Aniga iyo Labtop-kiiba waanu caafimaad qabnaa, Al-Xamdu Lilaah…

Caasha waa inan aan ka weynayn 25-jir, mar mar ayay I salaantaa, si fiican ayay ii salaantaa, oo way degan tahay, inkasta oo aan arkay marka ay saaxiibadaheed ku dhex jirto, iyada oo aad u hadal dhaa-dheer, hadana aniga si xun iilama hadasho, meeshu waa goob waxbarasho, waxay iigu soo gashay xafiiskaygii, waxa ay siddaa Labtop, salaan fiican inta ay igu bilawday, ayay igu tidhi: “Walaal bal ii eeg wuu iga xumaadee”, kuma shaqaysto hagaajinta computer-ka, laakiin waxa ay igu og tahay, in aan aqoon u leeyahay, oo walaalnimo iyo dar Illaahay ayay doonaysaa in aan ugu hagaajiyo, laakiin hagaajinta waxba ugu lamaan, markii ay ii soo fidisay labtop-kii, ee aan ka qaaday, dib waata u guratay, ee kolba inyar dib u siqday, farta iyo suulka ayay afka ku haysaa, argagax iyo cabsi ayaa wejigeeda ka muuqda, oo wejigii ay iigu soo gashay wuu is badalay, labadeeda indhood ma libiqsanayaan, kolba iyada oo I soo eegaysa, ayay talaabo dib u qaadaa, markii aan dareemay in ay wax wado, dhinac aan u qaado waan garan waayay, waxa ay xidhnayd kabo dhaadheer, sidii ay u siqaysay, waata dib u kuftay albaabka agtiisa, ee kabihii la rogmadeen, badhi-jugle ayaa ay u dhacday, kolkiiba inta ay booday ayay albaabka ka baxday, wax yar kadib; gacanta bidixda ayaa xanuun aan ka yaabay iga helay, dhuuxa ayaa waxa aad moodaa in xabaal laga qodayo, oo jigneyaal iyo madaraqyo lala dhacayo, fartu ma gaadhayso, oo diirkan sare si kasta oo aad u xoqdo, xanuunkii farta la gaadhi maysid, ilmo kulul ayaa aan kolba indhaha ka biinayaa, Illaahay cilmigiisu badanaa, waxaan takbiirto, oo aan tasbiixsadaba, qiyaastii ilaa nusa-saace ama saacad wax la’a, ayaa uu xanuunkii I hayay, Al-xamdu Lilaah wuu iga ba’ay xanuunkii, oo sidii uu kolba inyar hoos ugu soo dhacayay, wuu iga wada ba’ay, waxa aan dareemay, in caashi ay labtop-ka wax ku soo sameysay, wax aan sameeyo hore waan u garan waayay, goor dambe ayay caashi saaxiibadeed u soo dirsatay labtop-kii, markii ay ii timid ayay igu tidhi: “Labtop-kii ayay caashi igu tidhi iiga soo qaad…”, kadibna inta aan u dhiibay, ayaa aan ku idhi: “Waxaad ku tidhaahdaa Aniga iyo Labtop-kiiba waanu caafimaad qabnaa, Al-Xamdu Lilaah…”, berigii dambe; mar kasta oo ay I aragto, way iga dhuuman jirtay, hadii aanu iska soo hor baxnana way iga foorarsan jirtay…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Fadlan Lama Ogola !!