Magaalada Lafa-Ciise

Magaalada Lafaciise waxa ay 36 KM dhanka waqooyi ka xigtaa caasimadda Degaanka Soomaalida ee Jigjiga. Sida oo kale waxa ay degmada Awbarre ee ay ka tirsantahay u jirtaa 40 KM. Waxaa lagu qiyaasaa in magaalada la degay 1948-dii.

Balse waxaa rasmi ah magaalo ahaan loogu degay 1952-dii. Intaa wixii ka horreeyey waxa ay ahayd goob beerasha caan ku ah oo loo soo doonto hadhuudhka iyo dallaga noocyadiisa kala duwan. Waxaa markii ugu horaysey magaaleeyey ganacsato Carab ah.

Lafaciise waxay ka tirsanayd dhulkii maamul ahaan hoos tagi jirey gumaystihii Ingiriiska dhulkaa la odhan jirey Hawd and Reserve Area illaa lagu wareejirey Itoobiya 1955-tii.

Lafaciise waa dhul joog hoose ah oo dhacda banka ku yaalla duleedka Jigjiga, waxa ay magaaladu jooga badda ka saraysaa 5771 fiit. Cimilo ahaan magaaladu waa qabow heer-kulka maalinlaha ah ee lafaciise wuxuu u dhaxeyaa 27-28⁰C. Magaalada Lafaciise waxaa lagu naanaysaa magaalada wax-soosaarka.

Waxay xarun ganacsi u tahay degmooyinka banka dhaca. Sida, Tulliguuleed, Harawo, Haroorays, Dambal, Awbare IKK.

Magaalada waxa ka jira ganacsi xooggan sida ka baayac mushtarka mashiicada iyo kan wax-soosaarka ee ay magaaladu soo saarto labadda. Sida oo kale waxaa ku taalla saylad xoolaha nool lagu kala iibsado oo mashquul badan, xoolo badanna laga dhoofiyo.

Waxsoosaarka dhanka beeraha waxaa na ka soo go’a dalagga noocyadiisa kala duwan, waxaa ka soo baxa qamaddiga ugu badan ee Degaanka Soomaalida ka soo go’a.

Sida oo kale waxa cajiiba iney magaalada ku taallo warshad soo saarta daqiiqda, daqiiqdaa oo laga sameeyo qamiddiga ka soo go’a Lafaciise. Waxa ay sida oo kale magaaladu caan ku tahay hilibka muqumadda ama oodkaca loo yaqaanno siyaabo kala duwan loo farsameeyo, meelo kala duwan oo fog-fog looga soo doonto magaalada.

Magaalada Lafaciise waa magaallo hormarineed, waxaa dugsigii ugu horeysey laga dhisay 1964-tii, xilligaa oo nin la odhan Girmaanu Naway u yimid bulshada Lafaciise oo u sheegay iney bulshada dhistaan dugsi wixii qalab ahna isagu keenayo, sidaa ayaana dugsi ugu horeeyey magaalada looga hirgaliyey. Waxaa mar labaad la dhisay dugsigii Labaad 1970-kii.

Master plan kii ugu horeeyey magaalada waxaa laga fuliyey 1996 ilaa 70 guri baa ku dumey fulitaankii qorshe hagaha magaalada. Ceelashii ugu horeeyey waxaa magaalada laga fuliyey 1960kii, waxaa ku yaala Lix ceel oo shan ka mid ah dowladdu qodey.Dhanka kale korontadii ama Laydhkii ugu horaysey waxay soo gaadhey magaalada 1997.

Waxa ayna ahayd magaaladii labaad ee Jigjiga ka sakow hesha korontada dowladda, waxaa xadhiga Madaxwaynihii xilligaa ee Ciid Daahir. Xaruntii caafimaad ee ugu horaysey waxaa magaalada Lafaciise laga fuliyey xilligii boqor Xayle Silaase.

Magaalada Lafaciise waa magaalo xawli ku koraysa, wakhti xaadirkan magaaladu waxay ka koobantahay shan xaafadood. Gudaha magaalada waxaa ku yaala Laba dugsi, mid hoose dhexe iyo mid dugsi sarre ah. Sida oo kale magaalooyinka ay maamusho Lafaciise wadar ahaan waxaa ku yaalla 38 Dugsi.

Waxa ku taalla xarun Caafimaad oo adeegta bulshada, waxa ay ka mid tahay magaalooyinka dhifta ee ku tiirsan wax-soorka ay iyagu soo saartaan.

Saaxiibada ree Lafaciise ee halkan iigu jiraan u sallaamayaa.

#BartaDegaanka

W-Q: Axmednuur Tamaan

3 thoughts on “Magaalada Lafa-Ciise

  1. 100,000 Backlinks only $10,Subject to data from ahrefs.com.After paid $10 by PayPal (My PayPal:[email protected]),Tell me your URL, email and comment content.I will complete the task within ten days.But It may take up to a month for the data updated from ahrefs.com.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *