Markii aan Soomaaliya tagay, waxyaabaha iga yaabiyay ee aan soo arkay waxaa kamid ahaa:
Qof uu mushaarkiisu ka yar yahay $500 oo heysta iPhone 12. Taleefonkaas qiimaha uu Soomaaliya ka joogay waa $1200 ama ka badan.
Hadda ayaan sii fajacay markaan arkay qof aananba shaqeynin (Baagamuuddo) oo iPhone 13 oo aan wali Soomaaliya gaarin Mareykanka kasoo dalbaday oo la gaarsiiyay.
Mareykanka waxaad ku arkeysaa qof uu mushaarkiisu bishii $12,000 kor u dhaafayo oo haddana haysta iPhone 7 ama mid ka hooseeya.
Muxuu yahay farqiga u dhexeeya iPhone 10 iyo 13.? qofka Soomaaliya jooga -ee taleefoonkaas gudaha USA lagu iibsanayo $1100 soo dalbaday- ma yaqaanno farqiga. (farqi maba jiree)
Qofka Mareykanka jooga, waxaa hubanti ah in aanu $1100 mar kaliya taleefoon ka bixinaynin. Waa sababta ay sharikadda Apple ha i wareerininta ugu iibiso. Waxaa laga yaabaa in bil kasta lagaa jaro $20 ama $30, qofkii oo aan dareeminna ay lacagtii ka dhamaato.
Laakiin anigu waxaan waalli u arkaa adiga oo Soomaaliya jooga in aad qaadato taleefoon $1200 ah.
Miisaaniyadda sanadka dhan lagu maamulo Soomaaliya waa $300 milyan, lacagta (lafaha) sharikadda Apple-na waa $30 Bilyan. 100 jeer ayay ka badan tahay miisaaniyadda waddankeenna
Jaamacadaha dalku waa in ay dadka baraan sida uu qofku isugu jaan-goyn karo baahidiisa iyo waxa uu haysto.
Waxa Qoray: Jacfar Kuukaay