Ha Kugu Taagnaato !

Waxa jirta hadal mahadho noqday, oo mar kasta oo xaaladiisii la joogaba lagu soo hal-qabsado, kaasi oo ah marka qof xaalad uu dhibsanayo aad rabto inuu ku sii jiro, ayaa ay dadka ku nool Hargeysa iyo hareeraheedu yidhaahdaan “Ha Kugu Taagnaato !“, hadaba bal aynu ka sheekeyno sida hadalkani ku yimid.

Waxa la yidhi dhakhtarka weyn ee Hargeysa ayaa nin irbada ka baqan jiray loo geeyay si dhiig looga shubo, waa ta marka hore farta inyar la mudo kadibna dhibic yar oo dhiig ah nurse-tu qaada, si loo soo hubiyo in dhiiga qofka iyo cida loo shubayaa isku mid yihiin, kadibna waxa la jiifiyay sariirtii, kolkaa waxa ay sheegaysaa taasi in ay labadii dhiig isku mid noqdeen, oo ninkani dhiigiisu yahay kii loo baahnaa, kadibna inantii nurse-ta ahayd markii ay irbadii ku muday, bag-gii 500cc ahaana ay ag-dhigtay, ayay ka dhaqaaqday, ninkii oo yaabay ayaa dhaqaaqeedii iyo irbada ku mudan jidhidhicada ka haysaa isu qaban waayeen, kolkaasuu yidhi: “Naa kaalay! kaalay! dee iga goo! xageed uga tageysaa…“, kolkaasay gabadhii nurse-ta ahayd ka xanaaqday sida adag ee uu ula hadlay, iyana waa ta ku tidhi: “Ha Kugu Taagnaato!” iyada oo uga jeeda inta 500cc buuxsamayaan irbadu way kugu jireysaa.

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?