanba weyday, ee kolba kolka ka dambeysa ay sii xoogeysato uun, ayaa dadkii kuwada qanceen, in aanu dagaalkani si fudud ku dhamaaneynin, kadibna annagu waxa aanu go’aansaney in aanu ku yar noqono magaalada, si aanu raashin aanu saad ka sii dhigano uga soo qaadano tukaan weyn oo aanu ku lahayn magaalada, si dhuumasho ah oo aanu kolba geed iyo gidaar isku looxayno ayaanu ku galnay magaaladii, markii aanu tukaankii gaadhnay, ee aanu is-nidhi gala, waxa aanu aragnay wax naga yaabiyey, waaba askartii SNM oo ku dhex jirta tukaanka, oo inta ay xusulada ka leefeen cunaya wixii tukaanka noo dhex yaalay, markaanu weydiinay “Waar waa maxay Dee, ma idinkiibaa na dhacaya, Kuye! Intii ay faqash idinka cuni lahayd, ka warama hadii innamadiinii idiin cuneen… Cajiib!!!”

Sheeko: Wixii iigu layaabka badna, ee aan arkay, markii dib loogu soo noqday Hargeysa waxaa uu ahaa: kaabayaashii nolosha 99% way baaba’een, waxa ka soo hadhay huube, waxa taasi ka daran aqal keliya oo jiingadu saaran tahay ama aqal keliya oo alaab dhex taalaa muu jirin, waa la fadhataystay guryihii, waxaa magaaladii ka soo hadhay gidaaro ja-jabay iyo xashiis buux dhaafiyay burburka dhexdiisa, xashiishkaasi oo ay ka mid ahaayeen hadhaagii rasaasta iyo qalabkii askartu ku dagaalamayeen, waxa meelo badan yaalay miino, dad badan oo dagaalada aan ka qaybgelin waxay ku dhinteen, qaarkoodna ay ku dhaawacmeen miinooyin ku qarxay.

Wax uun baa haday dawlad yihiin, laysla dayi lahaaye,

ma ogola dad-weynuhu, wixii goostay daahyada.

Ereyadii: Abwaan Gaariye

Sheeko: Xasuus aad iyo aad u foolxun ayuu dagaalkaasi kaga tagay maanka dad aad u tiro badan, waxaa nu dadka qaarkood ku noqday dagaalkaasi boog aan bogsanayn, waxyaabihii dhacay intii uu dagaalku socday waxaa ka mid ahaa dhacdadani: –

Waxa uu yidhi: Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa waxay ciidamadii dowladii kacaanku qabteen dad fara badan, oo rag iyo dumar, yar iyo weynba lahaa, kuwaasi oo ka qaxayay dagaalka, kuna sii jeeday dhinaca dhulkii Itoobiyaanku haysteen, ciidankii Siyaad Bare oo habdhaqankooda aad looga deyrin jiray, waxay ku amreen dadkii qaxayay ee ay qafaasheen, in nin kasta oo ka mid ahi, uu ka sinaysto gabadha ugu dhow, kadibna hadalkaasi wuxuu dhimbiil ku noqday, oo uu ka degi waayay nin odey ahaa, oo ku jiray dadkan la qabtay, maxaa yeelay; odeygaasi gabadha ugu dhow, ee ag joogtaa waa inantiisii, oo uu doonayay in uu kala talaabo xadka…

Kadibna markii uu arkay, in foolxumadaasi ay askarta dhab ka tahay, oo uu arrinku qadhaadh yahay, ayaa waxaa afkiisa ka soo baxay, hadal maanta noqday mahadho ama dhaxal, waxaanu yidhi: “Adeer hadeydaan ka dayneyn, dee dadku sida uu isku qab-qaban karayo, hala isku saar-saaro…”

Mar kasta oo dawladii siyaad bare la soo hadal qaado, waxa dadka intii ogeyd ay soo xasuustaan, dhacdooyinkii iyo sheekooyinkii kala duwanaa ee xanuunka badnaa, oo hadaladii ninkaa odeyga ahaa ka tagey, ayaa ka mid ah mahadhooyinkii dagaalkaasi…

Sheeko: Cabdiraxmaan Guulwade oo ahaa Taliyihii Booliiska ee ugu dambeeyay xilligii ay dagaaladu soo bilaabmayeen ilaa burburkii dalka, ayaa ay wareysi la yeelatay ShabeeleTV, waxay su’aal ka weydiiyeen in uu jiray xasuuq ama dagaal ay ciidamadii xooga dalka soomaaliya ku qaadeen dad rayid ah oo waqooyi ku nool, waxa uu ku jawaabay: “… Dad baa diyaarad lagu garaacay waa run, Dad baa la laayay waa run, waa jiraan waxaasi oo dhami, laakiin ogow dawladna ma ogolaan karto in soofareenitigeeda la soo faro-gashado, mingiste ayaa waxa uu soo galiyay jabhadii gudaha wadanka, markaa ma waxa aad kula talin lahayd ciidanka inay soo kala cararaan, maya! dalka mareykanka waxa ka dhacay koox ayaa meel isku-urursatay dawlada ayay ka soo horjeedeen, kadibna meeshii ayaa lagu gubay dhamaan midna kama bixin, magaalada los angelis ayaa nin lagu garaacay waxa ka dhashay mudaharaad rabshad wata, waxa loo diray ciidanka, kadibna xabad ayay ku bilaabeen, markii 200 oo qof ay dileen ayaa kuwii mudaharaadayay iska fadhiisteen…” hadal aad u yaab badan ayuu ahaa, intani waa hadalo ka mid ah wareysigaasi, CabdiRaxmaan Guulwade wuxuu si cad u sheegay wax in badan ay sheegidiisa ka war-wareegi jireen saraakiishii soomaaliyeed, oo ah in xasuuq jiray, waliba uu iyaga la qumana, oo in dadka la laayo ay u arkayeen sidii toosnayd, tusaaleyaasha uu soo qaatay ee kala ahaa dad la gubay iyo kuwo tiro badan laga laayay, ayaa aad ka arkeysaa heerka garaadkoodu taagnaa iyo sidii ay u fikirayeen dadkii xilligaasi talada gacanta ku hayay.

Sheeko: Markii aan ku jiray waxbarashadii dugsiga sare, maalin uu noogu jiray casharka, macalinkii noo dhigi jiray taariikhda(History), ayaa waxa laga xaday shandad yar oo ay waraaqihii uu wax ku dhigayay ugu jireen, kadib macalinkii aad ayaa uu u cadhooday, ilaa uu gaadhay in uu ardeydii fasalka oo dhan uu eedii dusha ka wada saaro, mar dambe ayaa uu is-ogaaday, in uu qaldamay, oo qofka xaday dee waa mid ama laba, laakiin ardeyda kale hadii aanay ogeynba goor la xaday iyo cid xaday toona, waxa ay aheyd qalad in uu dhamaantood tuug ku wada qoro, kolkaa si uu macalinkaasi nooga raali-geliyo qaladkaa ka dhacay, waxa uu tusaale noogu soo qaatay hadalkani: Wuxuu yidhi: “… Hadii adiga oo meel maraya uu ku dhirbaaxo askari xidhan direyskii askarta, oo kuwii kalena ay ku arkayaan, waxa aad u cadhooneysaa askarta oo dhan, oo waxa aad odhani way is-og yihiin, oo dhaqankaasi waa mid ay ka mideysan yihiin… … …”

Hadaba tusaalahaasi waa wax jira, oo arrinkaasi mid u muuqaal eeg ayaa qeyb ka ahaa burburkii Jamhuuriyadii Soomaaliya, dadkii ka ag-dhawaa Maxamed Siyaad Bare waxa ay sheegeen in uu ninkaasi ahaa mid jecel dalkiisa, laakiin dhibka uu geystay ee sababta u noqday in uu dalkii burburo marka hoos loogu daadago, waxa soo baxaya in ay maamulkiisa ku jireen dad  badan oo Ciil-Abuurayaal ah ama Dhan-Xiir ah, waa dad isagana u raxleeya, oo weji fiican iyo dadaal weyn tusiya, dadkii kale ee dalka la lahaana cabudhiya, oo ciil iyo cadho ku abuura, [Hadii aad xafiis uga baahato warqad laguu saxeexo ama lagu shaambadeeyo, warqadaasi oo aad muhiim ugu ah noloshaada, kadibna qofkii xafiiskaasi fadhiyay uu saxeexiisii iyo shaambadii xafiiska kugu gumeysto, oo uu ku meer-meeriyo (beri soo noqo, bishu marka ay inta noqoto soo noqo, iwm) ama uu laaluush bixi ku yidhaahdo amaba uu si cad kuugu diido, cid aad ka soo dacweysoiyo meel kale oo aad uga wareegtaana aanay jirin, ileyn dawlada shaqo kasta oo bulshadu u baahan tahay hal xafiis oo keliya ayaa uga mas’uul ah, oo ay dawladu u igmataye,  bal maxaad sameyni?, dee waa in aad cadho la aamusto…], waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa, hadii dadkii necbaa dawladii kacaanka aad weydiiso maxaad ku nacday dawlada? Ama bal sheeg dhibaatooyinkii kacaanku geystay?, waxa uu xusayaa mid ka mid ah xubnihii dawladaasi ku jiray, ha noqdo mid xil sare hayay (Sida Wasiir ama Sarkaal) ama ha noqdo mid xil hoose hayay (Sida Horjooge Xafiis ama Askari), kaasi oo uu kuu sheegayo dhaqan-xun oo uu sameyn jiray, hadaba iyada oo Ina-Siyaad Bare iyo dadkii rayidka ahaa, inta badan aannu wax xidhiidh toos ahi u dhaxeyn jirin, hadana qof kasta oo ka cadhooda xubnihii ku jiray maamulkii kacaanku, waxa uu aad ugu sii cadhoon jiray Ina-Siyaad, waxaa uu qofkii is-tusayaa in uu madaxweynuhu raali kaga yahay, xumaanta uu sameynayo qofkaa ku jira maamulkiisa, ee uu xilka u magacaabay, ha ogaado ama yuu ogaanine.

Sheeko:Waxa ay tidhi: Waa Islaan aad u da’a weyn, markii lagu yidhi Maxamed Siyaad Bare ayaa dhintay, waxay si daacad ah u tidhi: “Allaah Hoogay! Kuwa Uu Aakhiro Kaga Daba Tagey, Ayaa Ba’ay… … …

Sheeko: Waxaa ay tidhi: Ina-Siyaad Bare marka uu khudbadeynayo, buuq ayuu sameysan jiray, oo jibbo ayuu dadka ku abuuri jiray, wuxuu odhan jiray Bulsho! kadibna dadku inta ay aad u wada qaylyaan, ayaa ay odhan jireen Bille!

Sheeko: Waxaan Jeclaystay inaan xusuus ka sameeyo, maskaxda dadkana dib ugu celiyo, halku dhigyadii iyo suugaantii xiligii halganka, sida xooga ah uga soo burqanaysay maskaxda dadkii halganka ku jiray iyo shicibkoodaba.

Inta badan abwaanadu suugaanta waxay u adeegsadaan inay dareenkooda ku cabiraan, wax ku waaniyaan, caadifada dadka ku kiciyaan, wax dhacay ku soo tabiyaan iwm. Sidaas oo kale, ayay barbaartii halganka shamaca u siday u adeegsadeen suugaanta sidii ay u kasban lahaayeen taageerada shacabkooda uguna kicin lahaayeen si ay uga gilgishaan xukuumada kalitaliska ah ee tacadiga iyo gumaysiga la daba taagan.

Suugaantaa wakhtigaa la curiyay waxay isugu jirtay noocyo badan oo suugaanta Soomaalida ka mida sida gabayo, geeraaro, heeso, jiifto iyo buraanburba. Qaybta ugu tirada badnayd ee sida laxaadka leh uga soo burqanaysay maskaxda abwaanada waxay ahayd gabayada, sidoo kale waxa iyaguna si aan xadlahayn loo aliffay heesaha oo qaybwayn ka qaatay madadaalada iyo mooraalkii dhalintii hubka siday.

Taabo galkii suugaantii halganku waxay ku sinayd, markii dadkii alle ku uumay magaalooyinkii waawaynaa ee goboladii Woqooyi ee Soomaaliya lagu khasbay inay barokacaan, naftoodana kala cararaan madaafiicdii iyo diyaaradihii xasuuqa ee aan cidnaba hambaynayn.  Dadkii ka qaxay magaalooyinka iyo miiguba waxay hoy, badbaado iyo gabaadba ka heleen dhulkii ku teedsanaa xuduuda dalka Ethiopia.

Kol hadii dadkii isugu yimaadeen xeryihii qoxoontiga iyo furimihii dagaalka iyadoo laga midaysan yahay halganka iyo guubaabin tiisaba, waxa qof walba maskaxdiisa kasoo baxay ereyo suugaaneed (xataa hadanu abwaan ahayn) oo uu ku cabirayo dareenkiisa, kagana dhiidhinayo dhibta iyo daranyada taal xeryaha qoxoontiga, iskuna guubaabinayaan sidii ay uga midho dhalin lahaayeen halgankooda. Halkani waxay ahayd halkii aan ku barbaraaray wakhtigii caruurnimadayda qayb ka midana ku qaatay, suugaantii halganku waxay barbaartii wakhtigaa kacday u ahayd school rhymes ay had iyo jeer ku maararoobaan.

Marka laga yimaado gabayga iyo heesaha oo intooda badan qoraal iyo codba lagu hayo, dadka in badanina maskaxdooda ku xardhan, bal aan qormadan kusoo qaadano tuducyo gaagaaban oo dadku halku dhig ahaan ugu isticmaali jireen xaga halganka, dhibootooyinka qoxoontinimada, alle bariga, maaweelada iyo xifaaltanka dhalinyarada guurdoonka dhexdiisaba.

Ugu horayn marka furimaha hore ee dagaalka la joogo waxa caado ahayd in laysdhiiri galiyo iyadoo la isticmaalayo suugaan. Bal aynu eegno baydadkan soo socda oo iskugu jira alle bari iyo dhiiri galinba iyadoo lagu qaadi jiray luuq iyo siiqo aad u macaan, qalbiyada dadkana dhaqaajin jirtay kuna beeraysay ad-adayg iyo wadaniyada.

Ragyoow hubka qaata,
Holciya cadawgiina,
Wixii aad rabtaanba,
Rabbaad ka heshaane.
Allaahuma salli wasallim calaa
Xabiibi Muxamed Calayhi salaam
Adoo dhimanaaya,
Dhaqaale-na haysan,
Dhulkii-na la haysto,
Maxaad uga dhuuman,
Ku dhiiro dagaalka.
Allaahuma salli wasallim calaa
Xabiibi Muxamed Calayhi salaam
Waryaa hanti laawe,
Hashaad dhaqanaysay,
Hadaad u han waynayd,
Ragbaa kugu haysta.
Allaahuma salli wasallim calaa
Xabiibi Muxamed Calayhi salaam
Intaad dhiidhidaan,
Warmaha dhufsataan,
Caloolaha dhaansan,
Ku dhaaba walaal.
Allaahuma salli wasallim calaa
Xabiibi Muxamed Calayhi salaam
Dhaqaajiya dhiiga,
dhalinyaradaay dhurwaaga,
dhulkiina kasoo dhiciyaay.
Allaahuma salli wasallim calaa
Xabiibi Muxamed Calayhi salaam.

Dhanka kale, dadkii markii ay ku adkaatay noloshii dibad yaalka iyo silica ahayd waxay ku tiraabeen maansooyin duco ah iyagoo alle ka tuugaya in guryahoodii oo xorra ay dib ugu laabtaan, waxay ku tiraabeen:

Allihii dulcad iyo daroor na dhigoow,
Dalkiiyoo nabadiyo, dadkoo xora-ba,
Adaa Daa’imee dib noo celi.

Iyo mid ay dhibaatadu dhib u xasuusisay oo ahayd:

Kariimka allow na kaalmeeyoo
Sidii koongo (Congo) xamar na kala goo

Dhibtu kaliya kumay koobnayn hoy la’aanta balse dadku waxay kaloo khaati ka taagnaayeen noloshii deegaankaa inteedii badnayd sida cuntada, biyihii wada dhoobada ahaa, dulinkii qoxoontiga miciinka biday, dabayshii aan kala go’a lahayn iyo waliba dhooqadii xilliyada roobka kabaha u darnayd. Sidaas darted ayay hooyo ka yaabtay cuntadan ku cusub nolosheeda waxay ku cabatay:

Waddiyeey wadnahaad na haysaa
Shuurooy mid aan shuufay baad tahay

Sida oo kale, suugaantan waxaan ka maqnayn maaweelada iyo kaftanka dhalinyara haasaawaysa. Raga gaashaan qaadka ah marka lagu arko xeryaha qoxoontiga iyagoo jooga, aan dhaawacna ahayn halkii ay heegan kaga jiri lahaayeen dhufaysyada, iyadoo loo arkayay rag gabbay kaalintoodii. dumarku waxay ku ilaaqi jireen:

Raggaa dulcad Joogee
Daqiiqda xashaaya
Iyaba cilmi weeyee
Calaamo ha fuusho

Kolay qalin laguma soo koobi karo suugaantii halganka iyo marxalihii kala duwana eey kusoo aroortay, laakiin intani waxay u noqon kartaa bilaw wanaagsan oo albaabada u fura xusuus aan dhamaad lahayn.

Qof wal oo suugaantan wax ka hayaana waxa la gudboon inuu qoro umadana usoo tabiyo.

Alle ha u naxariisto mujaahidiintii naftooda u huray xoraynta wadankan iyo mustaqbalka jiilashii ka dambeeyay. Inta noolna sharaf iyo abaal aan duugoobayn ayaan qalbiyada ugu haynaynaa.

Qalinkii: Suleyman Ismaaciil Maxamed
Email: duale136@hotmail.com | Hargeysa, Soomaaliland
Tixraac: http://www.haatuf.net/2009files/157019.html

Waa Kuwan Raggii Wacdaraha ka muujiyay, wuxuu yidhi:

Mid Kasta oo Is-Xariifiya, Xiijiyaa Hela…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?