Markii xaraamtii noqotay kaadh-cas, oo jeebada sare ugu jira dul-ka-sheekh cadheysan, kadibna kaadhkaa cas uu ku xannibay dhamaan;
- Wixii isaga ku xun ama la xun,
- Wixii aanu xiiso u haynin,
- Wixii aanu karti u haynin ama sameyn kareynin,
- Wixii aanu amateed u haynin,
- Wixii aanu jecleysan ama uu neceb yahay,
- Iyo dhamaan wixii dantiisu aanay ku jirin.
Ha noqdo waxaasi wax cid kale la wanaagsan ama dantoodu ku jirto’e, waxa dadkii muslimiinta ahaa ku habsaday cidhiidhi nololeed iyo nuuxsi la’aan, iyaga oo is-weydiinaya muxuu Illaahay idiinku diiday waxani adiga kuu wanaagsan ama dantaadu ku jirto, taasi waxa ay keentay in dad badani ka dhago adeygeen, in ay fuliyaan wixii uu dul-ka-sheekha habawsani kaadhka cas(xaaraameynta) u taagay ama ku xanibay, kadibna markii in badan oo dadka ka mid ahi ka aqbali waayeen kaadhkii casaa, dul-ka-sheekhiina wixii uu kaadhka cas u taagay, uu arkayo iyada oo la sameynayo, weliba lagu celcelinayo sameyntiisa, waxa uu u arkay in isaga lala ficiltamayo, oo la dhafoor-taabanayo, kadibna waxa uu ku xigsiiyay in uu yidhaa: “Kuwani waa gaalo mar hadii ay amarkii Illaahay diideen, hala dhibo… oo hala laayo… ta xun bay ku Alle taqaanaaye…”
Waxa muhiim ah akhriste xaraamta ama waxan aan u bixiyay kaadhka-cas, macnihiisa guud iyo sida uu ku hirgallo in aynu isla fahanno;
Maadaama oo Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye uu iska leeyahay, oo uu isagu abuuray adduunyada iyo wixii dul saaranba, ha noqdo noole iyo ma-noole labadaba, ha noqdo dad ama duunyo labadaba, iyo ashyaa’da oo idil, waxa uu Illaahay awood u leeyahay inuu dadka u diidi karo wixii uu doono, oo waxaasi ha iiga dhawaan, ama ha taaban uu odhan karo, waanay jiraan waxyaabo uu Illaahay dadka u diidan, oo yidhi yaan loo dhawaan, qofkii u dhawaada ama sameeya ama qabtana uu ciqaab la kulmayo ha noqoto mid uu aduunyada kula kulmo ama mid uu nolosha dambe ee aakhiro la kulmo, waxyaabahaasi uu Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye inoo diidayna waxa ay ka kooban yihiin Ashyaa’a, Aqwaal iyo Afcaal intaba.
Hadaba sidee ayaa uu Illaahay dadka ugu sheegaa wixii uu u diiday, Nebi kasta iyo Rasuul kasta oo uu Illaahay soo direy waxa uu u soo dhiibi jiray, dhamaan waxyaabaha uu dadka u diiday sameyntooda ama qabashadooda, kolkaa waxyaabahaasi waa in ay ku cad yihiin waxyiga, oo aanay noqonin wax xaqiiqadooda uu mad-madaw ku jiro, innagana waxa uu Illaahay weynaa oo wanaagsanaaye uu inoo soo diray 114-suuradood, oo uu u soo dhiibay Rasuulkii Muxamad Rabbi Naxariis iyo Nabadgelyo ha siiyo’e, wixii 114-kaa suuradood ku cad ee xaraam ah ama diidmo Rabbi ku xusan ayuun baa xaraam ah, waxa aan uga jeedaa xaraamtu waa in ay tahay mid ku cad oo ku qoran Qur’aanka, waa in aanay noqonin mid qiyaas ah, oo laga soo dheegtay mid kale, maxaa yeelay; Nebigu qiyaas wuu sameeyay, oo qiyaasu-tashbiih iyo qiyaasu-caksi labadaba weynu ka haynaa, se Nebiga Illaahay ayaa la soo hadli jiray, wixii uu la seego ka joojinayay, sida dhacday markii uu Nebigu u diiday qoladii geedka timirta bacriminaysay, iyo ninkii indhaha la’aa ee asxaabta ka mid ahaa ee uu yar dhibsaday la joogitaankiisa, iyo markii uu Nebigu naftiisa ku haaraamay in ay dadka badankiisii soo raaci waayeen ama muslimi waayeen, mararkaasi oo dhan Nebiga scw waxa caawinayay, oo la talinayay Illaahay Weynaa Oo Wanaagsanaaye, una sheegayay sida toosan ee saxda ah, bal hadaba waxa aad is-weydiisaa marka mid dul-ka-sheekh ah, oo halkan iska fadhiyaa inta uu ka kaco masaajid, uu xaaraantimeeyo wax ka mid ah waxyaabaha bulshada uu ku arkey, isaga oo ka soo qiyaas qaadanaya ama xaaraanimada waxaasi ka soo dhex jiidaya Aayado iyo Axaadiis aanay ku cadeyn waxani, hadiiba waxaasi uu yahay mid aan ahayn sida uu dul-ka-sheekhu u sheegayo, bal yaa isbaaradaasi ka horqaadaya dadkii rumeystay? Hadaba xaraam waxa la yidhaahdaa wixii uu Illaahay ku sheegay xaaraannimadooda Qur’aanka, sida oo kale Xaraamtu waa in ay ku caddahay Aayadda magac ahaan iyo macne ahaanba.
Ogow oo waxa jira waxyaabo aan xaraam ahayn, se xeer bulsho iyo is-af-garad bulsho-wanaajin ah lagu joojin karo, tusaale ahaan; in wadada gaadhi kastaa midigta ka maro, waxa weeyi xeer bulsho, oo xaaraan maaha in gaadhigu wadada xaga bidix ama dhexda ka maro, se si wadadii inoogu wada filnaato, oo aynu u wada mari karno, waa in gaadhi kastaa dhanka midigta ka maraa wadada, waa xeer-bulsho oo keenay in dadkii isku dhici lahaa, ee mid waliba ku doodi lahaa adiga ayaa I jiidhay iyo mayee adiga ayaa isku kay soo beegay, ay ku kala badbaadeen, sidaasi oo kale waxa jira, jirinna doona waxyaabo badan oo xeer bulsho lagu joojin karo, hadii dadka iyo dawladoodu u arkaan in wanaagii iyo wada-noolaanshihii ku jiro, sida oo kale qofku waxbaa jiri kara uu jidh-diido ama aanu xiiseyneynin ama aanu amateed u haynin, waa in uu aayar isaga fogaado ama iska daayo ama iska joojiyo isaga oo aan xumaan ku sheegeynin, kuna hiifaynin ama ku haaraamaynin qofkii xiiso u haya ama sameynaya ama la haysta, tusaale; Nebi Muxamad Rabbi naxariis iyo nabadgelyo ha siiyo’e ayaa la soo hor dhigay hilib maso-cagaley, kadibna wuu iska riixay, khaalid binu waliid oo cunaya isla hilibkii maso-cagaleyda, oo isagu la haysta cunitaankeeda, arkayayna in Nebigu iska riixay ayaa yidhi: “Nebigii Illaahayoow ma xaaraanbaa waadigan iska riixaye…” Nebigu naxariis iyo nabadgelyo Rabbi ha siiyo’e wuxuu ugu jawaabay: “Xaaraam maaha, se aniga ayaan amateed u haynin…” kolkaa waxa jira wax badan oo dadka qaar la xun, qaarna la wanaagsan, waxa kale oo jira wax badan oo uu waayuhu keenayo in la joojiyo ama la habeeyo, si noloshii u wanaagsanaato, waxyaabahaasi hadii Xaraam lagu sheego cidii u baahneyd iyo marka waayuhu baahidii loo qabay dibada u soo saaro, waxa dadka oo dhan ama qaarkood soo food-saaraya cidhiidhi nololeed.
Dul-ka-sheekhu waa kuma? Goormuu se sameysmay?
Markii diintii Islaamku noqotay mid laga hoos-galo cabsi iyo baqdin dad ama adduunyo, sida; Yaan lagu sixrin! Yaan jin ku derderin! Yaan gaal lagu moodin! Ha lagu aaminno! Shaqo aad ku heshid! Guur aad ku heshid! Ha lagu ammaano! Iyo waxbadan oo kale, oo wada adduunyo doon ah, oo ay noqon weyday diintii mid jaceyl iyo yaqiin iyo aaminaad Rabbi lagu yahay Islaam, waxa sameysmay dad dushana ka muujisanaya Islaamnimo, gudahana ka madhan oo rag iyo dumarba leh.
Sida; Rag iyo Dumar qaybsan 114-ka suuradood ee Qur’aanka oo ku akhrinaya cod is-kelifaad ah oo aan koodii ahayn, axaadiistii macneynaya, qur’aankii tafsiiraya, fiqhigii akhrinaya, se waxaasi oo dhami ay ka yihiin xuruuf ay xiftiyeen iyo kalmaddo ay duubeen sidii cajallada, oo xumaanta ay dadka qaarkood sameynayaan u arka raaxaysi iyagu ay ka dabran yihiin, ayse jeclaan lahaayeen in ay iyaguna dhex dabaalan lahaayeen hadii aanay ka xanibnaan lahayn, waxyaabahaa xun-xun cidda sameynaysa marka ay la dirirayaan, waxay u arkaan walacsi iyo in iyaga loola jeedo oo loogu faanayo, kolkaa waxa ay la-dirirkooda uga jeedaan ka xaasida si aan ciddani u sameynin, ama aragtida aad arkeysaan aan iimaanku idiinka soo dhicin, oo aydaan u hungureynin idinna, hadii ay xumaantu ahaan lahayd mid qalbiga ay ka rumeysan yihiin xumaannimadeeda, cidda sameynaysaa ugumay muuqateen cadaw mudan in la dhibo ama la daadiyo dhiigooda, ee waxa ay u arki lahaayeen qof jar iska tuuraya ama is-dilaya oo kale, qofkaasi mar hadii aan adiga dhib kaa soo gaadheynin, wixii aad u tartaa waa in dhibka uu qofkaasi ku jiro uga nasteexayso ilaa xad inta ay kartidaadu tahay af iyo addinba.
Wuxuu yidhi ninkii gabyay:
- Inkastuu Gadh Weyn Leeyahoo Gaadhay Dhabannada
- Mar Hadaan Garasho Wehelinayn Waa Gaskaa Baxay
Discover the magic of virtual casino.
new casino sites 2023 uk https://www.wilde24.com/ .
Sign Up and Play Today!
Discover the Excitement at the Best Online Casino
4 squad online slot uk http://www.wolfslots.co.uk/congregate-your-team-unveiling-the-operation-of-4-squad-online-opening/ .
Пошаговое руководство
– Как увеличить доход с арбитражного трафика
арбитраж рекламного трафика партнерские программы гемблинг .
top payout online casinos [url=https://www.24bet-casino.com/]https://www.24bet-casino.com/[/url] .
Step-by-Step Instructions
Top 10 Crypto Wallets You Need to Know About
tron wallet app [url=http://best-exchange-wallet.com/]tron wallet app[/url] .
play keno for free [url=http://www.casinowild-24.com/free-casinos/free-keno]play keno for free[/url] .
Keep your cryptocurrencies safe with this wallet
sell tron for usd [url=http://www.tradingwallet-online.com]http://www.tradingwallet-online.com[/url] .