Ma Kala Taqaan Dhulkaaga Magacyadiisa

Jiidda ku soo jeedda Badda cas iyo gacanka Cadmeed ee Dhulka Soomaaliyeed gaar ahaan bari iyo galbeed wadajiidan ayaa waxa ku yaala Dhul la yidhaa Cal.

Cal waa magac Juquraafiyadeed oo ku tacaluqa Deegaanka samaysankiisa dhuleed, tusaale ahaan Ciidda, Dhirta, iyo Cimilada oo midba shay gooniya uu gaar la yahay.

Cashaasi waxay u qaybsantaa laba magac oo kala ah; Cal madaw iyo Cal miskeed.Casha Samayskeedu waxa uu ka soo jeedaa haddii aad u fiirsato waxa ‘great rift valley’ la odhan jiray ee Dhulka Kenya iyo bariga Afrika dhexdeeda, laakiin se marka rift-gaasi samaysmay ee Geeska Africa laag ka mid ahi ay hoos u go’day ayaa sidaa noqotay samaykeedu.

Caleey cal ma tahay maaha, marka xaaxida iyo xeebtu halka ay Baddu mawjadda ku soo tuurto ama ciiddeeda tamuuxa la soo dhaafo ayaa la soo maraa meel la yidhaa Guban.

Gubanku waa Dhul nabaat ku yar yahay, waana Dhul u badan Buurro iyo Dhul sugul ah oo madaw.waxa ku xiga qayb kale oo isla Cashii ah oo la yidhaa Calcaska.waxa ku xiga qayb kale oo la yidhaa ragarka. marka aad hore uga sii socoto ragarka waxa aad u timaaddaa Gadoobka. marka aad sare uga sii scoto gadoobka waxa aad soo gaadhaysaa Madarka.

Madarku waxa uu u sii qaybsamaa oo uu yeeshaa Saddex dhaarac, Saddexdaa waxa la kala yidhaa marta sare, marta dhexe iyo marta hoose. marka aad ka soo gudubto ayaa waxa aad soo gaadhaysaa Jar-caleedka kilifka kala qaybiya Casha iyo Oogada.marka aad ka soo baxdo fundhuciciisa kala duwan uu leeyahay waxa ka soo kor mara oo aad doo dul joogsanaysaa qaybta la yidhaa Cayawga.

Cayawga ilaa Madarka ayaa ah inta Ciidda madaw ga ah ee xarro sanka ah.Marka oogada hawdka illaa ililaha nugaaleed iyo soolasha iyo meelwaliba abarsato xiliga jiilaalka lagu magacaabaa yimaaddo ayaa Badda cas Xaysimaha soo marta ee biyaha ka soo gudba bari Carbeedka roobka ay ka soo qaaddo ayaa ku hoora oo Buurtaasi qabataa.

Marka ay guluulacatayso Daruurtu madaxana ku dhufato Buuraha halkaa ku yaal ee Ceeryaantu is xidho oo uu roobka la yidhaa Wajiinaha ama xaysimada uu ku hooro ayaa cashii madoobayd sii madoobaataa.

Marka horena waxa ay u madawdahay dhirta Maqalalaanka ah (ever green) ka ee ku yaalla ayaa magac keenay oo ay sidaa u tahay oo loogu yaqaanaa.Marka loo soo guuraayo casha ee xoolaha lagu soo wado waxa loogu heesaa:

Caleey Hooyoow

Caleemo Higloow

Caleey Waa nabad

Dhirta Ma-qalalaanka (ever green) madawga ah ee cashu leedahay waxa ka mid ah Dhosoqa, Salamaca, xayramadka, Dhicirta, Qalaanqasha, Higlada, Garaska, faleenka, Yagcarka, falaxfalaxda, Xodayga, iyo Murkudda iyo qaar kale oo badan.Casha waxa ka baxa Geed qodxeedo tiro badan waxa ka mid ah, Qansaca, Qaydarka iyo qaar kale oo badan.

Waxa ka dindima dhul-biyood ay leeyhiin taabsimahaasi oo ah Biyo joogto u socda. waxaana la yidhaa badawlaho/badawlahada,Sidoo kale waxa ay leedahay badhiimmo tifqaama oo Buuraha salkooda ka soo baxa. Waana Biyo burqanaya oo joogto ah, waxa ay yeelataa oo ka sii samaysma Gaso. Goso, waa Dhul balaadhan oo wareegsan, waa Dhul ay ka baxdo Doomaartu oo kali ahi, waxa ku gaashaysan beero.

Siciid Saalax Axmed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Fadlan Lama Ogola !!
SOMALILAND MAANTA
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?