SHAQAAN KU JIRNAA

Odey ayaa baabuur watay, waxuuna isagoo aan fileynin baabuurkii kula dhacay god weyn oo jidka dhexdiisa ah, wuuna ka saari waayay baabuurkii.

Inta uu soo dagay ayuu hareeraha eegeegay, waxuuna arkay laba dhalinyaro ah, oo xoog badan, oo meel udhaw ka soo eegaya. dabadeed Waxuu ku yiri, I caawiya, kaalaya baabuurka igala saara godka.

Inta ay soo kaceen ayay baabuurkii odeyga kala saareen, balse Odeygii ayaa inta baabuurkii joojiyay soo dagay si uu ugu mahadceliyo, waxa uu siiyay lacag, waxa uuna ku yidhi “waad mahadsan tihiin la’aantiin kama baxeen godkan”

Intii uuna dhaqaaqin ayuu hadana ku yidhi “Adeer waxa kale oo aan idin weydiiyay, maxaa meesha idin fadhiisiyay waa maalin shaqee.

Mid baa yidhi “Adeer shaqo ayaan ku jirnaa“.

Odeygii baa ku yidhi, yacni sidee ugu jirtaan saw idinkan iska fadhiya meesha.

Waxey ku yidhaahdeen, “Adeer warmooge ayaad tahay, Godkaad ku dhacdey ayaa aan qodnaa, si baabuurtu ugu dhacdo, kadibna waan kala saarnaa, sidaasi ayaanu lacag badan ku helnaa!! adigu qofkii 18aad ee aan maanta caawiney ayaad tahay.!!

Sheekadan oo kale ayaa Siyaasadda Soomaaliya heysata sow maaha hhh

Waxa Qoray: Sayid Axmed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?