Waxa uu yidhi: “…Markii ay carruur u dhashay, ee ay carruurtii waaweynaadeen, ayay is-tidhi imika hadii uu ogaado, kolay waxba ku yeeli maayo ama ku furi maayo, ileyn Aabo ayaa uu noqdaye, kadibna sixirkii ay ku xidhay ayay ka furtay, Illaahay Amarkii ninkii ayaa noqday sidii qof hurdo ka soo toosay oo kale, waxa uu arkay laba carruur ah, oo ku leh Aabo iyo gabadh mar-maraysa agtiisa, oo carruurtu ay iyadana ku leeyihiin Hooyo, waxa uu gartay inuu si ahaa, kadibna habeenimadii ayaa uu Midi soo qaatay, gabadhii iyo labadii carruur ahaaba wuu gawracay, isna waxa uu mididii iskaga gooyay xiniinyaha…”, wuxu intaa ku daray, ninkaasi isaga oo dhaawaciisu aad u xun yahay, ayaa iigu war dambeysay, mooyaan in uu dhintay iyo in kale.