Maamulka Reer Sheekh Isaxaaq waxa uu soo bilaabmay qarnigii 13aad, xilligaasi waxa maamulka reerka hogaan u ahaa Axmed Sh.Isaxaaq (Toljecle) oo ah curadkii Sheekh Isaxaaq gaar ahaan afarta ay dhashay Islaanta Harariyada ahi, kaasi oo Garaad Dhuux-Baraar uu ahaa Toljecle kii u dambeeyay ee talada reerka qabtay, kadibna khilaaf soo dhex galay Toljecle iyo Reer Sh. Isaxaaqii kale ayaa waxa ka dhashay in talada reerka loo wareejiyo Garxajis gaar ahaa Ciidagale.
Markii ay burburtay Saldanadii Cadaaladu sanadkii 1672-kii, waxa bilaabantay in reer waliba uu dhisto nidaamkiisa maamul, intii ay soomaalidu ku jireen Saldanada Cadaalada waxa hogaan u ahaan jiray Garaado, laakiin markii ay burburtay ayaa reerihii sameysteen Suldaanno, hadaba Qarnigii 18aad gaar ahaan sanadkii 1750-kii ayay Reer Sheekh Isaxaaq sameysteen saldanad u adeegta danahooda dhaqan-dhaqaale, taasi oo ay u cumaamadeen Suldaan Guuleed Sheekh Cabdi Ciise, kaasi oo ahaa wiil uu dhalay Sheekh Cabdi Ciise oo ahaa wadaad Ciidagale ah, oo guulo waaweyn ka soo hooyay dagaalo ay Reer Sh. Isaxaaq la galeen qabaa’iladii ay ood-wadaagta ahaayeen.
Suldaan Guuleed intii uu xilka hayay waxa xusid mudan, taariikhdu markii ay ahayd 1825-kii ayaa Markab Ingiriisku leeyahay oo magaciisa la odhan jiray Mary Anne uu yimid magaalada Berbera, kadibna waxa markabkii weeraray oo qaniimaystay rag ka tirsan Awal Sh. Isaxaaq, iyaga oo u arkayay gaal mudan in lagu jihaado, xoolihiisuna ay xalaal yihiin in laga fara-maroojiyo, kadibna markii uu ogaaday Ingiriisku oo fadhiisin ama saldhig ciidan oo weyn ku lahaa Cadan, ayaa uu cunaqabateyn ku soo rogay Berbera, in aan waxba ka soo degin waxna laga dhoofin, sanadku markii uu ahaa 1827-kii ayaa dagaal dhex maray ciidamadii Ingiriiska iyo Reer Berbera gaar ahaan Awal Sh. Isaxaaq, waxa dagaalkaasi lagu jabiyay reer Berbera oo ka qaxay magaalada, Ingiriisku waxa uu ku xukumay Awal Sh. Isaxaaq in ay bixiyaan markabkii ay dhaceen, kaasi oo uu ku qiimeeyay $15000 oo Dollarka Isbaanishka ah, waxa taasi ku keentay culeys weyn reer Berbera, hadaba waxa warqad qoray Faarax oo ahaa wiilkii ugu weynaa caruurta Suldaan Guuleed iyo odeyo kale, warqadaasi oo ay u direen boqor muslim ahaa oo ka talin jiray Ras-Alkhymah oo imika Imaaraatka ka tirsan, kaasi oo la odhan jiray Suldaan Saqar Qaasimi, waxay ka dalbadeen ciidan iyo hub ay kula dagaalamaan Ingiriiska, Suldaan Saqar kamay helin gurmadkii ay ka rabeen.
Suldaan Guuleed Sheekh Cabdi Ciise waxa uu talinayay, oo uu saldanada hogaankeeda ahaa tan iyo 1839-kii oo uu aduunyada ka tegay, waxa geeridiisa kadib xilkii Suldaanka Reer Sh. Isaxaaq loo cumaamaday inankiisii Faarax Suldaan Guuleed Sheekh Cabdi Ciise, hadaba sanadku markii uu ahaa badhtamihii 1840-kii ayaa reer Berbera waxa hadana ka dhex qarxay dagaal sokeeye, kaasi oo u dhexeeyay Awal Sh Isaxaaq, gaar ahaan jufada Nuux Ismaaciil oo iyagu Berbera degenaa, iyaga oo isku qabtay sida la sheegayo cida magaalada Berbera maamulaysa, dagaalkaasi dad badan ayay iskaga dileen Nuux Ismaaciilku, kadibna waxa Nuux Ismaaciilkii soo dhex galay Suldaan Faarax Suldaan Guuleed, kaasi oo deegaanka Aw-Barkhadle oo ay ka dhici jirtay siyaarada Sheikh Barkhadle, isugu yeedhay reerkii dagaalamay, kadibna halkaasi ku heshiisiiyay.
Hadaba intii uu Suldaan Faarax Suldaan Guuleed talada hayay, waxa khilaaf soo dhex galay reerkii Saldanada hayay ee Ismaaciil Sh. Isaxaaq, taasi oo jufada Habar Yoonis odeygoodii Diiriye Sugule uu sheegtay inuu isna suldaan yahay, waxaanu fadhiisin ka dhigtay deegaanada u dhexeeya buuraleyda Sheekh iyo Burco, halka uu Suldaan Faarax Suldaan Guuleedna ay fadhiisin u ahayd magaalada Toon, oo uu kala socon jiray ganacsiga iyo safarada ka imanaya ama ku socda Berbera, kuna cashuuri jiray halkaasi. Waxa xusid mudan Saldanada reer Sh. Isaxaaq may lahayn ciidan mideysan, waxa ay ku wada noolaayeen Is-ilmaadeeraysi iyo tolnimo, habar habar ayay u kala deganaayeen, oo deegaan kasta qabiil gaar ah ayaa deganaa, waxa ugu badan ee dagaalada sokeeye xilligaasi sababi jirayna waxa uu ahaa dhaca ama geelasha la kala dhacco iyo biyaha la kala ceshado.