Hadmay Quruxi Dhalataa? Bulshona Qaayo Leedahay?

Inta bulshada dhexdeeda cadaaladi jirto, dadku hir iyo hiigsi leeyihiin, xeerarka iyo kala-dambeyntuna ay shaqaynayaan, waxa ay noloshu yeelataa degenaansho iyo qaabdhismeed la tilmaami karo, waxa dadku ku barbaaraan akhlaaq iyo dhaqan wanaagsan, waxaa ceeb noqota, oo laysku caayaa dhamaan wax kasta oo xun (xanta, beenta, cayda… iwm), waxa dadku yeeshaan Xidhe (waa amar gudaha qofka ka yimaada, oo ay soo diraan xubnaha ay ka midka yihiin damiirka, qalbiga ama garashadu), marka xubnahani wax diidaan qofku wuu digigixoodaa, waxaa uu dareemaa jidhidhico, kadibna markaasuu maqlaa hadal-dareen ah, oo ka imanaya xubnahaasi, kaasi oo ku amraya qofku in aanu samaynin waxaa xun, xidhahaasi wuu noocyo badan yahay, waxaa ka mid ah kuwani:

  • Dadka qaarkood waxay leeyihiin xidhaha diinta(Iimaan), waxa uu u diida in ay sameeyaan gef, takrifal, wax-is-dabamarin, gar-daro iyo wax kasta oo ku xun Illaahay Weynaa oo Wanaagsanaaye agtiisa.
  • Dadka qaarkii oo xaga diinta ku liitaa, waxa ay iyaguna leeyihiin xidhaha nolol-jaceylka, kaas oo isna u diida qofka, in uu sameeyo wax ka hor imanaya nolosha bani-aadamka ama ku amra in uu u hogaansamo xeerarka iyo waxa ay dadku ku heshiiyeen.
  • Xeerarka Maamulada: xeerka ay bulsho meel ku nooli ku wada heshiiyaan, iyaga oo isku raaca in ay u diyaariyaan ciqaab, qofkii ka baxa heshiiskaasi ama buriya.

Waxa bulshadaasi yeeshaan nolol aad u heer sareysa, waxa timaada in qofku marka uu hawl bilaabo ama uu waxqabad sameeyo, in waxqabadkaasi dunida oo dhan laga dareemo, oo loo wada riyaaqo, taas oo ka dhigan waxa loo riyaaqay in aanay ahayn hawshan muuqata, ee marka hoos loo eego, waa wax salka ku haya horumarka iyo nolosha ay bulshadaasi uu ka soo jeedaa gaadhay, waxa bulshadu isaga kala gudubtaa heerar kala sareeya, oo mid waliba leeyahay wanaagiisa iyo xiisihiisa gaarka ah, tusaale ahaan:

  • Carruurtu waxa ay helaan daryeel iyo nolol ku haboon hadii ay tahay: nabadgelyo, caafimaad, farxad iyo daryeel dhinac kasta ah, waxa taasi suurto galisaa, in carruurtaasi ku negaadaan carruurnimo illaa iyo xilliga ay ka qaangaadhayaan, hadii aan si kale u idhaahdo, waxa carruurta garashada iyo in ay maskaxda isticmaalaan loo ogolaadaa markay qaangaadhaan, taasoo keenaysa in carruurtaasi si fiican u koraan, oo aanay maskaxdu ka isticmaalin tamar badan, oo jidhkoodu u baahnaa muddada ay korayaan, waxa ay hadhaw noqdaan dad dhaadheer, oo xubin kasta oo jidhkooda ka mid ahi heshay koritaankii ay u baahnayd, marka ay qaangaadhaanna waxa gacan-qabta oo heerka labaad u gudbiya lodka ka horeeya iyo waalidiintooda, oo hawshaasina uga daacad ah, si ay iyaguna bari ka maalin ugu adeegaan carruurta ka daba iman doonta, ogow oo hadii caruurtu ay la kulmaan xaalad adag oo ku kelifta in ay fikir iyo feejignaan yeeshaan, way hagaasaan oo lafta iyo diirka ayaa isku dhega, maxaa yeelay; nafaqadii jidhku isticmaali lahaa waxa loo wareejiya maskaxda oo aad u isticmaasha, se soomaalidu ilmaha aan feejignayn ama iska farxaanka ah waxay u yaqaanaan doqon, halka ka dhibaatooyin badan oo ku dhacay awgeed farxadii ka luntay, ee cayda iyo dagaalku yihiin miciinkiisa 1aad ay u yaqaanaan fariid.
  • Dhalinyarta/qaangaadhka (innamo iyo habloba) barbaarin fiican oo siisay deganaansho maskaxeed iyo mid dhaqanba kadib, waxay helaan qaab habaysan oo ay u sii wataan nolosha, maxaa yeelay; waxa ay leeyihiin dad u noqda tusaaleyaal, oo ay kaga daydaan wanaaga iyo horumarka, kuwaas oo ay af iyo adinba ku gaadhi karaan, oo ay isku dareen iyo damiirba yihiin, deganaanshaha maskaxdooda iyo dhaqankoodu waxa ay u suurogalisaa in ay yeeshaan garasho aad u fiican, taasoo keenta in ay mar kasta xaaladaha ay ku jiraan ku sameyn karaan qiimayn, oo ay ka badbaadi karaan boholo badan oo si dabiici ah u qodan, waxa ay dhallinyartani yeeshaan hadalo miisaan leh, oo waxa u fududaata in ay isku soo bandhigi karaan af iyo adinba.
  • Waayeelku wuxuu ILLAAHAY ku ilhaamiyaa, in ay maanka ku kaydsadaan dhacdooyinkii ay la soo noolaayeen oo dhan, waxay taasi u yeeshaa waayo-aragnimo fiican oo dal iyo dadba wanaajisa, waxa la arkaa iyadoo waayeelku ka bixinayo arrin dhacay tusaalayaal muuqda, oo lagu qanci karo, waxa waayeelku u tafaxaytaa inuu dadka intiisa kale siiyo talooyin iyo tilmaamo wax ka tara sii socoshada nolosha, waxa had iyo goor la arkaa waayeelka oo u soo doonyaystay inuu bildhaamiyo wixii uu u soo taagnaa iyo waxyaabaha keeni kara kala-jabka, burburka iyo kala daadashada nolosha, isla markaana ay dadku aad ugu dhag-raariciyaan sidii ay uga heli lahaayeen talooyin iyo tilmaamo noloshooda wax ka tara.

“Waayeel guurti weeyaan, gartu nimay u magan tahay, iyo geedka damalka ah, ama dhaadashada guud, gacan iyo nin deeqsiya, gogol iyo nin hirasha leh, gurigiisu madal yahay.”

Waxa bulshadaasi yeelataa halyeeyo fara-badan oo kala duwan, oo mid kastaaba halkiisa ku leeyahay maamuus iyo miisaan, isla markaasna lagu hirto, oo bulshada u noqda hormuud:

  1. Waxa ka mid ah culimo aad ugu xeel dheer arrimaha diinta islaamka, oo markay cilmigooda dareen ahaan iyo damiir ahaan ba uga run sheegeen ILLAAHAY siiyay “garab-daar”, waxa u fudud in marxalad kasta oo nolosha bulshadu gasho, ay si fudud ugu cabiri karaan aayado, axaadiis iyo tusaalayaal salka ku haya dhaqanka islaamka, waxa waalidiinta gaar ahaan hooyooyinku kula cararaan barbaarinta caruurtooda culimadaasi, iyaga oo agtooda ku og naxariistii EEBE iyo dhaqan wanaagsan oo dad iyo duunyoba la mahadiyay, waxa ILLAAHAY hibo u siiyaa culimadan, in carruurta ay barbaariyaan dalka iyo dadkuba ka helaan indho-doogsi, oo ay anfacaan, waxa culimadani ay leeyihiin tilmaamo ay ka mid yihiin:-
    1. Waxa isla jaan-qaadaya waxa guddaha ugu jira iyo waxa uu dibada u muujisanayo.
    2. Waxa agtiisa ka fog, oo marnaba aan dareenkiisa ku soo dhacayn qof-jeclaysi, dufan-jeclaysi, nolol-jeclaysi, magac-jeclaysi, maamul-jeclaysi iyo wax kasta oo dhaqanka islaamka ku xun.
    3. Marka uu cilmiga diinta muddo badan barto, wuxuu iftiin ku yeeshaa indhaha qarsoon ee qalbiga loo yaqaano, iftiinkaasi waxa uu si cad ugu bildhaamiya xaqiiqada dhabta ah, ee ka dambeysa nolosha dadka iyo qiimaha ay leedahay nolosha dambe ee aakhiro, waxa uu iftiinkaasi u soo bandhigaa macnaha adduunyada, waxa sida oo kale loo bildhaamiyaa dadka kuwa wax khariba iyo kuwa wax hagaajiya, dhaqamada lagu halaagsamo iyo kuwa lagu horumaro, waxaanu had iyo goor u guntan yahay, in uu dadka ku baraarujiyo wax kasta oo nolosha burburinaya iyo inuu u tilmaamo waxyaabaha lagu liibaanayo, waxa iftiinkaasi tusaa dadka inta wax aafaysa, oo uu bulshada uga digo iyo inta wax wanaajisa, oo uu bulshada faro in lays garab taago.
    4. Waxa culimadani geeridoodu u tahay bulshada garashada iyo xeerarka leh madow, oo waxay had iyo goor bulshadaasi ku ducaystaan “ILLAAHOW BADAL KHAYR QABA”, noloshooduna waxay u tahay iftiin, oo waxay ku ducaystaan “ILLAAHOW NOO BADI”.

Waa nin gedo weyn, gadh cas buu ku caan yahay,

garabkiisa waxa sudhan, gal kitaab ku nabad tahay,

guubaabshe weeyaan, garab-daar ku ladhan yahay,

wuxuu gaar u leeyahay, dadku guri danbeedkiyo,

godka inay xasuustaan.

Ereyada: “… … …”

  • Waxa ka mid ah Aqoonyahanno cilmiga maadiga ah ku xeeldheer, oo aqoontaasi aan u baran caloosha iyo in ay aad wax ugu cunaan, se u bartay maskaxda iyo inay ka helaan iftiin adduunyo, iftiinkaasi oo keena in bulshada ay u soo bandhigaan, xirfado iyo alaabooyin ka qayb qaata fududaynta iyo habsami-u-socodka nolosha, iftiinkaasi oo dibada soo dhiga, shay kasta oo adduunyadan guudkeeda yaalla faa’iidadiisa iyo dhibtiisa, mar hadii ILLAAHAY inoo sheegay, in dhamaan waxyaabaha adduunka kor yaalla, uu mid waliba si u anfacayo bani-aadamka, waxa iftiinkaasi u horseedaa in aqoonyahanadani ay adduunyada korkeeda ku yeeshaan sumcad iyo maamuus, taas oo uga timaada sanku-neefle dhamaantii, waxa aqoonyahankani tilmaamihiisa ka mid ah:
    • Waa qof degan, oo mar walba waxa uu qabanayo wax-iska-waydiiya, ka dibna raadiya oo baadi-gooba, xalka ugu haboon weydiimahaasi, taas oo marka uu mid helaba isaga ugu muuqata, in uu xaliyay qayb ka mid ah weydiimihii hor yaalay, halka dadkana ay ugu muuqato, in aqoonyahankaasi uu dumiyay, gidaar weyn oo dad iyo duunyaba xanibaad ku ahaa.
    • Waa qof ay agtiisa qiimo iyo qaayo ay ku leedahay dadnimadu, oo mar walba waxa uu qabanayo ka soo istaaga dhinaca wanaaga iyo kor u qaadida nolosha dadka, waxa uu mar walba ku riyoodaa, isaga oo ah geed weyn oo hoostiisa ay hadhsanayaan sanku-neefle oo dhan, oo hawl uu qabtay uu arko iyada oo dadka, duunyada iyo dugaaguba ku naaloonayaan, taa bedelkeedana aanu aqoonyahankani wax ka-soo-noqod ah ka rabin, oo laga yaabo in uu yahay ba dadka kuwa ugu liita.
    • Waa qof mar walba ka dhiidhiya wixii dadnimada iyo deganaanta waxyeelaya, waxa uu mar walba u guntan yahay, oo u xiiqsan yahay, sidii uu wax uga qaban lahaa ama xal ugu heli lahaa waxyaabaha nolosha bani-aadamka hakadka galiya.
    • Waxa uu rumaysan yahay, in mar walba isbadalada nolosha iyo dhaqdhaqaaqyada bulshadu samaynayaan, uu xidhiidh weyni ka dhexeeyo, oo wax kasta oo nolosha bani-aadamka ku soo kordhaa, uu ka yimid isbadalada bulshadu la yimaadaan mid xun iyo mid san ba.
    • Waxa uu yaqaanaa, marka ay haboon tahay in wax la qabto iyo siday tahay in loo qabto ama loo hawlgalo, isaga oo isticmaalaya dareenada kala duwan ee bulshada iyo waayo aragnimadiisa.
  • Waxa ka mida ah Abwaano, aad ugu xeeldheer in ay ereyo ku soo bandhigaan aragtidooda iyo hadba wadciga bulshadoodu la deriska tahay, waxay aad isugu hawlaan in ay wax iska weydiiyaan talaabooyinka ay bulshadu qaadayso, waxay isbarbar dhigaan talaabooyinkii hore loo qaadi jiray iyo kuwa imika la qaaday, waxay tiriyaan libtii iyo liibaantii ay lahayd talaabadii hore, waxay ku dhereriyaan waxay la soo korodhay talaabadan dambe, iyaga oo uga dan leh, in ay tusaaleeyaan in hayaanku uu dhabadii haysto iyo in uu ka baydhay, waxa abwaanka tilmaamihiisa ka mid ah:
    • Waa qof aad isugu hawla, inuu ku dhex milmo dhaqdhaqaaqyada bulshadu sameeyaan iyo in uu aad uga warhayo talaabooyinka nolosha bulshadu samayso.
    • Waa qof had iyo goor ku dadaala in uu noloshiisa ku qaato isbarbardhigida arrimaha, si uu u helo noocyada isbadalada.
    • Waa qof uu ILLAAHAY hibo u siiyay soo qabashada ereyada iyo isla-doonashadooda, taas oo dhalisa in marka uu hadlayo, ee uu rabo inuu arrin soo bandhigo, hadalkiisu ka duwanaado hadalada dadka kale, oo ay aad bulshadu u jeclaysato uguna riyaaqdo, mar hadii qof kasta wixii gudaha ugu jiray ee uu arkayay ama tebayay, uu ereyo ugu soo bandhigayo.
    • Waa qof aan u adkaysan dhibka iyo noocyada isbadalada, oo carabkiisu ka xado wixii uurku uu qarin lahaa, taasoo dhalisa in waxbadan oo dadka qaar ku ah waran ku mudan, uu eray kaga gooyo ama eray kaga maahmaaho.
  • Waxa ka mid ah maamul ama horjoogayaal ama madax ay garashadoodu aad u heer sarayso, indheer-garad ah, go’aan adag leh, isla markaas na talaabooyinka ay qaadayaan, aad u rogroga intaanay fulin, waxay sida oo kale leeyihiin waayo aragnimo aad u qoto dheer, oo marka arrin yimaado, dhakhso ayay u heli karaan xalka ku haboon, iyaga oo barbardhigaya waayo aragnimadooda, wixii arrin ahaa ee u dhigmayay kan maanta taagan, ee ay hore u soo arkeen, kadibna waxay soo bandhigaan kii hore dhibkiisii iyo dheeftiisii, si looga fogaado, oo loola ogaado kan maanta taagan waxa ka iman kara iyo saamaynta uu yeelan karo, waxay leeyihiin tilmaamahan:
    • Waa qof noloshiisu ka adag tahay nolosha dadka, taas oo keenaysa inuu in badan la kulmo dhacdooyin hadhaw ka anfaca sii-socoshada noloshiisa iyo hab-maamulkiisa iyo in uu falanqayn karo hadba heerka uu joogo iyo waxa uu ku sugan yahay.
    • Waa qof had iyo goor dhacdooyinka nolosha aad u xiftiya, oo ay raad lama ilaawaan ah kaga tagto, taas oo keenta in mar kasta oo dhacdadaasi oo kale ama tu u dhawi soo marto, in ay si fudud madaxiisa ugu soo dhacdo, isla markaas na uu si fudud isku barbardhigi karo, dhibkeeda iyo dheefteeda ama iswaydiin karo maxaa xal ah?
    • Waa qof had iyo goor jecel, in uu uga horeeyo dadka intiisa kale wadada geediga horumarku marayo, raalina ku ah, oo dhaqan ay u tahay, mar hadii uu u horeeyo in wixii dhib ah ee ka soo horbaxa uu madaxa u dhigto, oo uu aad ugu dadaalo in aan inta ka dambeysaa ogaan ama aanay dhicin in geedigu joogsado ama hakad galo, oo aanu kaga tagin wadada raad waxyeeleeya inta ka dambaysa, isla markaasna wixii dheef ama wanaag ah ee ka soo horbaxana aanay uba muuqan isaga, ee uu sida ugu dhakhsaha badan, uguna haboon ugu gudbiya inta ka dambaysa, isaguna uu u guntado, oo u diyaar-garoobo waxa kale ee dhabada geedigu marayo kaga soo bixi kara.
    • Waa qof had iyo goor tixgeliya, oo ay buur kaga culus yihiin xeerarka nolosha, ha noqdaan kuwo la qoray oo laysku raacay ama kuwa ILLAAHAY nolosha soo raaciyay ee maanka iyo miyirkuba ka markhaati kacayaan.
    • Waa qof og, in aan dadka la’aantiis noloshu suurto-gal ahayn, kaas oo mar kasta ku dadaala, in isaga oo haraadan uu hadana damiirkiisu la hadlo oo uu faro, in uu horta waraabiyo qofka kale ee uu gaadhi karayo, oo uu waliba illaawo, wixii uu cadaw sokeeye lahaa, marka ay marxalladu marayso haraad ama dhibaato wax aafaysay, oo wuxuu aaminsan yahay, in isaga inuu cabaa ay u furan tahay oo kaliya, marka dadku wada haraad baxaan, waliba intaanu cabin uu wali damiirku la hadlayo, oo waydiinayo bilee uu jiraa qof wali haraadani, taas oo keenaysa in mar kasta la arko, qofkani oo dhinac kasta oo nolosha ah, dhibtuna ay isaga u badan tahay, dheefteeduna ay isaga ku yar tahay.
    • Waa qof qiimeeya dhiiga noolaha ama had iyo goor ay agtiisa ku wayn tahay noloshu, oo mar walba ka duula aragtida ah, in noole kastaa gar u leeyahay, in uu helo wixii noloshiisu ku sii socon lahayd.
    • Waa qof had iyo goor geediga hormeeya, oo habeeya, oo hadba siday isu qaadi karayaan isula doonta, oo si cad u yaqaana ka la-qaadayo iyo ka wax-qaadayaba, oo bulshada intii wada-shaqayn kartaba israaciya, isaga oo ka duulaya aragtida ah dhaqanka wanaagsan, deganaanta iyo dulqaadka in aan marnaba lagu khasaarin, oo aan laga dhib-sheegan.
    • Waa qof qiimayn karaya, oo mar kasta dhaqan iyo dareen u leh, in uu wax iska weydiiyo:
      • Halkee geedigu u socdaa?
      • Halkee geedigu marayaa?
      • Sidee ugu haboon ee ay tahay inuu geedigu u socdo?
      • Sidee ugu haboon ee loo hagayaa geediga?
      • Maxaa geediga ku keeni kara hakad ama inuu joogsado?
      • Maxaa keeni kara in geedigu talaabada wanaajiyo?
      • Maxaa keeni kara in geedigu anbado ama lumo?
      • Maxay tahay in geediga laga hor-joogsado?
      • Maxay tahay in geediga lagu kabo si uu u dadajiyo talaabada?
      • Intee geedigu soconayaa?
      • Intee in leeg ayaa geedigu socon karaa?
      • Intee in leeg ayaa loo baahan yahay in geedigu socdo halkii geediba?
      • Waa maxay waxyaabaha geediga ku keeni kara inuu dib u noqdo?
      • Waa maxay waxyaabaha geediga ku keena inuu kala tashado?
      • Iyo Wixii la mid ah…

Hadaba waxa iyaduna is-weydiin leh;

  • Sidee bulsho ku burburtaa?
  • Ama maxaa burburiya xeerarka iyo kala-dambeynta?

Mar hadii dad-xunku bato, sida; danaystayaasha & xaasidiinta, awoodna yeeshaan, waxay si talaabo-talaabo ah u xakameeyaan ku dhaqankii wanaaga, iyaga oo hadba sida ugu haboon ee ay u fulin karaan ka fiirsanaya.

Xilliga ay shayaadiintani dhibkani geysanayaa maxaa la iskaga qaban waayay? waa weydiin laga yaabo in ay ku hortimaado, mar kasta oo ay dhib geysanayaan, waxay dhibka ku qariyaan daah, daahaasi oo mararka qaarkood noqda aftahamo, horumar-gaaban iyo hadba waxa ay is-leeyihiin shayaadiintaasi waad ku qarin kartaan xumaantiisa, nolosha markaa taalna suurtogal ka ah, mana dhacdo in ay sameeyaan dhib sidaa uu u qoran yahay u muuqda, oo aan qarsoonayn.

Shayaadiintaasi hawlgalladooda marka ay bilaabaan waxa meesha ka baxa u-hogaansanka xeerarka iyo kala-dambeynta, waxa bata ereyga “Aniga”, waxa adkaata in la garto cidda dhibka wadda iyo halka sartu-ka-qudhuntay, waxay qas-wadayaashani ama shayaadiintani is-hortaagaan, oo ay dacaayado iyo ceebo u sameeyaan, dhamaan hawlgallada horumarka ee dadka wanaagsani samaynayaan, waxay intaa kadibna si toos ah u weeraraan, oo ay dhaqdhaqaaqa ka joojiyaan dadkii ragganimada lahaa, iyaga oo u kala hor dilaya, sida ay u kala ragganimo badan yihiin, waxa dadkan dhibani(xaasidiinta & danaystayaashu) ay cadaadiyaan, qof kasta oo ay wanaag iyo garasho fiican ku tuhmayaan, waxay ku isticmaalaan oo ay ku bahdilaan dadka wanaagsan, wax kasta oo aad u xun, oo aanu marnaba qofka wanaagsani filayn, in uu ku dhici karo ama suurto-gal ka yahay, oo uu kaga iman karo qof bini-aadmi ah, waxa ku adkaata dadka wanaagsan in ay ka jawaabaan weerarkaasi, maxaa yeelay; waxa loo isticmaalay xeelada ama hub aan marnaba damiirkooda nuurayaa siinayn in ay iyaguna isticmaalaan, marka ay bahdilnaantaasi dadka wanaagsani muddo ku jiraan, oo mid kasta cidla iyo meel gooni ah laga helo, waxa ay taasi keentaa in ay quustaan, oo ay maskaxdoodii iyo garashadoodii ba gudho, oo xeeladihii iyo talladii wanaagsanayd ee ay lahaayeen shaqayn waayaan, maxaa yeelay:

Tallada wanaagsani, xilliga wanaagsan, ee ay dadka wanaagsani joogaan, ayay waxtar leedahay”.

Dadkii wanaagsanaa waxay u qaybsamaan dhowr qaybood:

  • Qaybi way ka cararaan dhibka, oo waxay doontaan meel nolol dhaanta, halkaasi oo qaarkood nolol ka sii xun ay galaan, qaar kale-na mid tan yar dhaanta ay ka helaan.

Cishaday dhaharatee,

geelu dhimo hadhuubkee,

dhaqayiyo galoof yahay,

rag ka dhoofa baa jira…

Ereyada: “Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi”

  • Qayb-na waayaha ayaa cagta ka xidh-dha, oo waxa ay ku dhamaystaan nolosha, dhibka iyo bahdilnaantaasi illaa inta geeridu uga imanayso ama gurmad Eebbe ka imanayo.
    • Qaarkood marka dhibku ku bato, ee dhinac walba oo nolosha ah, uu kaga yimaado, waxa dantu ku khasabtaa, in ay isku dayaan in ay la jaanqaadi karaan dhibkaasi, oo waxa jirta aragti odhanaysa:

Bani-aadamku wuxuu la sameeyaa la-qabsi, hadba waxa uu muddo ku negaado, oo saamayn ayuu qofka deegaankiisu ku leeyahay, hadii uu wanaagsanaadana deegaankiisu, isna wuu wanaagsanaan, hadii uu xumaadana wuu xumaan”

  • Qaarkoodna marka uu dhibku ku bato, ee uu madax-maro, way is-badalaan dhaqan ahaan iyo damiir ahaan-ba, waxay sameeyaan xadgudubyo aad u daran, oo ay u arkaan in ay naftooda ku badbaadinayaan, waxaanay taasi keentaa in ay iyaguna ku dambeeyaan, in ay ka mid noqdaan xulafada Ibliiska.

maalintay dhanaan tahay,

rag dhirbaaxo quudheed,

inta ay ku dhaashtaan,

xiddigaha is-dhalan roga,

u dhufaanan baa jira.

Ereyada: “Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi”

Marka uu halkaasi arrinku marayo, dhamaan dadku way is-wada badalaan, kuwa ugu daran ee aad u dhaqan xumaadaa, waa masuuliyiintii iyo madaxdii miisaanka iyo maamuuska dadka dhexdooda ku lahaa, kuwaas oo dadka u ahaan jiray tusaalaha, waxa intooda badan is-badalku kaga dhacaa damiirka iyo hab-dhaqankii ay lahaayeen, qaarkood dantaa ku khasabta, oo si u-kas ah ayay u sameeyaan is-badalkaasi, qaar kalena waxa uu Illaahay Weynaa oo Wanaagsanaaye kala noqdaa barakadii, garashadii iyo raxmadii uu siiyay, kadibna waxa ka xumaada go’aanka iyo garashada, waxa ay u kala baxaan noocyadan:-

  1. Waxa culimadii noqdaan dufan-jecel, oo waxa Illaahay kala noqdaa xikmadii iyo barakadii cilmiga, waxay yeeshaan tilmaamo foolxun, oo ay ka mid yihiin:
    1. In marka uu dan leeyahay uu kitaabka la soo kala baxo, marka dantiisa kitaabka uu ka waayana, uu isku laabo kitaabka, oo si kasta oo uu dantaasi ku heli karo sameeyo, xumaan iyo wanaag labadaba.
    2. In lagu arko dhaqan-xumo kasta, oo aan marnaba nin caalim ah laga filayn, oo dadka dhexdooda af-kala-qaad iyo argagax keenta, muddo yar ka dibna la ilaawo, oo wax lagu qoslo iyo kaftan laga dhigto.
    3. In caalimkii kitaabka u adeegsado dagaalka gardarada ah, oo uu isticmaalo kitaabka marka uu cid ku xadgudbayo iyo in uu aayadaha & axaadiista akhriyo marka uu is-leeyahay ha la dhageysto warkaaga.
  • Waxa aqoonyahanadii noqdaan istus iyo dad is-amaana oo isfaaniya, oo tiriya waxyaabahay qabteen, waxay noqdaan qaar mar walba ku fikira, in ay u isticmaalaan aqoontooda wax kasta oo xun oo lagu kala guurayo ama lagu kala fogaanayo, waxa iyagana Illaahay kala noqdaa aqoontii, garashadii iyo fahamkii ay lahaayeen, oo waxa barakadii laga qaadaa maskaxdooda, waxay yeeshaan tilmaamahan:
    • Waxa aqoonyahankii noqdaa muuqaal kaliya, kaas oo aanay waxba gudaha ugu jiran, oo aan irbad dhuub galinayn.
    • Waxa aqoonyahankii dhaafsadaa dhuuni yar, aqoon aan u qalmin in caloosha loo isticmaalo.
    • Waxa aqoonyahankii mar walba ku gorgortamaa dhuuni uu dhaafsado aqoontii, maxaan ka helayaa?
    • Wuxuu wax u bartaa sidii uu dadka ugu dhibi lahaa ama ugu daggi lahaa, oo nolosha iyo daganaanshaha wax ugu dhimi lahaa, isaga oo waliba taa u haysta in ay tahay ragganimo iyo wax laysku amaano.
  • Waxa Abwaankii noqdaa afmiishaar, aan laga nabadgelin, oo dadka durbaanka cayda, xumaanta iyo dirsooca u garaaca, wuxuu yeeshaa tilmaamo ay ka mid yihiin:
    • Wuxuu isugeeyaa beenta iyo B-da xun oo, wuxuu ka dhigaa nooc suugaan ah, markaas ayuu dadka la daba gala, isaga oo uga jeeda fadeexad.
    • Wuxuu had iyo goor ka gabyaa, wax uu malaysto oo aan sal iyo raad toona lahayn.
    • Wuxuu suugaantii qiimaha lahayd dhaafsadaa dhuuni iyo wuxuu maalin cunno.
    • Waxa mar walba dhacda, in ereyadii afkiisa ka soo baxay ay isaga ku soo noqdaan, oo saamayn balaadhan ku yeeshaan naftiisa iyo magaciisaba.
  • Waxa maamulayaashii & madaxdii noqdaan Ibleysyo muuqda, oo aan go’aankooda iyo gacantoodaba, dad iyo duunyo aanu midna ka nabadgelin, waxay yeeshaan tilmaamahan:
    • Waxay noqdaan inyar-garato, oo hadba waxa markaa si u muuqda garashadoodu ma dhaafto.
    • Waxa ka luma oo ay illaawaan waaya-aragnimadii iyo dhacdooyinkii noloshooda ay u soo taagnaayeen.
    • Waxay noqdaan dufan-jecel, wax kasta oo ay samaynayaan waxay ku miisaamaan lacag.
    • Waxa ka lunta garashada, oo go’aan kasta oo ay gaadhayaan wuxuu noqdaa mid lagu aafoobo, oo dad iyo duunyaba waxyeeleeya.
    • Waxay yeeshaan go’aan jilicsan oo mar walba dantu ka adagtahay.
    • Waxa dhacda in arrimaha kuwa ugu fudud ay hoos maraan, oo meel aan meeshii ahayn ay ka soo istaagaan.

Waxa uu Rabbi Weynaa oo Wanaagsanaaye Qur’aankiisa inoogu sheegay:

( وَإِذَا أَرَدْنَا أَن نُّهْلِكَ قَرْيَةً أَمَرْنَا مُتْرَفِيهَا فَفَسَقُوا فِيهَا فَحَقَّ عَلَيْهَا الْقَوْلُ فَدَمَّرْنَاهَا تَدْمِيرًا)


Waxa ay markaasi noloshu isku badashaa Illaahay Amarkii mid bilaa qaab ah, oo aan wax lagu sheego la garan karin, waxa la kala saari waayaa, ma habeen-baa mise waa maalin, oo dhibka iyo rafaadku dadka qaarkood waxaa uu nolosha uga dhigaa madaw, maalin cad haba joogaane.

Marka lagu akeekimo,

marka lagu ormeeyee,

falan lagu af-duubee,

marba eelku gororee,

hirashadu asqowdee,

ulashadu hungowdee,

asalkeedu guuree,

ambisadu xidhxidhatee,

babbisadu ku orisee,

is-ahaanta kelinnimo,

dadka wada ammaantee,

odeygeedu waashee,

ina belo ka taliyee,

lagu amarro-qooqee,

la awoodo beenshee,

la Illaahyo sheegtaa,

*la wada asqoobaa,

*oo lays wada bireeyaa…

Ereyada: Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”

Waxay quruxi dhalataa

markaan qalinku duug noqon

qawaaniinta lagu tuman

qormo nabadu leedahay

qobqob dhaafka layska jiro

qaadhaan la wada naco

qaab xalaala lagu wado                                         

“Xasan Ganey”

error: Fadlan Lama Ogola !!
SOMALILAND MAANTA
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?