Laba reer oo isla deganaan jiray, ayaa joogto isu dili jiray, haddana marka ay damcaan iney colaadda damiyaan, waxay isku sheegan jireen diyo ama mag.
Diyadu waa qaali, oo waxaa la isku tirsanayaa inta qof ee uu dhinac walba dilay iyo inta laga dilay, halkii qofna waxaa laga bixiyaa boqol neef oo geel ah, caadaduna waxa ay aheyd inuu reer walba sheegto in laga dilay tiro ka badan inta lagu sheeganaayo.
Marka ay dhici weydo in la xaqiijiyo xisaabta runta ah, waxaa qasab noqon jirtay in la dhaarto oo kitaab gacanta la geliyo.
Nin ka soo jeeda reer ka mid ah labada reer, ayaa wuxuu qeyb ka ahaan jiray ragga ay reerkiisa mar walba u soo saaraan inuu dhaarto.
Muddo kadib ninkii ayaa beelay araggii.
Odeyaal tol la ah ayaa maalin maalmaha ka mid ah ku yiri “hebelow dhaartii beenta aheyd ee aad Kitaabka ku dhaaran jirtay ayaa malaha kuugu wacan indha beelka“.
Odeygii indhaha beelay biyaba uma soo cabin jawaabtii ee wuxuu yiri “waa Illahey mahaddii mar haddaanan arkeyn reer hebel oo horteyda maraya“.
Waxa Qoray: Ali A. Osoble