Waxay Ku Leeyihiin: “Guurso”

Guurso maxaad u fadhidaa reer dhiso, oo nolol samayso, sidee ayaad ku nooshahay adoo nin wayn ah, aa cabaya cunaya hadana doob ah!

Waa ereyo ay haadaan kaga tuuran, dad is moodaya inay dhalinyarada wanaag kula talinayaan, waaqica jirana aan waxba ka ogayn.

Doobnimadu waa nolol aan u fiicnayn kuwa xumaanta ka dhawrsoon, wayna adag tahay inay ku faraxsanadaan noloshaas jirrabka badan, guurkuna waa sunne ay xasilooni iyo deganaan ka helaan jirka iyo ruuxduba, balse waxaa is waydiin mudan? maxaa farqi ah oo udhaxeeya guurka maanta jira iyo kuwii hore? yaase guursan kara maanta?

Guurkii hore waxa uu ka bilaabanayay talaabo adag, oo ah yaradka reerka gabadha la siiyo, oo xoolo badan ayaa la iska qaadayay, wayna adkayd nin caydh ah inuu guursado, wiilasha reero xoola badan leh ka dhashayna way u sahlanayd inay guursadan, balse talabadaas koobaad ee salaanka(jaranjarada) nolosha xaasle laga korayo, tii doobnimadana lagaga kacayo, ayaa ahayd mid adag, hadii laga gudbana talaaboyinka kale way sahlanaayeen, dhawr neef oo xoolo ah ama beer yar oo uu tabcado ayaa nolosha dhan kaafinaysay,

  • ma jirin koronto,
  • biyo lacag laga bixinayo,
  • guri kiro ah,
  • lacaggo gaadiid lagu raaco marka meel dan laga yeesho, oo waa loo lugaynayay,
  • marka caruur dhashaan waxbarashada koobaad waxay ahayd quraanka kaliya,
  • dadka tuuloyinka hormarsan jooga ayaa heli jiray waxbarasho maadi ah, si kastaba ha ahaatee waxbarashadu qaali ma ahayn,
  • ma jirin xanuunno badan, oo dadku waxay ahaayen kuwo caafimad qaba, cudurada qaar maanta jira xilligaas magacooda xitaa lama aqoonin.
  • Yoolka ugu wayn ee wiil walba lahaa marka uu qaangaadho, waxa uu ahaa inuu mar uun guursado, guurkuna sidaa ayuu u ahaa mid sahlan, marka talaabada koobad ee yaradka laga soo gudbo.

Guurka maanta sidaa wuu ka gedisan yahay, oo talaabada koobad ayaa fudud:

  • ma jirto xoolo yarad ah oo la iska qaato,
  • qarashka badan ee guurka ku baxaya kii aan awoodin waa loo qaadhaamayaa,
  • oo waa loo dhisaya aqalkana,
  • waa loo goglaya ilaa gabadha looga guri geeyana, wiilka ehelkiisu wax walba way bixinayaan haba soo daynsadaane,
  • balse ma jirto wax intaa ka dambeeya oo kaalmo ah, waloow aanan aragti ahaan rumaysnayn in reer la isu dhiso, hadana qodobadani waa kuwa ay ku qotonto maahmaahda ah nimaan kuu furi doonin yuusan kuu rarin

Marka laga soo baxo maalmahi caruusnimada iyo bishii malabka, wax walba way is badalayan, waxaa lagaa rabaa biil, oo tukaanlaha ma ogolaanayo laba bil isku xigta inaad dayn ka qaadato, kirida guriga hadaad 5 bari ku bixin wayso waa lagaa saarayaa guriga, korontada iyo biyaha hadaad bixin waydo waa laga jaraya, hadaad meel wax uga baahato waa inaad bus-taxi ama bajaj raacda, iyana waa lacag oo gaadiidleydu isii qaad kaama yeelayaan, intaas waa nolosha marka aad laba kaliya tahiin, ilmo ayaa dhalanaya waxa uu u baahan yahay quud ka baxsan waxa guriga horay looga cuni jiray iyo daryeel gooni ah, hadii uu xanuunsadana kaba daran, bal suuree canugaaga oo xanuunsan, oodan kiniin u iibin karin ama aad shaxaad ku dawaynayso, marka ilmahaaga waxbarasho gaaraan, qarash hor leh ayaa lagaa rabaa, oo dugsi iyo iskuulba leh, ilmahaagana waxay u baahan yihiin wax walba ooy asaagood ku arkaan inay helaan, ha ahaato wax lagu ciyaaro, goobaha maaweelada, macmacaan amaba labis, sidoo kale ilmaha dhibaato ayay ku tahay, in fasalka looga saaro, aabaha lacagti waxbarashada ma uusan bixin, xili ay asaagiis xiisada qaadanayaan, daraasadahana siyaabo kala duwan ayay wax uga qoreen, waxayse ka siman yihiin inay dhibaato ku tahay, guurkuna macno maleh hadii aadan intaas kaafin karin.

Dadka dhallinta guurka kula taliya badanaa, waxay ka hadlaan waa baahi jidheed, kama hadlaan masuuliyada ninka fuulaysa, marka gabadha loo mehriyo, waxaa kugu soo wareegaysa masuuliyadi aabahed iyo hooyadeed ka saarneed, sababo diini ama mid dhaqan-soomaaliyeedba ha kuugu soo wareegtee, gabadhaas waxay kaa rabta garabkii ay hooyadeed iyo walaalaheed uga baahnayd in ay adiga kaa hesho, maalmaha ay xanuunsato, xaamilo tahay ama ay umusho, waxay kaaga baahan tahay inaad caawiso, noloshiina kalena adiga ayaa lagaa sugayaa inaad kaafido.

Guurku waxa uu u baahan yahay diyaar garow adag, dhaqaale ahaan iyo aragti ahaanba, fahanka waxa guurku uu yahay iyo sidaad reerkaaga u dhaqan lahayd, gabadhu way guursan karta haday hesho nin masuuliyadaas qaadi kara, balse waxaa muhiim ah iyada inay u diyaargarawdo sidii ay ay ilmaheeda u korin lahayd, u tarbiyayn lahayd, waaqica maanta jira ee fasahaadka iyo sida tiknoolajiyadu caruurta u dhibaataysana ugu bad baadin lahayd, ilmaheedana bare ugu noqon lahayd, marka gabadhu sidaa u diyaargarowdo, ninkuna diyaargaroobo, waxa soo baxaysa nolol dhamaystiran dhan walabana ka saxan.

Ha dhagaysan kuwa xadhiga hoggaanka kuugu xiraya shahwadaada, dunidan nolosheedu qariban tahayna, ha ku soo luggoynin ilmo aadan nolosha u qurxin karin, reer aadan iftiinka nolosha u shidi karin, marka hore soo diyaargarow, si aad u dhisato reer qurux badan aayahooduna ifaayo.

Nabad galyo ramadan kariim

𝐰/𝐪: 𝐜𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐛𝐚𝐚𝐥𝐞𝐲

Cabdiraxmaan Macalin Cilmi

error: Fadlan Lama Ogola !!
×

Nagala Soo Xidhiidh Halkan !

Fadlan halkan hoose noogu soo dir wixii aad weydiin ama waxsheeg hayso (WhatsApp)

× Na Weydii?