Hogaaminta Wanaagsan

Xilka Madaxweynenimo wuxuu la mid yahay xilka uu hayo Iimaamka masaajidka tukinaya oo kale, weliba wuu ka sii culus yahay.
Iimaamnimadu dadka qaarkood way ku adag tahay, qaarna way u fududahay, adkaanshaha iyo fudaydka Iimaamnimadu waxa ay ku xidhan tahay sida uu qofku u foojigan yahay, ee uu u yahay qof aan hurdin ee soo jeeda iyo awooda uu shayaadiinta u leeyahay iska caabintooda, si aanay sahwi ugaga ridin salaada.
Tusaale: Qofka Iimaamka ah marka uu salaada tukinayo waxa ku soo urura oo hareerihiisa ka soo buuxsama shayaadiinta, kadibna mid kasta oo shayaadiintaasi ka mid ahi wuxuu Iimaamka uga sheekaynayaa sheeko, taasi waxa ay keenaysaa in Iimaamyadu ay ku kala duwanaadaan xaggii wanaajinta salaada, Iimaamyada qaarkood ayaa sheekooyinkaa shayaadiinta ku sahwiya, oo salaadii ama wax ku kordhiya ama wax ka dhima, markaas ayaa dadka ku daba tukanayaana badiyaan Subxaan-Allaah iyo Sacabka oo ay garaacaan.

Hadaba sidaa si la mid ah qofku marka uu Madaxweyne noqdo, waxaa ku soo urura shayaadiinta, oo sidii Iimaamka masaajidka oo kale ayay isna sheekooyin iyo khiyaali uga sheekaynayaan, iyaga oo ujeedadoodu tahay in uu ku fashilmo xilkaasi uu hayo, waxa shayaadiintaasi u dheer oo iyaguna soo hareer fadhiista Madaxweynaha, dad badan oo aan ka dhicin shayaadiintaasi, kuwaasi oo marka hore Madaxweynaha iskaga dhiga nasteex ama in ay u yihiin hiil iyo taageerayaal, se waxay jecel yihiin in ay maamulkiisa qaloociyaan, oo ay ku fushadaan baahiyahooda iyo danahooda gaarka ah.
 Dadkaasi qaarkood waxay u soo ururiyaan Madaxweynaha ceebaha iyo cayda dadka ay doonayaan in ay ku diraan.
 Qaarkood waxay u keensadaan shahaadooyin iyo dhokumentiyo shaabadaysan oo dhaadheer oo ay ku doonayaan in ay ku hantaan qalbiga Madaxweynaha.

 Qaarkood waxay ka soo maraan xaggii reerka, oo qabiil iyo tolaay ayay la soo hoos galaan, kolkaas ayay wax badan aafeeyaan.
 Qaarkood waxay u soo bandhigaan qorshayaal muuqaalkoodu fiican yahay, laakiin burbur iyo colaado ka dhalan karaan, kadibna marka uu dhibkii dhaco ee uu dadkii saameeyo, cida la arkayo ee ku ceebaysan mas’uuliyadaasi waa Madaxweynaha, kuwii soo qorsheeyay ee fuliyayna way qarsoon yihiin.
 Iyo wixii la mid ah ee ay kolba ku khiyaamayn karayaan Madaxweynahaasi si uu u fashilmo.

Hadaba sida uu Illaahay Weyna oo Wanaagsanaye Qur’aankiisa inoogu sheegay shayaadiinta qarsoon habdhaqankooda hadii lagu arko qof bini-aadmi ah, waxa loogu yeedhi karaa qofkaasi Shaydaan, oo waxa uu Illaahay inoo sheegay in shaydaanku ku jiro Insiga iyo Jinka labadaba, oo uu midiba midka kale xogta ka qaato, oo ay isku waramaan.

Waxaad arkaysa qof mas’uul ah oo muddo badan soo baranayay aqoon uu wax ku maamuli karo, oo waayoaragnimo dheer u leh xilka loo dhiibayo, hadana marka uu xilkii qabto ay ka baahayso, oo ku ceeboobaya xilkii, dadkii caamada ahaana ay la yaaban yihiin, oo ay ku ceebaynayaan xilkaa uu ku fashilmay… “HABAR FADHIDA LEGDINI WAX UGA FUDUD…”, Islaan ayaa laga hayay “NINKA INTAA LEEGI INANTAYDA KAMUU DHALLI WAAYINE WUU HABRANAYAA”, Mas’uulkan fashilmay ee la caayayaana waa nin xarbi ku jira, oo dhinac walba dagaal iyo shirqoolo kaga socdaan, oo la ilowsiiyay fikirkii fiicnaa, Illaahow na Astur…

Waxa haboon qofka xil bulsho qaadayaa in uu marka hore diinta si fiican u soo barto, taas oo la rajaynayo in ay gabaad iyo dhaabad adag uga noqon karto shayaadiinta, waxa kale oo uu kaga badbaadi karaa shirqoolada qarsoon, waa in uu maamulka ka soo bilaabo meelo hoose, oo aanu Madaxweyne isku qaadin isaga oo aan gudoomiye gobol ama agaasime soo noqonin, xilalkaa hoose waxa ku jirta faa’iidooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin:
In uu ku soo adkeeyo la qabsiga shaqada.
In uu wax badan ka soo ogaado habdhaqanka maamul iyo qaabka wax loo wadi karo.
In uu soo barto noocyo badan oo dhaqamada dadka ka mid ah iyo qaabka ay wax u shirqoolaan.
Iyo wixii la mid ah…

error: Fadlan Lama Ogola !!
SOMALILAND MAANTA
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?