Waxa uu soo galay masaajidka qaybtii ay weysada iyo suuligu ku yaaleen, isaga oo kor u hadlaya ayaa waxa uu ku celcelinayaa ” Waar waa kee ka ay calooshu socota, yaa! walaal waa kee ninkan ay calooshu xanuunayso ee aan xajisan karaynin… ” , marka uu sidan u hadlayo waxa la moodaa, qof loo soo sheegay in uu suuliga joogo qof sakaraad ah, oo ay calooshu socoto, hadana waa ka yidhi: ” Waar niyaw dadkeenu ma yaqaanaan… Bahashan Liin-Dhanaanta la yidhaahdaa caloosha waa u dawo… ” , kadibna dadkii suuliga sugayay ayaa kolba ka uu eegaa sii jeestaa, oo uu is-mashquuliyaa, si loo moodo qof aan suuliga isagu u socon, qaar mobilka ayay dhegta ku qabsadeen, mooyaan in ay cid la hadlayeen iyo in kale, qaarkood laba-laba ayay isugu jeesteen, oo sheeko iyo hadalo dhaadheer ayay isula baxeen, kuwii suuliga ku jiray ayaa dhakhso uga soo booday suuligii, iyaga oo aan si fiican u xidhanin surwaalkii oo dhinaca haysta, mid baa isaga oo weli ku guda-jira xidhashadii surwaalka inta uu soo baxay yidhi: ” Miyaan ku raagayba… markiiba sow kamaan soo bixin, waar dee masaajidka anuu kaadi uun baan ula imaadaa, wixii kaleba waa ceeb… ” , waxa uu is-lahaa yaan lagu moodin kii la sheegayay, markii suuliyadii laga soo wada baxay, cid gashaba waataa la waayay, ileyn qof waliba wuu baqayaaye, kadib Abu-Jeerinkii ayaa inta uu suuliyadii kolba mid iska eegay, kii ugu nadiifsanaa galay, intii uu ku jiray suuliyadii kale cidi may gelin, ilaa uu ka soo baxayay.
Bal ka war; ninkani qof ay calooli xanuunayso oo loo soo sheegay muu jirine, waxa uu doonayay in uu ka hor galo dadkii badnaa ee sugayay suuliga, markii aan weydiiyay: ” Waar maxaad dadka uga nixisayna? ” wuxuu iigu jawaabay: ” Iyaga oo lacagtu jeebadaha uga buuxdo, oo geli karaya suuliyadan lacagta ah, ayay hadana kuyuu ugu jiraan suuliyadii masaajidka… “