Wiil-Waal: Ninkii Oromada U Diiday Inay Wada Liqaan Soomaali-Galbeed

Garaad Xirsi Garaad Faarax Garaad Xirsi, oo loo garan-ogyahay Garaad Wiil-Waal, waxa uu u talin jiray dadka ku nool gobolka Soomaali-Galbeed gaar ahaan agagaarka dooxada faafan sida; magaalada JigJiga iyo hareeraheeda.

Garaad WiilWaal wuxu ka soo jeedaa oo ku abtirsadaa qabiilka soomaaliyeed ee Daarood Ismaaciil Jeberti, waxa uu ka sii ahaa Absame gaar ahaan reerka Jidwaaq jufada Bartire.

Garaad wiilwaal waxa uu ahaa hogaamiyihii ka horjoogsadey Oromada in ay dhamaan wada qaataan dhul-weynihii soomaali-galbeed, dhulka soomaali-galbeed inta maanta soo hadhdhay isaga iyo raggii la midka aha aya Illaahay sabab uga dhigay inay ka badbaadiyaan duulaanadii Oromada, xilligii uu arriminayay wuxu ku beegna dhamaadka qarnigii 18aad – 19aad badhtamihiisii.

Mar uu jabiyey Oromada oo uu hoggaaminayey nin dagaalyahan ahaa oo Soomaalidu u taqaanay Gaal-gurey, ayuu gabaygan soo socda Garaad Wiilwaal tiriyay, wuxuu yidhi:   

  • Gaaladii ka gees iyo ka gees, reebi nagu goysay
  • Gurey maalintaan dilay colkii, inuu go’aan sheegtay
  • Geeraarshe-dheer iyo sagaal, waran galaan sheegtay
  • Gacaniyo in geed laga hadliyo, gobonimaan sheegtay
  • Garbidaan ku tiirsaday rag inuu, garab maraan sheegay
  • Ogaadeen Galduur iyo markuu, webi kasoo gaasay
  • Meeshiyo Garlawgubay markuu, galowgu eedaamay
  • Guntadaye markaan khayligii, labada naas geeyay
  • Een wayrax nadigii gashay ees, gucumo aar yeeshay
  • Golyoy maalintaan idhi darkii, inay gashaan sheegtay.

Naaneysta Wiil-Waal intii aan loo bixin yaraantiisii, waxaa lagu naaneysi jiray Jinni-Boqor, Sababtuna waxay aheyd inuu ahaa nin firfircoon, oo tababarka dagaalka isaga oo yar qaatay, meel uu leeb ku ridayna, aan la seegi jirin inta badan, nin haday legdamaana inta badan dhinaciisa dhulka lama dhigi jirin, wixii la qaybsadana wuxuu ahaa wiil jecel in dheeraad laga siiyo, ama xeelad haku helo ama tab kale haku helee.

Dagaalyahanimo, gabyaanimo, farda-fuulnimo iyo gacan fudeyd lala yaabay ayaa yaraantiisii lagu bartay, weligiina sida laga hayo dadkii yaqaanay cid ay iska hor yimaadeen kama lib helin, had iyo jeer hubkiisa sida; warmihiisa iyo qalabkiisa dagaalka meel gacantiisa ka fog ma uu dhigi jirin.

WiilWaal isaga oo yar, oo aabihii Garaad Faarax nool yahay, oo uu talada Jidwaaq isagu gacanta ku hayo, ayuu hadana aabihii ka magac weynaaday, oo ay noqotay in magaciisu ka sheeg-sheegid bato ka aabihii.

Garaad WiilWaal waxa lagu xasuustaa dhacdooyin iyo mahadhooyin xikmad badan, oo uu kaga tagay xasuusta soomaalida, ilaa imikana lagu soo hal-qabsado, waxa ka mid ah mahadhooyinkiisii:

Garad Wiil-Waal inta badan dumarka u qabay wey kala maseyri jireen, waxa uu maseyrkooda u xaliyay sidan; wuxuu dumarkiisi oo waqtigaas afar ahaa ku yidhi; gabbalku marka uu dhaco, goleha aan ku caweeyo iigu yimaada” markii ay ugu yimaadeen buu yidhi: sii wada jeedsada, midii aan dhabarka ka taabto unbaan jeclahaye, iyada oo aamusan ha dhaqaaqdo, oo aqalkeeda ha gasho, dhamaantood ayuu dhabarka ka taabtay, mid waliba iyada oo aamusan bay aqal-keedii gashay, iyada oo maanka ku heysa adigaa laguugu jecelyahay oo dhabarka lagaa taabtay.

Waxa kale oo mahadhooyinkiisii ka mid ahayd: in uu maalin maalmaha ka mid ah isugu yeedhay tolkii isaga oo jirrabaya, waxa uu ku yidhi “berito nin kasta ha ii keeno Cadka Rag Isku Raacay”, kadibna ragii nin kasta inta uu neefkii ugu fiicnaa xeradiisa soo gawracay, ayaa uu soo qaaday qaybtii uu hilibka is-yidhi waa ta ugu fiican ee Wiilwaal doonayo, ragga qaarkood bawdadii ayay soo qaadeen, qaar sarartii, qaar duubiyadii, qaar ba wax ayay soo qaadeen.

Nin ka mid ahaa raggii la diray, oo isagu aan xoolo badan haysan, ayaa inan uu dhalay ku yidhi: “aabo ninkii wiilwaal ayaa naga doonaya cadka rag isku raacay’e inta aad xerada gasho, neefka ugu shilis soo qabo”, kadibna inantii neefkii soo qabatay, odeygii hilibkii kala door-dooray, oo kolba mid qaad hadana dhig, isaga oo raadinaya mid ka gadma ama qanciya garaadka, intii uu kala door-doorashada ku jiray ayaa ay inantiisii ku tidhi: “Aabo aniga ayaa garanaya ka uu wiilwaal doonayo’e, u qaad hunguriga…”, odeygii waa ka naxay, ee inantii canaantay, isaga oo la yaabay hilibka ay rabto inuu garaadka la hortago, inantiina wey ku adkeysatay inuu aabaheed qaado Hunguriga.

Kadibna maalinkii balantu ahayd, ayaa garaad wiilwaal raggii mid walba weydiiyay cadka uu sido, markii odeygii la soo gaadhay, ayuu garaadku weydiiyay maxaad adna sidaa? Odeygii isaga oo baqaya ayaa uu soo saaray hungurigii, waxaanu raaciyay “… tu yar oo aan dhalay ayaa igu khasabtay, oo tidhi waa kaa cadka rag isku raacay…”

Kadibna garaad wiilwaal waxa uu raggii ku yidhi dhamaantiin inantaa yar ayaa idinka caqli badan, oo garatay cadka rag isku raacay waana Hunguriga, miyuu jiraa wax aan hunguri ahayn oo dadku ku heshiiyo ama ku coloobo, waxa uu Garaad wiilwaal odeygii ka guursaday inantiisii.

Wiilwaal isaga oo sifaynaya sida dhulka Soomaalida cadowgu ula wareegi lahaa haddii aanu isagu gaashaan u ahayn, ayaa wuxuu mariyey geeraarkan hoose, wuxuu yidhi: 

  • War yaroo igu saabsan
  • Haddaan weedh ka caddeeyo
  • Waa inaad wadartiinba
  • Idinkoon i wagliilin
  • Waa runtaa i dhahdaan
  • Waagaan wiil yar ahaa
  • Rag anoon wax la qaybsan
  • Wacdi sheekh iyo waano
  • Waalidiinta gabowday baan
  • Waddada diinta wanaagsan
  • Wacdigay hadlayeenbaan
  • Ku weeleeyey dhagtayda
  • Anoo waansamayoo
  • Wadaad fiicanna show ah
  • Waysadiyo kitaabkiyo
  • Masale aad u wanaagsaniyo
  • Weelka daacadda qaataybaad
  • Wiilwaal ii bixiseene
  • Weerarkaad ku jirteenbaa
  • Walbahaar ficilooyin
  • Wadnahayga ku beermay
  • Haddaanan wayrax jaraysan
  • Warmihii cadcadaa iyo
  • Gaashaan wiyileed
  • Anigoo wajilaayoo
  • War kacaay idinle oo
  • Kolkuu waagu iftiimay
  • Intaan weerar ku qaado
  • Gurey waaxyaha goynin
  • Cadowbaa wadankeena
  • La wareegi lahaa.

Mar kale isagoo raggiisii dhiirigelinaya kuna adkaynaya in wadaad iyo warenleba ay dagaal u qaashaartaan, walaaloobaan, wacadkii ay wada galeenna la dhawro si ay dhulka Soomaaliyeed cadowga u dhaafiyaan ayuu mariyey gabay aanu ka helnay halhayskan yar ee hoose,  Wuxuu yidhi: 

  • Wadaad iyo ninkii waran lahow, dirir u weelqaata
  • Wiil iyo walaal wada socdoo, waano qaba yeesha
  • Wacadkaad isugu dhaarateen, waafi ha ahaado
  • Wadankeenu waa fiicanyee, cadowga weydaarsha
  • Walbahaarka dhiga geesibaan, waabasho aqoone

Isla xilliyadaa isaga oo guubaabadii noocaa ahayd sii wada wuxuu yidhi:

  • Galiilyada i haysee hurdada, gama’a ii diiday
  • Gullad iyo gacmaba waa qabnaa, lagu wax goostaaye
  • Gaashaanka dhiiga ah warmaha, la isla gaafaayo

Goormaan ku ciil bixi tashiga, yaan la gaasirine

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Fadlan Lama Ogola !!
SOMALILAND MAANTA
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?