Somaliland waxa sanadkan bilawgiisii ku bilaabmay dagaallo toos ah, oo u muuqda kuwo muddo badan laga soo shaqeynayay, oo qorsheysnaa, walow kuwa dagaalka wadaa, ay sida muuqata ku sababeeyaan ama warbaahinta ka sheegaan, in tabashooyin keeneen dagaaladdani, haddana tuhunka ah in daaha dabadiisa ay ku jiraan, cid kale oo aan kuwan muuqda ee dagaalka wada ahayni waa 100%, marka xaaladaha jira iyo sida ay wax u socdaan aynu u fiirsanno.
Duulaankani aniga aragtidayda waxa soo qaaday laba kooxood, oo mabda’a ahaan kala duwan, se xasadkay inoo qabaan iyo waxyeelada Somaliland ay u geysanayaan ka mideysan, Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye waxaynu ka baryaynaa, inuu shar-wadayaashaasi doonaya in ay dadkeena iyo dalkeena fitno ka dhex abuuraan uu inagaga filnaado, oo dhibkooda iyo dabka ay hurinayaan uu biyo bakhtiiya inagaga shubo Idamka Alle, Aamiin.
Labadan kooxood waxa ay kala yihiin:
- Kooxaha budhcad-diimeedka ah oo iyaga aanay dantoodu ku jirin kala go’a ama gu’itaanka somaliland, maadaama kooxdoodu ka kooban tahay qabaa’illada soomaalida badankooda. ka akhri halkan
- Iyo Koox sheeganaysa in ay midnimo soomaaliyeed u socdaan, oo raadinayaan, se aanay dhab ka ahayne xasad somaliland-nimo ay ku hoos qarinayaan. ka akhri halkan
Qaybta 2aad
Cadawga kala mabaadii’da ah se ku mideysan waxyeelada Qaranka Somaliland, kuwaasi oo ka xun dadaalka ay shacabka iyo dawladu ba ugu jiraan hirgelinta himilooyinka ka dhiman qarannimada Somaliland, waxa ay mar walba xanibaad ku ahaayeen horumarka iyo hore-u-socodka Qaranka Somaliland, kaasi oo cadaawadooda gunnimo-dagaallanka ahi ay kolba heer taagneyd, mar ay af-xumo iyo ceebayn itaalkoodu ahaa,iyo mar ay cabudhin dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed innagu waajaheenba, Illaahay Mahadii intaaba Qaranka Somaliland wuu ka soo dabaalanayay jalaafo kasta oo ay u dhigaanba.
Hadaba adkeysigaasi waxa uu Qaranka Somaliland u hadyeeyay, in wax badan oo kamid ah himillooyinkii qarannimo inoo hirgalaan, waxa sannadihii u dambeeyay Somaliland gaadhay guulo waaweyn oo taariikhi ah, waxa ka mid ah:
- Dekeddii Berbera oo la balaadhiyay, si casri ahna loo dhisay, awoodna u yeelatay in ay u adeegi karto badi gaadiidka badda noocyadooda kala duwan,
- Airport-kii Berbera oo la balaadhiyay, si casri ahna loo dhisay, awoodna u yeeshay inuu u adeegi karo badi gaadiidka cirka noocyadiisa kala duwan,
- Dalkii oo noqday mid ay ka qabsoomeen doorashooyin badan, oo si habsami ah inoogu qabsoomay, isla markaana loo diyaar-garoobayo kuwa soo socda, dadkiina u bislaadeen ka qaybgalkooda,
- Shidaalkii dalka oo qodistiisa dhowr goobood la bilaabay,
- Nabadgelyadii guud oo noqotay mid ay dadkii qabatimeen, illaashinkeediina dan u noqday shacabkii, maxaa yeelay; waxa badi dadkii yaryar iyo waaweynba yeesheen hiigsi iyo himillooyin togan, oo gaadhitaankooda nabad mooyee wax kale lagu gaadhi karin,
- Siyaasiyiin dhallinyar u badan oo soo baxay, oo ay ka go’an tahay in ay dadkooda iyo dalkooda wax u qabtaan, halka shacabkiina inbadan oo ka mid ahi siyaasiyan ay bislaadeen, oo cidda ay codka siinayaan ku qiimeeya midkii waxtar u leh,
- Badi marinnadii isku xidhayay gobolladii dalka oo dhamaaday, qaarkoodna qorsheysan yihiin,
- Iyo ta u muhiimsan oo ah, indhihii caalamka oo Somaliland u soo jeestay, ha noqdaan kuwo innaga fog-fog ama kuwa deriskaba, ha noqdaan kuwa si gaar ah u daneeyay barta aynu kaga naallo qaaradda Afrika, ama kuwa amniga gobolku muhiimka u yahayba’e, waxa dalal badan oo uu Maraykanku ugu horeeyaa, la yimaadeen dhaqdhaqaaq muuqda, oo ay la yeelanayaan Qaranka Somaliland, ha noqdo mid is-kaashi ama mid maalgashiba,
Guulahaasi oo xukuumadihii kala dambeeyay u soo halgameen, mid curisa, mid bilawgiisa daadahaysa iyo mid dhameystirkiisa hirgelisaba, waxa xukuumadda hadda joogtaa ay muujisay ka-go’naansho iyo dadaal dheeraad ah, oo u quusgooyay cadawgii huwanta ahaa, iyada oo dardar-gelisay dadaaladii qarannimada lagu xaqiijinayay, isla markaanna u xusul-duubatay xanaftirka iyo dhameystirka dhamaan hawlihii hore u soo socday, oo ay ka mid yihiin kuwaa aynu soo xusnay.
Cadawgii Somaliland-diidka ahaa waxa uu sanadkan bilawgiisii ku soo qaaday dalka, dagaal saf balaadhan ah, oo ay ugu talo-galeen in ay ku waxyeeleeyaan qarannimada, iyaga oo adeegsannaya tab iyo xeel ama arrin iyo adduun wixii ay hayeen, oo aanay waxba la hadhin, noocyada weeraradaasi waxa ka mid ah:
- Dad innaga mid ah, oo iyaga u adeegaya, oo ay hore ugu dhex sameysteen dalka iyo dawlada qaybahooda kala duwan, ayay soo kaakiciyeen, oo si muuqata iyo si qarsoonba qarannimadii ka weeraray gudaheenna, iyaga iska-dhigaya kuwo wax hagaajinaya,
- Warbaahintii gudaha iyo tii caalamiga qaarkood, iyo weliba baraha Internet-ka ee bulshadu ku kulanto, oo ay ku soo bandhigeen barnaamijyo iyo wareysiyo been u badan, oo isku-dir iyo kala-irdheyn bulsho ay uga jeedaan, dadkeenana inbadan ay ku harawsadeen, oo run jirta ay moodeen,
- Khilaafyo siyaasi ah, oo ay ka dhex bilaabeen dalka gudihiisa, kuwaasi oo ay horboodayaan siyaasiyiin qaranka lagu dhex beertay,
- Madax-dhaqameedkii qabaa’ilka dalka qaarkood oo ay iyagana saameyn ku yeesheen, taasi oo keentay halistii ugu weyneyd ee gilgishay qaranka,
- Iyo colaad horleh oo ay ka oogeen bariga gobolka Sool, haatanna sii maraysa koonfurta iyo bariga gobolka Togdheer.
Jimce ay bishii 8aad ahayd 25 sanadkan 2023, Ciidankii Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, halyeeyadii astaanta u ahaa nabadda iyo horumarka dalka, qaybihii ku sugnaa gobolka Sool, waxa lagu soo qaaday weerar noociisa aanay hore u arkin ciidanku, kaasi oo fulintiisa lagu shaqlay khiyaamooyin badan, oo aad ka dhex arkeyso in shirqoolkaasi la geliyay dadaal badan oo maskaxeed iyo mid lacageedba, khiyaamooyinkii dhacay maalintan (25-08-2023) lama illaawaanka ah, qaarkood ilaa imika ayaan shacabka iyo ciidanka badankii fahmin sidii iyo habkii looga hawlgalay.
Shirqoolkaa ciidamada loo dhigay, waxa ku naf waayay ciidan aad u badan, halka tiro boqolaal ahna ay u gacan-galeen budhcadii iyo jabhadii arxan-laaweyaasha u badnaa, ilaa imikana ay weli gacantooda ku jiraan, arrinta dhiilada leh ayaa waxa ay tahay, tan iyo maalintii qabtu dhacday, in aad looga deyrinayo bedqadka ciidamadaa aan ka mudneyn ee ay budhcadu maxaabiista ka dhigeen, lana diiwaangeliyay hab-dhaqanno argagax leh oo ay kula dhaqmayaan ciidanka ay hayaan, waxa la sheegayaa in kolba qaar ay la baxayaan oo jidh-dil nafta kaga goynayaan, halka ciidanka qaarkoodna ay la soo hadashiinayaan eheladoodii, oo ay lacag iyo madaxfurasho soo weydiinayaan ehelka, waa dhaqanno ugub innagu ah, Alle ha sahlo! Iyada oo aynu ku jirno qarnigii 21aad, oo dadyawga adduunyada ku nool badankood u tafa-xayteen nabad iyo horumar bulsheed, in ay innala nool yihiin, oo aynu isku deegaan nahay dad faankooda u weyni yahay, naf bini-aadam ayaan gooyay oo waan soo cibaadeystay, waa ayaan daro weyn, waxaana loo baahan yahay in la isku geeyo fikir iyo faham wixii la hayo, oo dawlad iyo shacabba guntiga loo xidho sidii looga hawlgeli lahaa joojinta dhaqankaa cawaannimada ah iyo ehelkiisaba.
Inta ka dhimatay Ciidamada Qaranka waxa aynu Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye u weydiinaynaa inuu naxariistii janno siiyo, ehelkoodii iyo Qarankana uu Rabbo booskii ay ugu jireen u buuxiyo, inta dhaawaca ahna waxaynu Raxmaanka uga baryaynaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo, kuwa ku jira gacanta budhcaddana waxa aynu Illaahay ka baryaynaa inuu ka soo furfuro, oo iyagoo bedqaba uu baradoodii ku soo celiyo, Aamiin.
Weeraradii qorsheysnaa ee huwanta kala ujeedooyinka ahi ugu talogaleen, in ay dawladnimada Somaliland ku dhaawacaan, weli way socdaan, isla saacadaa aan qormadani qorayo, waxa weli socda dagaal qadhaadh, oo ay budhcadii ku soo qaaday shacabka ku nool deegaanka Buqdharkeyn, oo dhacca meel u dhexeysa magaalooyinka Oog iyo Yeyle, waxa ay budhcadu halkaasi ku laayeen shacab deegaankoodii jooga, horena waxa ay furin dagaal kaga fureen Qaranka deegaanka Qorilugud, iyaga oo geelna dhacay dad shacab ahna ku laayay, kadibna shacabkii deegaanka iyo budhcadu ay isku fara-saareen Maskax-Buqle, bal u fiirso cadawga huwanta ah qorshihiisu waxa weeyi, in ay dalka ka bilaabaan dagaalo qabali ah, si ay meesha uga saaraan fahamkii guud ee ahaa budhcad ama jabhad la dagaalamaysa Qaranka Somaliland.
Markii Somaliland-diidku shaqaaqooyin iyo dagaallo dhiig badani ku daatay ay ka fuliyeen bariga gobolka Sool iyo hawdka gobolka Togdheer, dhallinyartii deegaannadaasina ay qalinkii ugu bedeleen qori, waxay hadanna Somaliland-diidkii isku dayeen, in ay dhaqdhaqaajiyaan gobolka Awdal, se u malayn maayo; in shacabka gobolka Awdal ay ka dhaadhicin karaan, talo-xumo salka ku haysta naceyb iyo kala-irdheynta reer Awdal iyo Somaliland inteeda kale ka dhex abuuranta, mar hadii dadku sidan uun u wada joogayo, dalka iyo deegaankuna yahay kaa aynu ku wada nool nahay, in nabadda laga wada shaqeeyo mooyee, in la yidhaa ku dhufta idinna maanta ayay Somaliland liidataaye, waa utun aan hadhayn iyo dhagar cadawgu u qoolayo dadkaa isku deegaanka ah, ee xigtada iyo xigaalka ah, meel ay ku kala tegayaanna jirin, wixii ku soo kordhaana yahay mid ku wada dul dhacaya.
Hadiiba tabasho ama cabasho jirto, wixii reer Awdal ka maqani, waa wax reer Somaliland oo dhan ka wada maqan, waynu is-wada ognahay oo waxba inooma kala qarsoonna, xukuumadaha inna soo marana kolba talada ta haysa, waxaynu daw ugu leenahay inaynu kala xisaabtanno waxqabadkeeda, oo deegaan kastaa kula xisaabtamo horumarka, sidaasi ayaa dastuurka inoogu qoran, hadii qodobkaa la qoodsado waa la bedeli karaa, golaha sharci-dejinta ayaanay u taallaa, se xaq uguma lihin Madaxweynihii shacabku doorteen, in taladii lala wado, oo cidda uu magacaabayo iyo team-ka uu ku soo gelayo garoonka waxqabadka loo tilmaamo, waa in uu xor u noqdaa talada, oo koox ama team wanaagsan oo uu fahmi karayo isagu soo xusho, hadii innagu aynu u soo xulno ama dad dano gaar ah lihi ku khasbaan, mid ay wataan inuu u magacaabo, dee markaa waxqabad suurogal maaha, waana mid ka mid ah waxyaabihii ugu badnaa ee mar kasta ragaadin jiray waxqabadka xukuumada, jaalna la ahaayeen xukuumadihii u kala dambeeyay talada Somaliland, marka aad war-wareysato dadka xogogaalka ah, waxaad ogaanaysaa in Madaxweyne kastaa uu khaati ka joogey, dad xil loo doonayo, oo ay wataan dad danno-shakhsi oo gaar ah ama ujeedooyin kale leh, xeeladda ay damacooda ku meel marinayaanna tahay, iyaga oo ku hoos dhuumanaya qabiilkooda, oo dadka qabiil ku abaabulaya si loogu fuliyo ujeedkooda, waxa kale oo iyana mushkilad ku ah waxqabadka xukuumada, qabaa’illo xafiiltamaya oo ku doodaya inay helaan tirada reer hebel ka heleen xukuumadda, mid u dhiganta.
Reer Awdal u maleyn maayo in tacabkoodii sodonka sannadood ay soo daadahaynayeen, ku lumiyaan dano u gaar ah shakhsiyaad calooshood-u-shaqeystayaal ah, bal u fiirso; reer Awdal waxa ay soo saarteen, oo qarannimadeena dhutinaysa uga faa’iideysteen boqolaal iyo kumanyaal dhallinyar ah, oo isugu jira hablo iyo innamo waxbartay, oo noqday aqoonyahanno sita Bachelor ama Master amaba Philosophy Doctorate, waxa intaa u dheer, oo ay gaar la yihiin aqoonyahannada bartay caafimaadka, oo tirada ugu badan reer Awdal yihiin.
Dhallinyartaasi waxbaratay, waxa marag-ma-doon ah oo aynu garan karnaa in mid kasta maankiisa ay ka buuxaan himillooyin iyo hiigsiyo badan oo togan, oo mid kastaa is-leeyahay aad gaadhid, se wuxuunbay hirgelin karaan inta nabadi jirto, in qofku hiigsi iyo himilooyin yeesho, ayaa waxa ay sheegaysaa in nabadi jirto, kolka ay colaadi jirto, qofka fikirkiisa oo dhami wuxuu ku soo ururaa sidii uu u badbaadi lahaa “Inta Nabadi Joogtaa Ninba Laba Nin Leeg Yahay”, kolkaa u maleyn maayo in waxgaradka reer Awdal, ay ogolaanayaan in dhallinyartaasi la han-jabiyo, oo sida ka dhacday bariga Sool, qalinkii loogu bedelayo qori, Illaahay ayaynu ka magan galnay, wixii innaga maqan caqliga wanaagsani wuxuu sheegayaa, in nabad iyo degenaansho lagu raadiyo.
Reer Awdal sodonkaa sannadood waxa ay yeesheen, ganacsato badan welina soo kordhaysa, oo maalinba qof ku cusubi ku soo biirayo ganacsigii iyo ganacsiyo heerar kala duwan leh, oo ku fadhiya kumanaan-kun iyo malaayiin dollar, ha noqdaan kuwa gobolka Awdal ku kooban ama kuwa ka jira guud ahaan dalka’e, hadda waa sidaasi oo aan dalku lahayn dhaqaale weyn ama ilo-dhaqaale oo innagu filan, se aynu weli ku jirno marxalladii koritaanka, waxa aan uga socdaa; dhengagaalayaasha qurbaha ka soo hadla, ee uu Mudane Cabdiraxmaan Saylici ku tilmaamay inay yihiin kuwo nolosha ka dhacay, waxay ku celceliyaan, oo hadalladooda ku badan, reer Awdal waa la haystaa, iyaga oo iska dhigaya kuwo u daneynaya dadka reer Awdal, hadaba gari Alle ayay taqaane; reer Awdal oo ku jira xaaladaa aynu kor ku xusnay, miyaa la odhan karaa waa la haystaa.
Bal is-barbar-dhig ku samee guud ahaan qaybaha nolosha caadiga ah ee reer Awdal iyo reer Harawo, dadka labadaa gobol ku kala nooli waa isku mid ab ahaan iyo isir ahaanba, hadana xag walba reer Awdal ayaa kaga horumarsan, oo kaga horeeya, xataa in aynu is-barbar-dhig ku sameyno ayaaba qalad ah, maxaa yeelay; meelaha isku dhawaansho ka muuqdo ayaa la baratansiiyaa, waxa aynu ka xusi karnaa Awdal waa gobol, ka kooban degmooyin mid waliba iskeed isu maamusho, oo gole deegaan oo ay dadka degmada ku nooli gacantooda kula soo baxeen u adeegaan, halka deegaannada Harawo iyada oo laga helayo dhamaan wixii loogu ogolaan lahaa in ay gobol noqdaan, hadanna kuwii haystay ee taladooda lahaa aanay u ogolaanin, weliba iyadoo deegaannadaasi ay furin dagaal yihiin, haatanna lambarka 1aad ka ah deegaannada halista ugu jira ololaha Oromiyaynta ee dhulkii Soomaali-Galbeed ka socda, Rabbi ha ka nabadgeliyo’e, bal is-weydii magaalada Lafaciise oo ah mid qadiimi ah, oo ilaa xilligii Mililik jirtay waa qabalay ama tuulo, halka magaalooyin dhawaan sameysmay, oo ku yaal deegaannada ay gaarka u degaan reerka ka taliya, ee ka doobiya Soomaali-Galbeed laga dhigay gobollo amaba degmooyin, reer Awdal fartay doonaan ayay qoraan Somaliland gudaheeda, waxaanay ka yihiin mulkiilayaal weedhooda iyo warkooduba meel mar yahay, markaa ma reer Awdal ayaa la haystaa mise reer Harawo, si aad bal u fahamto kalmadda ah “Waa La Haystaa”.
Dadka ku abtirsada reer Awdal ee lagu harawsaday Soomaalinimo, ee laga dhaadhiciyay Soomaaliweyn ayaa la raadinayaa, oo reer Somaliland ay diidan yihiin, waxaad ogaataan hadii aynu Soomaali Waqooyi ama Reer Somaliland nahay, in ladhka Soomaaliweyn kuwii kiciyay aynu ahayn, in aan dadaalka aynu gelinay in Soomaali mideysan la helo, aanay jirin Soomaali kale oo geliyay, in dagaalka aynu u galnay ka midha-dhalinta Soomaaliweyn aanay jirin cid kale oo gashay, kuwii dadaaladii Soomaaliweyn lagu raadinayay oo dhan fashiliyay, ee aan laga haynin wax muuqda oo la sheego, oo ay ku darsadeen dadaaladii mideynta Soomaalida, waxa kaliya ee loo diiwaangeliyayna uu yahay, in ay iyagu masuul ka ahaayeen burburkii umada Soomaaliyeed, ceelna ku rideen hiigsigii midow Soomaaliyeed, inay maanta Soomaalida ku harawsadaan Soomaali ayaanu mideynaynaa, oo cidbaa diidan, cidii ka dhageysaneysaba ha ku harawsadaan.
Bal hada eeg; kan reer Awdal ee lagu harawsaday Soomaaliweyn, ogow halkaa aad ku ordeyso waxa kaaga horeeya, reerkii Soomaali dumiyay, ee is-mahadiyay, ee aaminsanaa Soomaali cid aan iyaga ahayni in aanay u talin karinba, hadii uu fahamku kugu adkaadana, aan kuu jilciyee kan la harawsadayoow; Soomaaliweyn waxa kaaga horeeya, kuwa ilaa maanta Harawo oo mudan una qalanta gobol u quudhi-waayay, ee Qoloji ama halkii barakacayaasha la dejiyay shalay ama waagii dhoweyto, durba u abaabulaya gobol Daakhate la yidhaa, waa reerka Soomaalidii faraha badneyd ee ku noolaa Faafan iyo ilaa Hararge ilaa iyo Waqooyiga Baali, ee Gurre lahaa, ee Garre lahaa, Gariire, Gurgure, Gaadsan, Jaarso, Akisho iyo qaar kale oo badanba ku kalifay inay Oromoobaan, markii taladii laga sheegtay, islamarkaanna magacii Soomaalinimo lagu dulmiyay, iyada oo la adeegsannayo dawladii magaca Soomaali sidatay ee la xukun-maroorsaday, tusaalena ay u tahay Jaarso, oo weli uu qoyan yahay raadka tacadigii iyo xadgudubkii qabiileysnaa ee lagula kacay, dantuna badday in ay u tagaan, oo dhulkoodii la hoos galaan kililka Oromada, si ay uga badbaadaan in dhulkooda lagu qaato xaglin qabyaaladeysan, oo lagu fushanayo ama meel-marsanayo dawladii magaca Soomaali sidatay, ee ay xukunkeeda maroorsadeen Daaroodku.
Marka ay noqoto dawlad Soomaaliweyn ka dhaxeysa, ogow tirada xubnaha dawladu ka badan maayaan intaa Somaliland, hadii ay noqoto wasiiro iyo hadii ay noqoto qaybaha kale ee dawladdaba, bal isweydiiyoo marka kun iyo kaakac qabiil oo wada soomaali ahi, ay noqoto in loo qaybiyo dawladaa kooban, kuwii Somaliland duminteeda loo adeegsannayay, ee ku af-gobaadsanayay saami ayaa Somaliland nagaga maqan, saami intee le’eg ayaa ku soo hagaagi doona, ama ay ka heli doonaan, dawladaa kooban ee kun iyo kaakaca qabiil ee Soomaaliyeed rabaan, in ay ka wada dhex muuqdaan, oo weliba kaaga daranta ay ka mid yihiin Daaroodkii, oo boqolaal faraarood leh, oo jilib kasta oo Daarood ahi aaminsan yahay, in aan soomaali cid aan iyaga ahayniba u talin karin, tusaale ahaan; Isaaqu hadii ay ugu badnaan ka helaan 1-wasiir, Gadabuursi u maleyn maayo in ay DG ama Agaasime ka badsan doonaan, Dhulbahante iyo Warsangelina marka ay soomaaliweyn noqoto, waxa ay noqdaan jilib Majeerteenka ka mid ah, oo imikaba xildhibaannada Federaalka qaybta ay ku leeyihiin iyagaa u soo xula hore ayaa loo yidhi “Wax badso wax beel ayay dhashaa !”
Bal is-weydii; bariga gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle maxaa dabka loo sudhay, ee dhiiga badan loogu daadiyay, dadka ku nool deegaannadaasi ee reer Somaliland, tan iyo markii ay Somaliland gaadhsiisay maamulkeeda, wax dhibaato ah oo ka jiray ama lagu hayay ma jirin, weliba qaranku waxa uu u qoondeeyay kab gaar u ah deegaannadaasi iyo daryeel ka duwan kuwa Qaranku siiyo gobollada kale, waxa sidaa loo sameynayay in ay dalkooda aaminaan, oo yaqiinsadaan in ay ka yihiin mulkiilayaal, taladiisana ay ula siman yihiin dadka ku nool gobollada kale, dadaalka uuni ka xigo, iyo in aanay u nuglaan beenta iyo harawsiga cadawga Somaliland, dhulbahante waxay u noolaayeen sida ay u nool yihiin dadka Awdal amaba gobollada kale ee dalka, aakhirkii waa taa lagu kiciyay beentii, iyada oo lagu yidhi “Idinkoo ah daraawiishtii Ingiriis la dagaalantay, sidee Iidoor idiin maamulaan…”.
Daarood oo ay kaga dhagtay Soomaaliweyn, abaabulka ugu badan ee lagu mideynayo Soomaalidana isagu hada wada, isla markaana weerarada lagu waxyeelaynayo qarannimada Somaliland dadaalka ugu badan ku bixiyay, ma ogtahay sababta ay ololahan u wadaan, sababtu waxa weeyi; Daarood waa reer ku kala dhex googo’ay shantaa gobol ee Soomaalida, midawga shantaa gobolna waxa ay ula micno tahay midawgii Daarood, sidaa ha u fahmaan dadka lagu qaldayo af-gobaadsiga Soomaaliweyn, hadii soomaalida qaarkood moodayaan in midawgu maanta xal u yahay soomaali, ha ogaadaan in kuwii sababta u ahaa dumitaanka soomaalidu weli halkoodii ka miisayaan, oo qabyaaladii iyo tookhii ay isla joogeen sidiisii yahay, hadii la midoobana dulmiga iyo cadaalad-daradu in ay sidii waagii kasii darto mooyee, aanay ka raynayn, sababtuna tahay wixii dhibta keenay ayaa weli jira, fikirkii xumaa ee soomaali dumiyay ayaa weli taagan, maahmaah ayaa ahayd “Kabo-tolaha kabihiisa ayaa la eegaa!”
Bal u fiirso; reerka ololahan Soomaaliweyn wada, waxa ugu fadallo cad, oo abaabulka ugu badan wada, labada reer ee Ogaadeen iyo Majeerteen, qofka Ogaadeen ka sugaya cadaalad iyo soomaalinimo ha eego uun Soomaali-galbeed sida ay ka dhigeen, kililka 5aad ee Itoobiya, waa ka ugu liita xag walba dalkaasi Itoobiya, waxaana sabab u ah reerkaa talada maroorsaday, waa reerka aaminsan in aan gobolkaasi Soomaali-Galbeed iyaga mooyee cid kale ka talin karin, magac aan ka qabiilkooda ahaynna loogu yeedhi karin (Ogaadeeniya), hadda Soomaali-Galbeed waa gobolka kaliya ee dhamaan qabaa’ilka soomaaliyeed mid kasta laga soo heli karo, ha ku badnaadaan ama ha ku yaraadaane, in badan oo qabaa’ilkii soomaaliyeed ee gobolkaasi degenaydna Oromoobeen, oo kililka Oromada u carareen cadaalad-daro awgeed, bal is-weydii marka ay reerkaasi leeyihiin Soomaaliweyn ayaanu raadinaynaa, miyaanay af-gobaadsi ahayn iyo hadal af laga yidhi.
Majeerteen waxay sameysteen maamul shaqaynayay muddo imika 30-sanno ku dhaw, dagaalkii ay ku soo qaadeen Laascaanood, waxa uu qaawiyay Puntland, waxa soo baxday in magac mooyee maamulkaasi aanu ahayn mid xaqiiq ah, dadkuna ay kuwada nool yihiin uun tolnimo iyo is-ilmaadeeraysi, aqallada ayaa hubka iyo tiknikadu iska taal-taal, miyaanad ogeyn Kaarihii Saabuun, ee ciidamada qaranka Somaliland ka qabteen, in ay lahayd gabadh reer Puntland ah, deyrka aqalka ayaa uu sidii gaadhi Hamer ah ugu baarkingareysnaa, jufo iyo jilib kastaa tikniko iyo ciidan u gaar ah ayaa ay haystaan, se nidaam dawladeed oo xeerar iyo direetooyin lagu maamulo ma leh, taariikhdii ay ka dhigeen Majeerteenku dagaalkan Isaaq-naceybka, sidii ciyaaraha koobka aduunka ee maalinta ay bilaabmayaan kolba wadan isaga oo dhaqankiisii iyo hidihiisii wata garoonka xafladda soo gelayay, sow kuwii dagaalkii Laascaanood maalinba jufo ama jilib oodihiisa wata keenay Laaskii, show nimanku dawladba maahee qabaa’il kala shakisan, oo difaac isugu jira, ayaa uun baa calankan midabada leh wada sheegta, kolkaa reerka laba gobol iyo badh (Bari, Nugaal iyo Mudug oo qayb ah) u talin kari waayay, oo nidaam dawladeed ka sameyn kari waayay, hadanna u bu’aya Soomaaliweyn ayaanu dhisaynaa, oo maamulaynaa, miyaanay ahayn “Islaantii xaabada la kici kari weyday, ee tidhi ii soo biiriya”
Somaliland gaar ahaan gobollada Maroodi-jeex, Saaxil iyo Togdheer, hore ayaa ay Daaroodku dulmi badan uga geysteen, oo ay u burburiyeen, dadkana u xasuuqeen Isaaq-naceyb dartii, kamaynaan daba tegin, oo kulamaynaan xisaabtamin gabood-falladaasi la inoo geystay, Illaahay ayaynu ku hadhnay, dalkeeniina weynu dhisannay, oo dawlad talo-wadaag ah ayaynu wada-dhisannay reerihii aynu Somaliland kuwada nooleyn, hadaba in Daarood mar kale weerar innagu soo qaado Isaaq-naceyb ah, oo uu u soo tafo-xayto inuu inaga dumiyo wixii aynu dhisannay, miyaanay ahayn dheeraad iyo ka-badbadin.