Sooyaalkeena Oo Kooban

Dalku waa mid aad u balaadhan, oo barwaaqo ah, kana kooban deegaano sameysankooda ay saameyn weyn ku leedahay cimiladu, waxa uu u kala baxa dhul guban ah oo xeebta saaran, iyo dhul hawd ah oo fidsan, tuuraha iyo taagaguna ku yar yihiin, isku soo wada duuboo waa dhul ka kooban bad, berri buuro leh iyo mid ban ah, biyo-mareeno xiliyada guga butaaca, waxa intaa dheer dhirta kala jaad-jaadka ah ee ku shaqlan dhulka, iyo nimcooyinka raxmaanku ku hoos qariyay dhulka, ee sugaya dadkii lasoo bixi lahaa.

Bal ila dhageyso Abwaan Siciid Saalax Axmed oo kala dhig-dhigaya dhulka iyo qaybihiisa kala duwan.

Bal ila dhugo mar kale gabay uu abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi (Ganey) uu ku soo bandhigayo dhaqankii dhulka qaarkii iyo dharaarihii wacnaa ee la soo maray.

Dadku waa kuwo walaalo ah, ku wada nool iskaashi iyo wax wada qabsi, waxa ay leeyihiin han iyo himilooyin wanaagsan oo ay ku wadaan nolosha, waxa ay leeyihiin hogaan iyo madax ay arrimahooda ula noqdaan, dadka nidaamkooda maamul waa mid ay odeyada qabaa’ilku sees u yihiin, reer waliba waxa uu leeyahay odey hogaamiya, oo isagu afka reerkiisa ku hadla, go’aannana ku soo saara, bulshada reerkiisuna ay sidaa ku ogol yihiin.

Dhul-mareennada soo maray dalku waxa ay badi xuseen in ay dadkani yihiin dagaalyahanno dhiiran, oo in la riixo mooyee aan weligood la gumeysan, gunnimadana geeri ka xiga [Gobeey liicoo ha jabin], tilmaantaa wanaagsani waxa ay suuro-gelisay in tafiirta samaaluhu ilaa maanta soo gaadho, halka qabaa’illo iyo qoomiyado tilmaanta gobonimo-u-dirirku ka hoostay ay dabar go’een, oo aan maanta laga haynin arag iyo ogaal midna, ha yeeshe wanaag laguma waaree intii aan sixirooleyaasha iyo midig-go’ooyinku dad-sanka midheysanin, waxa samaaluhu ahaa naflaha madaw ugu qab weyn, waxay se dumeen markii ay daruuraha saxalka sidaa soo dul hogteen, ilduufkuna ku batay, dhexdoodana laga waayey durbaannadi werin jiray boholaha loo af-qariyay, iyo dhagarta dad-xunku had iyo jeer u maleegaan dad-sanka.

Bal mar kale ila eeg tix kooban oo uu Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi uu ku qaadaa-dhigayo dadkii, duunyadii iyo dalkii xilligaa:

  • Dal iyo magac bay lahayd
  • Dad iyo mudan bay lahayd
  • Duunyiyo mahad bay lahayd
  • Diin iyo dhaqan bay lahayd
  • Duug iyo dhaxal bay lahayd
  • Dan iyo tacab bay lahayd
  • Dedaal xejiyey lahayd
  • Xadhkiyo dabar bay lahayd
  • Aqoon durugtay lahayd
  • Xil daacadah bay lahayd
  • Duleed jiratey lahayd
  • Duggaal hanatay lahayd
  • Daw iyo marin bay lahayd
  • Dareer taxan bay lahayd
  • Dardaaran cad bay lahayd
  • Dabool adag bay lahayd
  • Digtooni horay lahayd
  • Dabaylo hadday ruxaan
  • Durbaan weriyey lahayd
  • Awaal-deyis bay lahayd
  • Dawiyo kabashay lahayd
  • Xidhiidh degsan bay lahayd
  • Dagaal sharafay lahayd,
  • Duciyo nabad bay lahayd
  • Caqiibo danbay lahayd
  • Han iyo dugsashey lahayd
  • Deeq iyo hirashay lahayd
  • Duddiyo gacal bay lahayd
  • Dareen xidid bay lahayd
  • Xurmiyo deris bay lahayd
  • Dul iyo magan bay lahayd
  • Xishood dedan bay lahayd
  • Dux iyo soddoh bay lahayd
  • Dumaashi dhan bay lahayd
  • Dad kala-guran bay lahayd
  • Rag iyo dumar bay lahayd
  • Nin-door taliyay lahayd
  • Marwiyo degel bay lahayd
  • Duq iyo garashay lahayd
  • Haween darban bay lahayd
  • Barbaar diran bay lahayd
  • Habliyo dardaray lahayd
  • Halyey diriray lahayd
  • Darmaan boqran bay lahayd
  • Duud iyo oday bay lahayd
  • Da’ iyo da’ dhexay lahayd
  • Da’aad yar-yar bay lahayd
  • Is-daaddihin bay lahayd
  • Deryaale cad bay lahayd
  • Dalaandaliyay lahayd,
  • Hor-weyn dal maray lahayd
  • Irmaan dararay lahayd
  • Hal iyo dalaway lahayd
  • Wan dool culus bay lahayd
  • Sal iyo daab bay lahayd
  • Dallaayad saray lahayd
  • Shishiyo duluc bay lahayd
  • Wixii dumey bay lahayd.
error: Fadlan Lama Ogola !!
SOMALILAND MAANTA
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?