Daruuraha iyo Roobabka miyaa la kala xadi karaa?

Sannadkii 2016 kii ayaan Wargeyska Geeska Afrika ku baahiyey qisada dalka Iiraan oo markaas ka cabanayey, in Israa’iil ay ka xadday daruuro roob ay ka filaysay. In kasta oo ay markaasba dad aad u badan la noqotay wax aan dhici karin, haddana sida cilmiga aadamuhu u gaadhay in uu roob samaysto, sida oo kalana ma jiro wax lala yaabo oo ku jira in daruur laga dhaqaajiyo meel ay taagnayd si ay meel kale ugu hoorto.

Dalka China muddo lixdan sanno ah ayaa uu adeegsanayey farsamada bacariminta daruuraha iyo daruuro samaysashada, dhowaanna waxa uu samaystay teknoolajiyad awood u leh in ay abuurti roob iyo baraf iyo farsamo casri ah oo sannadka 2025 u suurta gelin doonta in mar kasta oo uu u baahdo uu samaysato roob hal mar wada heli kara dhul cabbirkiisu dhan yahay 5.5 Milyan oo Mayl labajibbaaran ah.

Waxa kale oo uu China sameeyey farsamo uu ku baajin karo roobka, isla markaana uu cirka ka kaxayn karo daruuraha.

Waxa aanay dunidu u soo joogtay ciyaarihii Olambikada ee 2008 dii lagu qabtay oo uu China daruurihii ka kaxeeyey cirka, kana hortegey in roob da’o isaga oo adeegsanaya maaddooyin lagu cabbeeyey gantaalo uu in ka badan kun xabbo hawada ku ganay.

Sannadkii 1963 kii, Xilligii dagaalkii Fiyatnaam markii uu Maraykanku ku fashilmay in uu iska difaaco weerarrada kooxihii wax iska caabbinta, waxa uu miciinsaday farsamo uu roobab ba’an kaga di’iyey deegaankii keymaha iyo dhul beeraadka u baahnaa, taas oo sababtay in gaadiidkii iyo ciidamadii wax iska caabbintu ku xayirmaan roobabka iyo dhiiqada, sidaas awgeed aanay u iman.

Inkasta oo ay Maraykanka kaga baxday lacag gaadhaysa 3.5 Milyan oo doolar oo dabcan waqtigaas lacag aad u badan ahayd.

Midowga Soofiyeti oo arrintaas ka cadhooday ayaa markiiba golaha guud ee Qaramada Midoobey u gudbiyey xeer mamnuuc ka dhigaya in cimilada wax ka beddel lagu sameeyo iyada oo laga leeyahay dano iyo ujeedooyin milateri.

XADISTA DARUURAHA

Mar sii horreysayna dawladda Hindiya ayaa si rasmi ah dalka China ugu eedeeyey in uu roobka ka xado. Waxa ay sheegtay in China uu dhexda u galo daruuraha u soo jihaysan dhinaca Hindiya oo xad la leh, kaddibna uu dalkiisa ku dul hooriyo. Arrintaas, ayaa ay Hindiya sheegtay in ay sababtay abaaraha dalkeeda ku batay iyo raadka taban ee ay ku yeesheen waxsoosaarkii beeraha.

Hindiya waxa ay sheegtay in Shiinuhu uu caadaystay in uu daruuraha roobka ka xado Hindiya iyo dalalka kale ee deriska la ah.

Isla sidaas oo kale ayaa uu dalka Iiraan, waxa uu Israa’iil ku eedeeyey in ay hor istaagtay daruuro roobsiday oo ku soo jihaysnaa dalkeeda, iyada oo ujeedada Yuhuuddu ay tahay in abaaro ka jiray Iiraan ay sii bataan, iyo in laga takhaluso waxsoosaarka beeraha.

KHATARTA

Saynisyahannada adduunku shaqo badan ayaa ay ka qabteen sidii loo yarayn lahaa khatarta deegaan ee ka dhalan karta roobka samayska ah, waxa aanay curiyeen habab teknoolajiyadeed oo koronto ku bacariminaya daruuraha, halkii awal laga adeegsan jiray maaddooyin kiimikaad.

Taas oo ujeedada ay ka leeyihiin ay tahay in la tirtiro khatarta ka dhalan karta roobka.Haddana waxaa weli jirta qaylo dhaan deegaan oo ay culimadu ka soo sheegayaan roobka iyo barafka samayska ah, kuwaas oo ay sheegeen in ay burburinayaan dabeecadda abuurka ah ee deegaanka, isla markaana khalkhal ku keenayaan nidaamka dabiiciga ah ee cimiladu marka hore u shaqaynaysay, taas oo ay ka dhalan karaan khataro badan oo deegaan iyo caafimaad.Ugu dambayntii, aadamuhu waa uu awooday in uu dib u Injineeriyo cimilada, laakiin nasiibdarro, waxa aad looga baqo qabaa, in roob xadistu ay ugu dambaynta ka mid noqon karto sababaha dagaal ee dawladaha adduunku isku dilaan.

Waxa Qorey: Kamaal Marjaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *