Nin ayaa u tegay Juxa, isaga oo dhibaato haysata uga cabanaya, waxaanu ku yidhi:”Juxoow, waxa aan xaaskayga, carruurtayda lixda ah, hooyaday iyo sodohday la degganayay hal qol oo keliya, Maxaan sameeyaa?”
Juxa ayaa ku yidhi, “tag oo soo iibi dameer, oo qolka ku soo xaree, oo laba ayaamood kadib igu soo noqo.”
Ninkii ayaa laba cisho kadib soo noqday, waxaanu yidhi, “Juxoow arrinku wuu ka sii daray.”
Juxa ayaa ku yidhi, “Orod tag oo soo iibi wan, oo qolka ku soo xaree, oo laba cisho kadib igu soo noqo.”
Ninkii ayaa soo noqday isaga oo cadhaysan, waxaanu yidhi, “arrinkii faraha ayuu ka sii baxay.”
Wuxu ku yidhi, “tag oo soo iibi digaagad, oo igu soo noqo laba cisho kadib.”
Ninkii ayaa soo noqday isaga oo in uu qarxyo waxyar u jira.
Juxa ayaa ku yidhi, “orod oo dameerka iibi, oo iiga soo warran xaalka.”
Ninkii ayaa soo noqday, waxaanu ku yidhi, “xaalku hadda wuu soo yara hagaagayaa.”
Kadib wuxuu ku yidhi, “orod oo wanka iibi, oo igu soo warceli.”
Ninkii ayaa soo noqday, waxaanu Juxa ku yidhi, “xaalku wuu fiican yahay hadda.”
Juxa ayaa ku yidhi, “orod oo digaagadda iibi, oo igu soo warceli.”
Ninkii ayaa soo noqday, waxaanu ku yidhi, “xaalkaygu waa sidii ugu wanaagsanayd. Qalbiga ayaan kaaga mahadnaqayaa.”ยค
Sidaas ayaa loo maareeyaa dhibaatooyinka siyaasadeed ee adduunka. Waxa ay kuu abuurayaan mushkilado cusub, si aad Eebbe ugu mahadnaqdo nimcada dhibaatooyinkaaga. Kadib waxa aad hilmaamaysaa salkii dhibaatooyinkaaga, kuwii abuuray ayaanad wanaag iyo abaal u haynaysaa.โ
Turjumid: Cali Ileeye