Inta uu meel banaan ah tagey ayuu u jeestay bari si uu u kaadjo, kadibna wadaad arkayay ayaa ku yidhi qorax-ka-soo-baxa iyo qorax-ka-dhaca diintu ma ogola in loo jeesto marka la kaadinayo, waa ka waqooyi ula jeestay kaadidii, wadaad kale ayaa hadana ku yidhi qiblada diintu ma ogola in loola jeesto kaadida, isla markaa in dabada lagu jeediyo qibladana ma ogola diintu, ninkii inta uu xanaaqay ayuu kor u kaadjay, markaas ayuu yidhi Duul Culimo Qastay ayaanu Nahay.